Maanso: Caynaano (waxa tiriyey abwaan Guuleed Yuusuf Axmed)

Maansadan oo ah maanso cusub oo uu magaceedu yahay “Caynaano,” dhowaan na soo baxday waxa tiriyey abwaan Guuleed Yuusuf Axmed, oo ka mid ah abwaannada reer Soomaalilaan ee maansada ama guud ahaan badaha suugaanta hibada dhabta ah u leh.

 

Maansadu waa maanso diini ah, aqoon badan oo diinteenna qiimaha badan ku saabsan ayaa na ku duugan. Nin baa isaga oo waxtarka gabayga ka hadlaya beri yidhi, “Taariikho in ka badan boqol sannadood socday ayaa gabay keli ah lagu soo koobi karaa.” Sidaa si ku dhow, waxa aan ku dhiirran karaa in aan ku doodo casharro muxaaddarooyin badan laga dhigi kari lahaa in ay tixdani soo koobayso iyada oo weli ba duluc wanaagsan na inagu sooraysa.

 

Arrimo badan oo if iyo aakhiraba ku saabsan oo ay tixdu inoo soo gudbinayso haddii aan is-idhaahdo mid mid u sharrax qoraalka ayaa ina la dheeraanaya. Sidaa darteed, bal dhawr arrimood aynu arrimahaa ka xusno, dabadeedna aynu maansada qalbiga u sii dayno.

 

Ugu horreyn, waxa ay innoo sheegaysaa tawxiidka iyo awoodaha Allaha wax walba kara ee aan cidna u baahnayn ee qaniga ah, hase ahaato ee isaga loo baahan yahay. Waxa kale oo ay ka warramaysaa deeqaha Ilaahay ee faraha badan iyo in qofka kitaabka iyo sunnaha ku dhaqmaa uu maalinta qiyaame liibaani doono, halka ruuxa ka baydhana uu cawaaqibkiisa Alle uuni og yahay.

 

Qayb tixda ka mid ah waxa uu abwaanku ku xusayaa tilmaamaha iyo sifooyinka wanwanaagsan ee Alle u gaarka ah. Waxa kale oo uu xusayaa cilmiga Ilaahay ee aanu bani-aadanku inta uu le’eg yahay garan karin iyo sida uu caalamka ballaadhan uga dhex muuqdo. Ciidda adduunka taalla tiradeedu waa immisa? Ma la tirakoobi karaa dhibcaha faraha badan ee roobabka uu Alle inna siiyaa ay ka kooban yihiin? Arrimahaas iyo kuwo kale oo Aadamigan aqoonta is biday aanu ka jawaabi karin oo uu Ilaahay oo keli ah uuni og yahay ayaa ay tixdan “Caynaano” horteenna keenaysaa.

 

Qaybaha u dambeeya marka la gaadho waxa ay tixdu inna xusuusinaysaa in dunidan laga guuri doono, oo halkii loo badnaa iyo aakhiro lagu dambayn doono. Waxa uu abwaanku ku soo gebagebaynayaa duco. Maalinta tii wax daboolaysay (waa qiyaamaha’e) ay timaaddo, ee uu qofku dadkiisii oo dhan ka baxsan doono, ee ay wejiyaal faraxsan yihiin, kuwo kale na murugaysan yihiin, kuwii naar laga bedbaadiyo ee nimcooyinka jannada loogu deeqo in uu Ilaahay innaga dhigo, ayaa uu abwaanku Alle inoo weydiinayaa.

 

Haddaba tixdii “Caynaano” waa tan ee Ilaahay ha inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta, waxna ku qaata. Waxa uu abwaanku tixda ku bilaabay sidatan:

 

  • Alloow adigaa casiis ah
  • Adaa rabbul caalamiin ah
  • Cibaado adaa mutaysatay
  • Adaan cidna wax uga baahan
  • Adaan ku aroorin caylad
  • Carruur iyo farac ka maarmay
  • Adaa ka saliim ah ceebta
  • Adaa caydh hodan ka jooga
  • Adaa caadila garsoorka
  • Adaa weyni u cadiim ah
  • Adaa cigasho u Raxmaan ah
  • Cadhiyo qabasho u Jabbaar ah
  • Adaa cabashada ajiiba
  • Adaa cudurrada daweeya
  • Adaa cil tira madluunka
  • Adaa cadow naga difaaca

 

  • Cabsida taadaa hanuun ah
  • Cisyaankaagaa xanuun ah
  • Wixii kale waa cayaare
  • Ciqaabtaadaa kulayl ah!

 

  • Nasiib waa caymintaada
  • Cawona waa garab-galkaaga
  • Jannadu waa caddiyaddaada
  • Casuun waa aragtidaada

 

  • Ninkii ku cuskaday ma iisho
  • Nin kugu cararaa ma hoogo
  • Nin aad cawishaa ma baahdo
  • Nin aad cokisaa ma oomo
  • Nin aad carbisaa ma liico
  • Nin aad casishaa ma nuuro
  • Nin aad caqirtaa ma kaabto
  • Nin aad caddibtaa ma reeyo
  • Ninkii ku canaada mooyi
  • Cawaaqibka aayihiisu
  • Halkuu ku carceeri doono!

 

  • Sedkiyo deeqdaadu ceegan
  • Waxaad bixisaaba cuuran
  • Qofkaad u hurtaaba ciidsan
  • Abaal-ka-dhaceedu caaggan
  • Nin kuu garan waayay caayan
  • Ninkii laga qadiyay ciillan!

 

  • Ninkii casharrada Qur’aanka
  • Caqiidiyo dhaqan u qaatay
  • Calayhi salaam rasuulka
  • Jidkiisa ka caado yeeshay
  • Cadaab uga yaabi mayno
  • Adduunkana coolligiisa
  • Caarcaarkiyo waayihiisa
  • Ma ciirsiyo weheshi beelo
  • Cidliyo kuma dhaado baylah

 

  • Casaa-wa-Jalloow xuskaagu
  • Aduu yahay caafimaade
  • Siduu carrab aad abuurtay
  • Cay aan ogay kuugu quudhay?

 

  • Cajaa’ibta weynidaada
  • Cibaarada soo-jirkaaga
  • Cimriga sii-waariddaada
  • Ammaantiyo culiwigaaga
  • Gargaarkiyo caawintaada
  • Cafkaagiyo saamaxaaga
  • Caynaankiyo maamulkaaga
  • Awooddiyo ciidankaaga
  • Cilmiga xeeldheeridaada
  • Culayska ammuurahaaga
  • Caqliga aadame ma qaado
  • Cabqari ma malaysanaayo!

 

  • Cir iyo adigaa dhul uumay
  • Khalqiga ku cammiran abuuray
  • Cadceed iyo dayax abuuray
  • Carshiga sare ku istawooday

 

  • Adaa dhul abaari coontay
  • Cusbooneeyoo rusheeya
  • Cosobiyoo hamash ka yeela

 

  • Calaamad layaab le weeye
  • Daway noo tahay cagaar ah
  • Carfay noo tahay udgoon ah
  • Cuntay noo tahay macaan ah
  • Cibray noo tahay daliil ah

 

  • Adaa cuud nagu arsaaqay
  • Caddiin naga siiya dheefle
  • Caaniyo subag nooga hoorshay

 

  • Makhluuq kala caynba cayn ah
  • Dhammaan adigaa calool og
  • Adaa cadadkooda koobay
  • Adaa camalkooda dheehday
  • Adaa calafkooda siiyey
  • Adaa curintooda keenay
  • Adaa celintooda yeeshay

 

  • Habeennimo caad madoow ah
  • Qudhaanjo yar culay madoow ah
  • Ku hoos jirta cayn madoow ah
  • Ku taalla cal buur madoow ah
  • Caddaan adigaa u arkaaya
  • Codkeeda adaa maqlaaya!

 

  • Markay cilmiyooto ruuxdu
  • Cindiga ka xanshaashaqayso
  • Celcelintiyo faalladeeda
  • Adaa coofaadhigeeda
  • Sir iyo caadba u arkaaya
  • Adaa xididdada cunaaye
  • Candhuuftu marto uga sii dhow!

 

  • Casaa-wa-Jalloow xuskaagu
  • Aduu yahay caafimaade
  • Siduu carrab aad abuurtay
  • Cay aan ogay kuugu quudhay?

 

  • Intii cayayaan itaal yar
  • Intii coomaadde duusha
  • Intii cirir iyo dadqaad leh
  • Intii la cunee ugaadh ah
  • Colkiyo bahalaa gurguurta
  • Adaa cadadkooda koobay!

 

  • Adduunkiyo cidhifyadiisa
  • Wixii ciriq dhagax aroora
  • Cas iyo madow iyo ladiid ah
  • Adaa cadadkiisa koobay!

 

  • Ciid-weynta banaanka taalla
  • Culayska culayska saaran
  • Calaa midh adduunyadoo dhan
  • Adaa cadadkeeda koobay!

 

  • Carriga waxa geed ku beeran
  • Caleentiyo midhaha saaran
  • Cayimiddeediyo xisaabta
  • Adaa cadadkooda koobay!

 

  • Gu’ roob iyo curashadiisa
  • Daruuraha cuurka weyn leh
  • Markaad candhada u salaaxdo
  • Cirkiyo waxa dhibic ka daata
  • Adaa cadadkooda koobay!

 

  • Biyaha dunida is cidhiidhshay
  • Badaha cimidha u gadaaman
  • Toggiyo webiyadiyo ceelka
  • Adaa cabbirkooda koobay!

 

  • Malaa’ig camal wanaagsan
  • Si dhaba kuu caabudaysa
  • Mar qudha kaa caajisaynin
  • Adaa cadadkooda koobay!

 

  • Intii ka casabantay Aadan
  • Intii Jaan iyo Cirfiid leh
  • Intii la cunfiya Ibleyska
  • Adaa cadadkooda koobay!

 

  • Intii caqli iyo ma-noole
  • Ciddii kaa soo hadhaaba
  • Biddiyo waa kuu cabiiddo
  • Caawiyo berriba adiiga leh

 

  • Casaa-wa-Jalloow xuskaagu
  • Aduu yahay caafimaade
  • Siduu carrab aad abuurtay
  • Cay aan ogay kuugu quudhay?

 

  • Adduunyadu waa carroowe
  • Cagiyo waa dawku jooge
  • Casrigu waa hoyashadiiye
  • Naftuu cawawaatigeedu
  • Hadhow caynaano roonyay
  • Cadkeedaley bay tidhaaye
  • Midbaa ka calaacalaysa
  • Dunuubtay ku cindanayde
  • Caku na waa u lamahuraane

 

  • Allahayoow cidiyo suurka
  • Carooggii gebagebaynta
  • Cardiga soo baxa qiyaame
  • Ciyoonta la gaadhi doono
  • Xaddiga ceeryoonka dhaafay
  • Caagaaggiyo qaawanaanta
  • Markuu caalwaaga ruuxu
  • Ka caymado ma-hurtadiisa
  • Caleyhi salaam Rasuulka
  • Intii xawd kala cabbaysa
  • Darkiisa u ceelalyoota
  • Asxaabtii la ciyi qaata
  • Cantuuga midhii fardawsa
  • Caqiibeeyoow akhyaartan
  • Cashiiriyo nooga yeel tol
  • Cushiyo naar naga badbaadi
  • Allahayoow cidhib samaata
  • Codsina kaa hayga diidin.

Aammiin.