Maanso: Ramadaan dhamaataye (Waxaa tiriyey Abwaan Axmed Cali Aadan)

 

Maansadan aadka u quruxda badan waxaa Tiriyay Abwaan Axmed Cali Aadan.Runtii waxa ay maansadani ka turjumaysaa duco iyo Rabbi tuug ku saabsan, in aan Ilahay ac-maasheenii Ramadaanka aanu hoojin inagana aqbalao.

Waatan Maansadii Rabadaan dhamaataye:

Cirkan aan dhaqaaq’iyo

Soo dhicid midna lahayn

Misna udub dhaxaadiyo

aan dhiga hayaa jirin

Allii sare u dhaabaw

Rabadaan dhamaataye

Danbi dhaaf Nasiiyeey.

 

dhulkan aan dhaqaaq’iyo

dheeldheeliga lahayn

Allii buura dhaadheer

Hoos ugu dhardhaaree

dhidibada uga yeelaw

Rabadaan dhamaataye

danbi dhaaf Nasii’yeey.

 

Allihii dhabada baray

Qoraxdaa mar soo dhalan

Marna sii dhacaysee

Habeenkiyo dharaartii

Sababta uga dhigayaw

Rabadaan dhamaataye

Danbi dhaaf Nasii’yeey.

 

Biyo qaybi dhay tahay

Qaybina dhanaan tahay

Misna dhaam ku wada jira

Allii teed u kala dhigay

Aanay dhaafi karinaw

Rabadaan dhamaataye

Danbi dhaaf Nasii’yeey.

 

Allahaan wax dhalinee

Isna aan la dhalinee

dhigga aan lahaynaw

Rabadaan dhamaatye

Danbi dhaaf Nasii’yeey.

 

Allii Aadam dhoobada

Dhulka uga xantoobshee

Bashar siman ka dhigayaw

Rabadaan dhamaataye

Danbi dhaaf Nasii’yeey.

 

Waaga dhalashadiisiyo

Ilamaa cadceed dha’ca

Cunno gaws la dhiga iyo

Cabbitaan dhamaantii

Allahaanu dhuuniga

Uga dhaarsanaynaw

Rabadaan dhamaataye

Danbi dhaaf Nasii’yeey.

 

Saqda dhexe habeenkii

Qiyaam dhuuxu gororiyo

Rukuuc dhabarku daaliyo

Sujuud food la dhiga iyo

Allahaan dhamaantayo

Baryo ugu dhaqaaqnee

Gacmaa hoos dhigaynaw

Rabadaan dhamaataye

Danbi dhaaf Nasii’yeey.

 

Rabadaan dhamaataye

Kawaad naarta dhababiyo

Rabbaw dhacan ka saareed

Waxay kaa dhursugayaan

U dhabayso naga yeel.

 

Rabbiyaw dhamaantayo

Camalkay dhitays’teen

Kuwaan laad ku dhufanee

Dhan kastaba cibaadada

Kuugu dhaga nuglaadee

Shaydaan dhufays adag

Kaga dhuunta naga yeel.)

 

Aamiin aamiin aamiin aamiin.

Maansada waxaa tiriyay Abwaan :Axmed Cali Aadan.