Maayar Soltelco iyo ku-xigeenkiisu waxay hayaan waddadii horumarka (W.Q: Maxamed Xuseen “Maxamed-Roodhi”)

Sida aynu la  wada socono  Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco iyo ku-xigeenka oo si aqlabiyad ah loogu doortay in ay hoggaamiyaan Golaha Deegaanka Hargeysaa iyo Goloyaasha Deegaanada ee Gobolada  dalka oo idil  2012, Waxaanay si habsami leh ula wareegeen Shaqadii Caasimada oo aad u balaadhan baaxadeedana leh, waxay bilaabeen in ay dardar-galiyaan dhammaan shaqaale waynihii Dawlada Hoose, waxay ku dhaqaaqeen  maamul daadajin Iyo in ay hirgaliyaan Shaqaale tayo leh oo laga soo qaatay Ardayda Jaamacaddaha dalka dhamaysatay, waana hab maamul wanaag.

Waxay bilaabeen in ay Degmooyinkii Caasimada u sameeyaan hab wada shaqayneed, waxay isku shaandhayn ku sameeyeen dhammaan waaxaha Dawlada Hoose ka hawlgala, Waxay qabteen khalfadhigii ugu horeyey oo ay  dib u eegis iyo wax ka bedel ku sameeyeen xeerarka Dawlada Hoose, waxaanay ku ansixiyeen goobtaa In wax laga qabto waddooyinka Hargeysa oo ay ugu horeyso wadadda wadnaha ee dhex marta badhtamaha caasimada Iyo qaabaynta caasimada oo ay ugu horeyso nadaafada  Iyo in la baneeyo wadooyin xidhan, waxaana la odhan karaa way ku guulaysteen wax badan.

Khalfadhigii labaad ee uu Golaha Deegaanka Hargeysa ee ay hormuudka u yihiinna waxay ku ansixiyeen in ay wax ka qabtaan oo ay dib u habayn balaadhan ku sameeyan Waddada Ka timaada Maddaarka ilaa Saldhiga dhexe Iyo waddada 2aad ee hormarta Jeelka Wayn  iyo dhowr wado oo loo qaybiyey Degmooyinka Casimadda oo loogu talo galay in lagu kala fudaydiyo samxada balaadhan ee ka jirta Caasimadda, hawshaana hadda ayaa gacanta lagu hayaa laakin waxay u baahan tahay in cagta loo dhigo.

Sannadka 2015 Maayarka iyo ku-xigeenkiisa oo safaro dhawra ugu ambobaxay dalalka Ingiriiska Iyo  Iswidhan, safaradaasi oo daarna in ay caasimadda Hargeysa u sameeyaan mataano  iyo in ay isku xidhaan caasimadaha horumaray iyo caasimada kobcaysa ee Somaliland, waxaanay la soo saxeexdeen shirkad ku taala Iswidhan oo samaysa qalabka  laydhka oo ku shaqeeya cadceeda oo  loogu talo galay waddooyinka waa wayn  Iyo ishaarooyinka waddooyinka lagu xidho  oo ah hawl fudaydiye hagista baabuurta, hawshaasina guul iyo farxad ayey  ku soo dhammaatay, waxaana xusid mudan in durbadiiba la dardar galiyey hawlahaas.

Hadaba maxaa la gudboon shacabka

Inta badan waxaad arkaysaa dadkii oo u hoggaansanayn in wax laga qabto caasimadda ama la baneeyo waddooyinka xidhan ee ay shacabku dhisteen iyo in ay bixiyaan cashuuraha ku waajibay si wax la inoogu qabto.

Waxaan shacabka u soo jeedin lahaa in lala shaqeeyo  Maayarka iyo ku-xigeenkiisa, Haddii ay ku fashilmaan waxa ku fashilmay dhammaan dhallinyarada reer Somaliland, Markaa waxa dhallinta la gudboon in ay la shaqeeyan Duqa iyo ku-xigeenkiisa,  waayo cida u baahan in magaalada caasimadu u ekaato magaalo qaabaysan oo bilic leh, Waa in shacab u hoggaansamaan Dawlada hoose.

Halkan hoose ka akhriso maqaalkii hore ee uu qoray Maxamed Xuseen “Maxamed-Roodhi” ee uu Bandhige daabacay:

Isbarbar-dhiga labadda musharax ee ku loollamaya xisbiga Kulmiye dhexdiisa

Waxa Qoray: Maxamed Xuseen “Maxamed-Roodhi”