Maamuus ka Xayuubinta Trump iyo Doodda Dimoqraadiga (WQ: Ismail Farjar)

Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykan ah ee Maamuus ka xayuubin lagu sameeyo wuxuu ahaa Andrew Johnson oo xilka la wareegay 1865 ka dib markii la dilay madaxweynihii ka horreeyey ee Abraham Linclon, Johnson waxaa dacwad lagu soo oogay ka dib markii uu eryay Wasiirkiisii Dagaalka isaga oo aan ogolaansho ka helin Congresska, hase ahaatee dacwaddii maamuus ka xayuubinta ee hore oo qabsoontay December 1867 wuu ka badbaaday, waxaase maamuuska laga xayuubiyey 1868 ka dib markii ay olole xooggan galeen Xubno xagjir ahaa oo ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga oo si weyn uga soo horjeeday siyaasadihiisii.

Madaxweynaha kale ee Dacwad maamuus ka xayuubin ah lagu soo oogay wuxuu ahaa Richard Nixon, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa, fadeexaddii Water Gate oo ahayd in loo dhacay xafiiskii Xisbiga Dimoqraadiga si xogtooda loo xado. Fadeexaddaas ayaa lugaha la gashay madaxweyne Nixon, waxaana la diyaariyey maamuus ka xayuubin in lagu sameeyo, hase ahaatee ka hor intii aan dacwaddiisa la qaadin ayuu xilka iska casilay sannadkii 1974. Madaxweyne Nixon wuxuu ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga.
Madaxweynaha kale ee dalka Maraykanka ee Maamuus ka xayuubin lagu soo oogay ayaa ahaa Madaxweyne Bill Clinton, isaga oo loo haystay Been sheegis iyo is hortaag caddaaladeed, taas oo salka ku haysay fadeexado dhinaca jinsiga ah oo ka dhacay aqalka cad, gaar ahaan xidhiidh dhinaca gogosha ah oo la sheegay inuu dhex maray isaga iyo gabadh shaqaale ka ahayd aqalka cad oo lagu magcaabayey Monica Lewinsky, waxaana dacwaddiisa aad u buunbuuniyeen Xisbiga Jamhuuriga oo aad uga soo horjeeday, aakhirkii, waxaa maamuus ka xayuubintiisu ay ka bilaabantay golaha Congresska sannadkii 1998, ka dib sannado badan oo baadhis ah, waxaa la soo saaray warbixin ka kooban 445 bog oo caddaynaysa inay jiraan eedo rasmi ahi, aqalka Congresska ayaa ogolaaday eedda la soo jeediyey, waxaana 4 qodob oo lagu soo eedeeyey uu golaha Congressku ansixiyey laba ka mid ah, iyada oo eedda maxkamadayntu ay ka bilaabantay aqalka Senateka, bishii January ee sannadkii 1999, Hase ahaatee bil ka dib kiiskaas waa la buriyey.

Madaxweyne Trump ayaa noqonaya madaxweynaha afraad ee dacwad lagu soo oogo, tan iyo intii uu xafiiska yimi, waxaa madaxweyne Trump ku socday eedayn kala duwan oo la xidhiidha inuu ku takri falayo awoodda xafiiskiisa, isaguna cidna uma joojiyo ee wixii la gudboon ayuu sameeyaa, Golaha hoose ee Congresska oo Dimoqraadigu ay hoggaamiyaan ayaa marar kala duwan la horkeenay in madaxweynaha xilka laga xayuubiyo, hase ahaatee haweenayda hoggaamisa Congresska ayaa marwalba hortaagnayd, in dacwad lagu oogo madaxweynaha. ugu dambaynse waxay ogolaatay in dacwad lagu soo oogo madaxweynaha, haddaba maxay tahay dacwadda loo haystaa?
Markii madaxweyne Trump uu xafiiska yimi, waxaa lagu eedeeyey inuu Ruushku gacan siiyey madaxweynaha intii uu ololaha ku jiray si uu xafiiska uGu guulaysto, waxaa la magcaabay guddi baadhiseed, kuwaas oo wakhti dheer baadhayey madaxweynaha, in ka badan 500 oo qof ayaa la waraystay, waa la soo saaray inay wax khaldan yihiin, hase ahaatee arrin weyn oo caddayn ah lama helin. iyada oo xaalku halkaas marayo, madaxweynuhuna hawshiisa iska wato, ayaa mar keliya waxaa soo baxay war sheegaya in mid ka mida saraakiisha sirdoonka ee ka agdhow xafiiska madaxweynuhu inuu hay’adaha dawladda la wadaagay dareen qarsoon oo odhanaya, “Madaxweynuhu Wuxuu ku takhrifalayaa awooddii xafiiskiisa, wuxuuna weydiisanayaa madax wadamo kale inay ka caawiyaan in loo baadho masuuliyiinta mucaaradka ee la tartamaya doorashada soo socota” dareenkaas ayaa la sheegay in saraakiishii uu la wadaagay aanay dheg jalaq u siinin, taas bedelkeeda ay isku dayeen inay aamusiyaan, hase ahaatee xogtiisii ayaa gaadhay warbaahinta, iyada oo faahfaahsan, waxaana nuxurka werwerka uu qabaa ay ahayd “…Madaxweynuhu wuxuu la hadlay madaxweynaha dalka Ukraine, isaga oo ku cadaadiyey inuu u baadho wiil uu dhalay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Joe Biden oo haatan ka mida musharaxiinta uGu cadcad ee Xisbiga Dimoqraadiga ee laga yaabo inuu Trump la tartamo doorashada dambe, wiilka uu dhalay Joe Biden ayaa ka shaqaynayey dalka Ukraine, waxaana jira eedo loo soo jeediyey, waxaana madaxweynuhu xilligaas kor u hayey ama aanu si daynin lacag deeq ah oo congressku u ansixiyey in la siiyo Ukraine, hawshaas baadhisteeda wuxuu madaxweynuhu u xilsaartay Qareenkiisa gaarka ah…”

Haddaba markii warkaasi soo baxay, waxay noqotay bilawga caddayn loo isticmaali karo in madaxweynuhu ku xadgudbayo awooddiisa xafiiska, waxaana haatan la gudo gelayaa in laga go’aan gaadho in lagu soo oogo dacwad iyo inkale.

JIDKA DACWAD OOGISTA?
Maamuus ka xayuubinta madaxweynaha waxaa soo oogi kara, xubin kasta oo ka tirsan aqalka Congresska, ka dib Eedda maamuus ka xayuubinta waxaa loo gudbinayaa guddida garsoorka ee Golaha Congresska, guddidaas ayaa faaqidaya, iyaga oo isla eegaya qodobada sharci ee madaxweynuhu ku xadgudbay, ka dib 51% waa inay ansixiyaan go’aanka guddida garsoorka, iyaga oo u gudbinaya Golaha Congresska.
Golaha ayaa ka doodaya eedda ay soo gudbiyeen guddida garsoorku, waxaana dood dheer ka dib goluhu cod u qaadayaa eedda maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha, taas oo ay ku ansaxayso, 51% codadka golaha fadhiya, haddii cod ku filan loo waayo sidaas ayay ku jabaysaa dacwaddu, haddiise loo helo cod ku filan, waxaa loo gudbinayaa golaha Senateka.
Golaha Senateku waxay madaxweynaha si rasmi ah uGu wargelinayaan dacwadda laga keenay iyo inuu iska hor difaaco golaha Senateka, sidoo kale waxaa guddi ka tirsan golahani ay diyaarinayaan eedda madaxweynaha loo haysto ee ka timi golaha Congresska.
Fadhiga Senateku wuxuu isu bedelayaa maxkamadayn, waxaa guddoominaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyo Xeerbeegti ka tirsan Senateka oo dacwadda qaadaya, sidoo kale waxaa la keenaya caddaymihii lagu eedaynayey Madaxweynaha, ka dib ayaa cod loo qaadayaa, waxaana maamuus ka xayuubinta madaxweynuhu ku ansaxaysaa 67% oo ka mida mudanayaasha Senateka ama 2/3. haddii codkaasi ansaxo sidaas ayaa madaxweynaha xilka looga qaadayaa.

MADAXWEYNE TRUMP XILKA MALAGA TUURI KARAA?
Way adagtahay in laga jawaabo, laakiin xaaladda siyaasadeed ee haatan jirtaa uma eka in si rasmi ah ay u wada guulaysan karto maamuus ka xayuubin lagu sameeyo madaxweyne Trump, sababtoo ah, waa suuro gal in dacwadda maamuus ka xayuubintu ay dhaafto Congresska, maadaama dimoqraadigu u badan yihiin, inkasta oo ay weli u baahan yihiin codad dheeraada si ay u meel marto dacwaddoodu, hase ahaatee aqalka Senateka waxaa maamula Jamhuuriga, wayna adagtahay inay helaan 2/3 si ay madaxweynaha xilka uga tuuraan.