Maayir Mooge Saddex kooxood ayaa isu bahaystay. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Kooxda koowaad waa hadhaagii Maayirkii hore oo doonaya wixii uu laaluush u siin jiray oo uu Mooge meesha ka saaray si uu ummadda ugu shaqeeyo.

= Kooxda labaad waa xubno abaabulan oo ka tirsan labada xisbi mucaarad, kuwaasi oo ku haystay wuxuu faraha kala baxay siyaasaddii xisbiyaddii fursada siiyey ee sharraxay. Waxa ay ka soo horjeedaan xukuumadda ay shaqadu ka dhaxayso ee ay wada shaqeynta leeyihiin. Waxa ay rabaan inuu ku shaqeeyo afkaarta mucaaradka, isna taasi hore ayuu u fahmay oo wuu ka gaashaantay.

= Kooxda saddexaad waa xubno ay madax martay ficil qabyaaladeed oo ku dhaqanka qabyaaladdu ay caqli iyo indho tirtay. Waxa ay ka haystaan muxuu deegaannada caasimadda si siman mashaariicida uga fulinayaa oo uu deegaankayga sed-bursiimo gaar ah u siin waayey.

Maayir hore Maxamed Xaashi Cilmi ayaa talo uu siiyey Maayir Mooge ku soo koobay laba arrimood: 1. Inuu sannad keliya u adkaysto cayda Isaaqa Caasimadda.  2. Inuu iska ilaaliyo inuu shaxaad badan bixiyo oo uu waxqabad muuqda oo mustaqbalka lagu xusuusto ka tago.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com