Cabdikariim Axmed Mooge wuxu noqday maayarkii ugu codka badnaa doorashadii ina dhaaftay, haatana waa maayarka ugu caansan dalka. Su’aalo muhiim ahi waxay yihiin sidee ayay ugu suurto gashay in uu ku guulaysto 26,000 iyo dheeraad cod, mase ku guulaysan doonaa lix ballanqaad oo uu dadweynaha u soo bandhigay, si la mid ah sida uu ugu guulaystay qorshihiisii ololaha.
Bal marka hore aan eegno maxaa Cabdikariim u suurogeliyey in uu kasbado quluubta dadweynaha Hargeysa ee codkooda u hibeeyey?
Waxa dhici karta in arrimo badan oo is biirsaday ay sabab u ahaayeen geeddi-socodka guushiisa, aniguse waxan qabaa afartan arrimood ee soo socda ayaa laf-dhabar u ahaa, waxaana laga dheehan karaa waraysiyadii, khudbadihii iyo fariimihii uu dadka u gudbiyey wakhtigii ololaha.
- Ajende cad oo fudud: Marka aad musharax tahay waa muhiim in aad lahaato barnaamij siyaasadeed ama ajande kala qeexan oo la fahmi karo. Ajande siyaasadeed marka aan leenahay wax kale maaha ee waa “Istiraatajiyad ku dhisan sawir maskaxeed ama khiyaal uu hoggaamiye xil u tartamayaa maskaxdiisa ka curiyey, kaas oo uu u arko in ay horumar u horseedi karaan dadka uu rabo in uu maammulo.”
Ajandaha uu watay Cabdikariim wuxu u muuqday mid uu ka soo taxadaray soona daraaseeyey. Waxa uu ku salaysnaa arrimaha iyo adeegyada uu culaysku ka haysto bulshada ee ay tabashadoodu u badan tahay. Waxa uu lahaa hal-ku-dhegga odhanaya “Soo Noolaynta Rajada Shacabka.” Waxaa arrimahaas ka mid ahaa: Bilicda iyo fayadhawrka Hargeysa, sinnaanta dadka, yaraynta musuqmaasuqa cashuuraha, horumarinta waddooyinka, kobcinta dhaqaalaha iyo hagaajinta adeegga bulshada sida waxbarashada, biyaha.
- Qaabka uu farriimaha u soo bandhigay: In la soo bandhigo barnaamij siyaasadeed, laguna qanciyo codbixiyahu, waxay u baahan aqoon iyo xeelad. Waana ta uu Cabdikariim kaga duwanaa musharaxiinta kale badankooda marka laga eego dhawr dhinac. Ugu horrayn, sida aan soo sheegnay, ballanqaadyadiisu waxay abbaarayeen saluugga ay dadweynuhu qabaan iyo dhibaatooyinka horumarineed ee muuqda sida waddooyinka jajaban, qashinka iwm. Sidoo kale, waxa uu ku baraarugsanaa heerka aqooneed iyo wacyi ee dadweynaha uu codka ka rabo, taasina waxay u sahashay in uu ballanqaadyadiisa ka dhigo fariimo cad-cad oo ay dadweynuhu si fudud ula fahmi karayeen. Waxa uu qudbadihiisa ka ilaaliyey luuqad kasta oo fahankeedu u baahan tahay in dhegaystuhu aqoon badan leeyahay.
Tusaale ahaan, ereyga “Musuqmaasuq” oo ah kalmad farsamo ahaan waxyaabo badan ka hadlaysa sida eexda, laaluushka iyo hummaagyo kale oo fahankoodu adkaan lahaa, muu adeegsanayn badanaa weedha “La dagaallanka Musuqmaasuqa”. Wuxuse u dhigayey sidan “Cashuurta dadka ayaan ilaalinayaa in aanay meel qaldan marin…Idinkama shaqaysan doonee waan idiin shaqaynaynaa…Si siman ayaan xaafadaha Hargeysa wax ugu qabanayaa…
Marka uu ka hadlayo fayodhawrka iyo ilaalinta deegaanka muu adeegsanayn weedhaha farsamo sida “hagaajinta deegaanka” laakiin waxa uu isticmaalay ereyo fudud oo sawiraya aragti sare sida “Magaalo cagaaran ayaan ka dhigayaa Hargeysa… Magaalo nadiif ah oo aan qashin lahayn ayaan ku riyoonayaa…Hargeysa qurux badan, cagaaran, oo nidaamsan weeye Hargeysada aan ku riyoonayaa. Kaabeyaasha dhaqaalaha ayaan iyagana badanaa laga maqal weedha “Kaabaha Dhaqaalaha.” Taa beddelkeeda, waxa uu lahaa “Hargeysa maanta waa meel isku dhex mulaaqan oo saxmad leh, suuqyadeenu aanay sugnayn, dib u nidaamin dhammaystiran ayay u baahan tahay…”
- Isbarbardhigga dhibaatada iyo xalka: Waxaa iyadna xasuus mudan in uu adeegsaday hannaanka loo yaqaan “isbarbardhigga” oo ay culimada aqoonta u leh khudbaduhu aaminsan yihiin in uu saamayn ku yeesho maskaxda dadka. Nidaamkan ayaa ah in aad marka hore sheegto dhibaato dadka u muuqata kadbina aad soo barbar dhigto xalkeeda, amaba aad isku dhigto in aad adigu tahay xalliyihii dhibaatadaas. Tusaale ahaan “Hargeysa maanta waa magaalo wada dhas ah, miyaynaan dhaskaa cagaar ka dhigi karin?” waxaanu ku soo gabogabaynayey “dabcan, waan ka dhigi karnaa.”
- Garashada cidda uu codka ka rabo, halka laga helo iyo sida loo helo: Cabdikariim iyo inta la shaqaynaysay waxay si wacan u garanayeen cidda ay codka ka rabaan. Waxay indhaha ka saabteen qabyaaladda waxaanay diirradda saareen dhallinyarada aan ku qiyaasi karo da’da u dhaxaysa 16 ilaa 30 iyo haweenka. Da’dan waxaa lagu yaqaanaa xamaasad, firfircooni iyo in aanu qabiilku saamayn weyn ku lahayn. Waana sababta Cabdikariim uu aad ugu isticmaalay baraha warbaahinta bulshada oo qayb weyn ka ahaa guushiisa taas oo u suurogalisay in uu kooxdan toos ula xidhiidho, doodo isaga u dan ahna ka dhex abuuro, iyadoo aanu kharash badani ku baxayn. Waxan aaminsanahay in ay taasi Cabdikariim ka dhigtay siyaasi jeexay dariiq cusub dadkana baray in kuraasta qaranka lagu guulaysan karo qabiil iyo qabyaalad la’aan.
Maxaa haatan la gudboon Maayar Cabdikariim si uu u hirgeliyo wixii uu dadka u sheegay?
Dad badan oo aqoon u leh arrimaha maamulka iyo horumarinta oo ay doodo na dhex mareen waxay aaminsan yihiin in aanay suurogal ahayn in Cabdikariim qabto wax kasta uu ololihii dadka u sheegay marka la eego caqbadaha hor yaalla oo ay ka mid yihiin kuwo dhaqaale, siyaasadeed, kuwo la xidhiidha xirfadda shaqaalaha iyo muddo-xileedkiisa oo ku kooban shan sanno. Dhanka kale, marka la eego Cabdikariim oo leh aqoon iyo waayo’aragnimo maamul, waa suuragal ah in uu wax badan beddeli karo…
La soco qaybta 2aad
Axmedyaasiin Muxumed Cadde waa aqoonyahan cilmi-baadhe ah oo deggan Hargeysa.
ahmedyasinmx@gmail.com