Maayirka Burco waxa ka culus awoodda kursiga uu ku fadhiyo

?????????????

Maayirka magaallada Burco Maxamed Muraad waa mid ka mid ah maayiradda ay ragaadisay musuq-maasuqa iyo aqoon-darada iyo waliba xilka uu hayo oo uu ka awood badiyey.

Waxaanu la daalaa dhacayaa, awood darro uu ku maamulo xilka uu hayo shacabka Burco oo noqday qaar u hiloobay in ay helaan maayir aqoon iyo hawl karnimo leh ayaa gebi ahaanba ku hungoobay.

Muraad ayaa ah kan ugu awoodda jilicsan maayiradda dalka intaa aan og ahay, waxaanu wali taagan yahay halkii uu taagnaa markii la doortay, walina muu muujin wax wax-qabad ah oo la taaban karo, waxaanu shilinka ummadda u samaystay xisaabaad gaar ah oo isagu leeyahay kuna shubo lacagta Shacabka.

Waxa kale oo dul hoganaya eedaymo iyo fadeexado balaadhan oo uu ku sameeyay mashaaricda faraha badan oo gobolka wax badan ka bedeli lahaa, waana tan keentay in gobolku noqdo mid ka aradan gebi ahaanba hor-u-markii looga baahnaa inay dawladda Hoose ee degmaddu samayso, tana waa mid dul hoganaysa.

Waxa uu musuq-maasuq baahsan ku sameeyey mashruucii JPLG oo ku tagri falay, isagoo u isticmaalaya habab sharciga baal-marsan oo dhac iyo boob badheedh ah, waxaanu maalin cad khiyaamo qaran iyo mid shacab kula kacay shacabka gobolka oo imika quus ka jooga.

Waxa uu madaxweynaha ugu yeedhay waddooyin uu yidhi waxa laga hirgeliyey Burco, maalintu madaxweynuhu xadhiga ka jaray kamaba ay danbayn gebi ahaanba waxaanay isku bedeleen ciid iyo dooxyo camuudi jiifto.

Maayirka xafiiskiisa waxa ka muuqata habacsanaan habka uu shaqeeyo xafiiskiisu, waxaanu subixii yimaadaa maalinta uu soo horeeyo 9:00 subaxnimo, halka maalmaha qaarna aanu ka soo ag wareegin.

Qodobadan hoos ku xusani waxay soo koobayaan maayirka waxa sababay in maayirku dhex muquurto xilka uu hayo:

  • Xilka uu hayo oo ka awood badiyay isagoon aqoon durugsan uu lahayn arrimaha siyaasada, khibradiisuna ku kooban tahay macalinnimo
  • Karti yaraan iyo musuq-maasuq baahsan oo uu kula dhex jiro Golaha Deegaanka Burco
  • Awood darro uu ku maamulo Gollaha uu hogaanka ka yahay

Tani waxay ku tusinaysaa in uu gebi ahaanba maayirku xilka uu hayo Ilaahay meel dhow uga dhiibay, rag badan oo Golaha ka mid ah ay ka mudnaayeen in ay xilkaa qabtaan wax-qabad badana muujin lahah oo ay shacabka Gobolkun kalsooni badan ku qabaan.

Cabdisamad Xasan Axmed

Somaliland, Burco

Abdimacalin@gmail.com

Maqaallada aragtida ah ee ku soo baxa Bandhige fikradaha ay xambaarsan yihiin waxay gaar u yihiin qoraaga.