Maanso: Caku mudanahaygii, mooryaantu dhaanto, dhiig miirtihiiyow (Waxa Curiyey: Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”)

 

Waa maanso cusub oo uu tiriyey Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” xildhibaanada lacagta qaata ee dana shacabka ilaaway.

Inta badan Xildhibaanada ayaa waxa lagu sifeeyaa qaar ka doorbida danka shacabka danta calooshooda ee qaraamaadka yar ee ay ka qaataan hadba mooshinka socda.

Maansada cusubina waxay u dhignayd sida tan:

 

Caku mudanahaygii

Mooryaantu dhaantoow

Dhiig miirtihiiyoow

Kii loo mashxaradee

Isna nagu maqnaayee

Quus nagu macsuumoow.

Maxastiyo Adduunkii

Macaluul ku nooshiyo

Wadhatada miskiinta ah

Laga faro maroojiyey,

Sawtaad malaayiin

Moohaar ku gurateen,

Iimaan macbuud baa

Uur madhane buuxshee

Xaaraanta maandhoow

Ma mahadin hortaa jire.

Milladii islaamkiyo

Dhaartaad marteeniyo

Xaqa muuminiintiyo

Ducadii madluunkee

Toos loo maqlaayiyo

Mawdkiyo xabaashiyo

Munkar iyo nakiiriyo

Qabrigii madoobaa

Ee maro cad mooyee

Maal lala tegayniyo,

Muduciga qiyaamaha

Maxkamada ilaahay

Kugu maadsanaayiyo

Xaaraanta maandhoow

Cishadaa macaanayd

Muruqaad ku xoogtiyo

Midigtaad ku taabtiyo

Dhuuntii ad marisaa

Kugu marag furaysiyo

Mustafaha warkiisii

Moogaha illaawoow

Magac dhawristiiyo

Dhaqankii masuulnimo

Xil kaskiyo marwaadkii

Maydhaamihiiyoow,

 

Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”