Macalim-kaab, Q.4aad: Qormeynta ama maareynta fasalka (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Waa maxay maareynta fasalku?

Maareynta fasalku waa hanaanka uu macalimku u maamulaayo fasalka si uu fasalku u noqdo deegaan ku  haboon  in ardeyga iyo  macalimkuba Ku raaxaystaan waxbarista iyo waxbarashada.

Waxaa  hubaala hadii  aanu  macalimku fasalka maareyn Karin inaanu waxba bari Karin ardeyda casharkuna aanu  fuleynin. Haddaba si uu u noqdo fasalku mid maareyn  wanaagsan waa inuu  macalimku sameeyo qodobadan.

  1. Uga faalood naftaada ardeyga.

Macalim usheeg  ardeygaaga cida ama qofka aad tahay iyo waxa aad halkan u joogto.

Uga sheekee aqoontaada iyo heerarka tacliintaada.

Taasi waxa ay saamayn iyo qadarin uu kuu hayo ku reebayso maskaxda ardeygaaga.

  1. jeclow ardeygaaga:

Macalimku waa inuu  jeclaada ardeygiisa isagoo tusaaya inuu Jecelyahay oo uu Danaynaayo waxbarashadiisa iyo  Horumarkiisa macalim waxa jira ardey dabeecad adag ama ay haystaan dhibaatooyin shaqsiya ama mid qoyska ah, haddaba macalim waa inaanad ardeyga ku qiimeyn ficilada uu sameeyo adiga oon ogaanin dhibka haysta waxaaba laga yaabaa inuu xanuun qarsooni hayo, waxaaba laga yaabaa inuu hayo dhibaato qoys sida  inay Kala tageen waalidiintiisu, inuu arkay maalintaa waalidkii oo is haysta taasuna ay raad ku reebtay maskaxdiisa.

  1. Qormee fasalkaaga

Macalim si uu fasalkaagu u noqdo mid Ku haboon goob waxbarasho kuna dhaji gidaarada fasalkaaga waraaqo waaweyn oo ay Ku qoranyihiin waxyaabo ka turjumaaya wanaaga waxbarashada.

  1. 4. U fadhiisa ardeydaada si qaabaysan oo uu ardey walbaaba arkaayo samuurada iyo macalimka.
  2. Ardeyda ku liidata xaga akhlaaqda ama ilaaqda badan soo fadhiisi fasalka xaga hore.
  3. Ardeyda dherer ahaan gaagaaban xaga hore soo fadhiisi kuwa dhaadheerna xaga dambe si ay si isku mida u arkaan.
  4. Ardeyda aqoon ahaan ku liidata ag fadhiisi ardeyda aqoonta ku fiican.
  5. Xeerka fasalka.

Macalim waa in aad fasalkaaga u sameysaa xeerka fasalka oo aad ku dhejisaa gidaarada fasalka oo aad ku celcelisaa maalinka 5daqiiqo ee ugu horeeya cidii jabisana aad ku cadeysaa warqada ciqaabta uu mudanaayo.

Lasoco qaybaha danbe…….

W.Q cabdi cawiye ismacil

+252634115877