Maaree Noloshaada (WQ: Khaalid Mahad)

 

Sida aad ka war qabtid noloshu waa dedaal ku meel gaadh ah oo lagu sugnaanayo ayaamo yar oo aad u kooban , waxaana loo sii dhaafi doonaa meel lagu waaro meshii ugu mudnayd , uguna muddada dheerayd oo ah aakhira. Hase ahaatee , inta la nool yahay nolosha qofba dhan ayuu ka taagan yahay, waana lagu kala dareenno duwan yahay sida ay tahay  ee dhabta ah ama dhadhankeeda.

Sababta koowaad ee dabada ka riixaysa in lagu kala aragti iyo dareenno duwanaado nolosha ayaa ah aadamaha oo aan ka sinnayn garaadka, aqoonta, dabeecadda , dhaqaalaha, caafimaadka , dhibaatooyinka , fahanka , hab-dhaqanka, samirka, iimmaanka , waaya aragnimada, IWM.

Haddaba, noloshu waa muraayad wejiyo badan oo kala jaad jaad ah leh , dadkana badhba dhan ayay iska arkaan . Waxayna u haystaan uun in weli ay wax ka maqan yihiin . Tusaale ahaan , sida dhammaan dadka aad maalin kasta aragtaa ay u kala duwan yihiin muuqaal ahaan , ayay nolosha dhadhankeedana ugu kala duwan yihiiin.

Xitaa laba qof oo ka midaysan diintaa,dhaqanaka, dhaqaallaha, aqoonta, caafimaadka  ayaa ku kala dookh duwanaan kara nolosha oo dad badan ayaa odhan lahaa haddii wareysi madax-bannaan laga qaado “ noloshu sidii aanu doonaynay iyo si ka sii wanaagsan ayay noo tahay , waxaana aanu ku mahadinaynaa Ilaahay SWT, balse waxaas iyo waxaas ayaannu tebaynaa ”.

Halka , badh badan oo dadka ka mid ahi ay ku jawaabi lahaayeen “ noloshu waa rafaad , silic, iyo dhibaato aan kala go’ lahayn, balse inta aanu nool nahay waa Ilaahay mahaddii , waxaana aanu hiigsanaynaa waxaas iyo waxaas ”.

Si kastaba ha ahaatee, ma dhammaystiranto noloshu oo dabcigeeda ayaaba sidaas ah. Laaakiin, waxa ay dad badani isweydiiyaan “maxaa caqabaddaha aan kala go’a lahayn ku gedaamay noloshayda/nololaheena?” Waa su’aal u baahan wakhti badan  in lagu fahmo micanaha ay ku fadhido oo jawaabtii ku habboonaydna loogu helo. Anniga oo aan ku sii dheraanaynin qoraalka , waxaan jeclahay in aan ku siiyo xalka iyo fahanka su’aashan labadaba . Haddaba , raac tallaabooyinkan hoose:-

  1. Si aad maanta u ogaato muraayadda nolosha dhanka aad iskaga egayso , waa in aad indhaha isku qabato muddo shan daqiiqo ah.
  2. Adiga oo indhaha isku haya waxa aad qalbiga ku sawirataa nolosha aad doonayso
  3. Adiga oo indha isku haya waxa aad sawirataa nolosha aad diiddeyso
  4. Adiga oo aan weli indhaha kala qaadin waxa aad sawirataa fududeeyayaasha nolosha aad doonayso (waddada loo maro)
  5. Adiga oo indhah isku haya waxa aad sawirataa caqabadaha kaa hor istaagi kara nolosha aad doonayso
  6. Ka dib waxa aad sawirataa qodobada kugu riixaya nolosha aad diiddayso
  7. In taa ka dib indhaha kala qaad , soo qaado qalin iyo warqad oo qor sawirradii maskaxdaada ku soo dhacay ee ahaa qodobadda laba(2) illaa lix(6) .
  8. Ugu dambayn waxa aad ka fekertaa ka dibna qoraal ahaan u beddeshaa sidii aad ula dagaalami lahayd caqabaddaha mustaqbalkaaga , aad una rumeyn lahayd sawir maskaxeedyadii la qoray.

Guntii iyo gebagebadii , waxa aan la isla diidanayn in nolsohu ay tahay macallin qofka bari kara casharro duruuseed oo naadir ku ah goobaha lagu derso culuumta maaddiga ah. Waxaana muhiimadda ugu weyn iska leh oo go’aamin kara nolosha uu doonayo qofka laf ahaantiisa , haddii uu fahansan yahay qodobbada kor ku xusan oo iila muuqda kuwo uu qofku ku maareyn karo dhibaatooyinka nolosha ku soo food saara ama ku hiigsan karo sida uu doonayo in uu noloshiisa u sii wato .

 

Khalid Mahad