Maaweelada Mucaaradka (WQ: Tayasir Ahmed Omar)

Taariikhdu goortay ahayd sifiican uma xusuusto, balse sanadku waxa uu ahaa 2012 kii dhamaadkiisi. Waa abaaro 7-dii subaxnimo, waxa aanu ahayn koox dhalinyaro ah oo ka kooban lix ruux. Waxa aanu kalaahad arooryaad iyo guurayn mugdi u galnay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuriyada Somaliland oo aanu shir kula lahayn Zamzam Cabdi Aadan oo markaa ahayd wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawladii axmed siilaanyo. Aalaaba amintan oo kale wasiiraddu firaaqo ayay ahaan jirtay sababtoo ah shaqo badan oo waqti xaadirkaa ay qabanysaa may jirin, oo waxa ay bilaabmi jireen hawluhu sida caadada ah xiliyada ay hawl wadeenada wasaradu soo shaqo galaan. Waxa iyana lasoo kalihi jirtay xoghayteeda.

Markii ay baabuurkeedii kasoo degtay, ayay salaan iyo bariido kadib nala kaftantay oo ay tidhi “ Eddo malaha mabaydaan soo qureecan…” waanu wada qosolnay, anaa ugu hal celiyay “ sacaadatul wasiir adba afkaga jadiin maad soo saarin oo cadceediba may soo bixin”. Intaa kadib si diiran ayay noosoo dhawaysay, waxayna nagusii hogaamisay xagaasiyo xafiiskeedii. Intii aanu usii soconay xafiiskeeda ayay nabartay ilaaliyaheeda gaarka ah, naguna dardaarantay in aanu marnaba naga hor joogsan la kulankeeda hadii aanu u baahano. Sidoo kale xoghaynteedii ayay iyadana nabartay intii oo kalena u sheegtay.

Waxa aanu ka codsanay, in aanu siino waqti ay kula kulanto la taliyayaasheeda wasaarada oo ay la shiraysay, kadib na aanu usoo galno. Iyada oo na ixtiraamaysa ayay nagu tidhi “Eddo in aanu isku raagno oo shirku nala fogaado ayaa suurogal ah ee aynu inagu horta dhamaysano shirkeena…” iyadoon hadalka dhamaysan ayaan ka boobay waxa aan ku idhi “sacadatul wasiir hawsha qarankaa naga leh mudnaanta, anaguna waanu ugu soo talo galnay  in aanu adiga kula qaadano subaxaa saaka ah, dhamayso waan ku sugaynaaye, hadda garo oo intan aanu isku hadal celinayno may galin xafiiskeeda oo salka lamay gaadhin kursiga ee waxa ay hortaagan tahay afaafka xafiiskeeda, waa sax bay tiri oo way u gashay saraakiishii ay shirka wada lahaayeen”.

Waxa aanu halkii xafiiska xoghaynta u fadhinay qaddar 30 daqiiqo ah, waysoo wada baxeen saraakiishii waxa se ka hadhay oo la fadhiya hal sarkaal oo ah la taliyaheeda. Lixdayadii dhalinyaro waanu la fadhiisanay, arinta aanu ku balansanahay waysii haysaa xogteeda wasiiraddu. Shirkii ayaa noo bilaabmay, arintii ayaanu faaqidnay iyadoo arintii qolaba dhinac u wado oo la falan qaynayo misena araartii hore lagu jiro, ayaa waa dhalinyaro iyo xaalkeede, mid naga mid ahi isaga oo uga jeeda in wasiiradda ay hawshayada xil adag iska saarto… uu yidhi ”Wasiir xukumadii hore ee UDUB ayaa hawlahaas idinkaga wacnayd oo noo kiin dhaantay…..” isaga oon hadalkiiba dhamaysan, ayay wasiiradii inta ay is badashay muuqaal ahaan iyo mooraal ahaan ba tidhi “ Ma anagaad tuugtii dadka, dalka iyo duunyada ba dhacday nala miisaalaysaa”. Marka uu xaal halkaa marayo, ayaa nin naga mid ah si muxtarima, edabsan, oo masuuliyadi ku dheehan tahay uga raali galiyay hadalka uu ninkaa naga midka ahi yidhi, kuna qanciyay siday u qaadatay in  aanu uga jeedin.

Way degtay cadho ahaan, wayna naga aqbashay ka raali galinta wixii damiirkeeda badalay. Markii uu noo soo gunaanadmay shirku, nin la taliye u ahaa oo lagu naanaysi jiray Prof. Kaneeco, waan ka xumahay magaciisa saxda ah oo dhamaystiran ayaanan xasuusanay hadda, oo isagu nagu wehelinayay shirka ayaa noosoo bandhigay talo wax ku ool ah oo annaga iyo iyadaba dhex noo noqon karta, dabcan anaguna aanu ku niyad samayn. Sidii ayaanu ku kala tagnay shirkuna noogu xidhmay.

Aan usoo noqdo gundhiga qormadaydane, xisbiga KULMIYE markii uu mucaaradka ahaa wixii ugu badnaa ee uu ku dhaliili jiray xukumadii ka horeysay ee UDUB waxa ay ahayd, lunsiga hantida umada, musuqmaasuq baahsan iyo ashkhaas si gaar ah uga faa’idaysata xoolaha umadda. Hadaba cidii ay dhaliili jireen KULMIYE waagaa, waxa ay u badnaayeen ashkhaas kamida xukuumada. Waxase la yaableh, fajac iyo amakaag na ah, markii uu KULMIYE talada dalka ku guulaystay wax badan wayka badaleen haykalkii iyo qaabdhismeedkii xukuumada. Oo waxa ay aasaaseen hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul wanaaga, balse muddo kadib may noqon hay’ad shaqo la mahadiyo qabata.

Ashkhaastii xukuumadii UDUB xubanaha cad cad ka ahaana intoodii badnayd waxa ay xubno ka yihiin ilaa haatan xukuumada kulmiye. Xaga qaar kalena si dadban KULMIYE ula shaqeeyaan. Hadaba mucaaradnimadii aadka u kululayd ee KULMIYE waxa ay u muuqataa in ay  maaweelo ahayd. Taas waxa caddayn iyo marag u ah: dhamaan dhaliilihii uu KULMIYE u jeedinayay UDUB oo haatan taagan, ashkhaastii xubnaha ka ahaa UDUB ee lagu eedaynayay in ay dadka, dalka iyo duunyada ba dhaceen oo hadda gadhwadeen ka ah siyaasada talada xukumada KULMIYE ee haatan joogta.

Hadii mabaadii’da siyaasiga ah ee xisbigu marinhabaabaan, waxa hubaal ah in aanu casharo wax ku ool ah ka qaadanayn dariiqa qaldan ee uu ku eedaynayo dhigiisa markaa talada haya. Islamarkaana mucaaradadiisu ay noqonayso uun maaweelo aan meel haysan.

WQ: Tayasir Ahmed Omar