Macalim-kaab Q.5aad (Maamulaha liita ama faashilka ah (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Maamuluhu hadii uu ku sifoobo qodobadan  hoose waa maamule faashil ah ama aan hore u wadi Karin meesha uu ka shaqaynaayo una horseedaya dib u dhac iyo burbur ku yimaada goobtaa.

  1. GO’AAN JILICSAN

Maamulaha faashilka ah ama aan haboonayn waxa uu leeyahay go’aan jilicsan oo aan marnaba fulin 80% waxa laga yaabaa inuu go’aano u gudbiyo shaqaalaha goobta oo la yidhaahdo fuliya go’aankaasi kadib waqti ka dib waxaad arkeysaa go’aankii oo halkiisii taagan oo aan la qabanin taasina waxay wiiqdaa hanaankii iyo hore-u-markii goobtaa waxbarasho.

  1. QOF JECLAYSI

Maamulaha aan guuleysan waxaa dabeecadiisa waaweyn ka mid ah inuu yeesho dabeecada loo yaqaano nin jeclaysi.

Waxaa xaqiiq ah in maamulaha aan guulaysanin uu yahay qof dadka uu maamulayo kala jeclaysta waxaana laga yaabaa in uu shaqo u dhiibo mid uu jecelyahay isagoo garanayaa inay goobta kula sugan yihiin shaqsiyaad aad u garanaaya shaqada uu u dhiibay ruuxaa ay gaarka iskugu xidhan yihiin halkaana ay ka bilaabmato in goobtu hoos u dhacdo oo aanay hore u socon.

  1. WUXUU KU DHEX MILMAA SHAQAALAHA

 Maamulaha faashilka ahi sida badan ma qiimeeyo aqoonta shaqaalihiisa lkn waxa uu qiimeeyaa inta uu jecelyahay.

inta badan maamulaha faashilka ahi ma laha haybada qof looga dambeeyo ama lagu ixtiraamo. waa mid inta badan ku dhex milma shaqaalaha sida la kaftankood la ciyaaristooda iyo la socodkooda hadhowna waxa uu ku qiimeeyaa shaqaalaha inta ay isaga u dhow yihiin ee kuma qiimeeyo kartida iyo aqoontooda.

  1. MA LEH WAJI FURFURAN.

 Maamulaha faaashilka ah ama aan haboonayn waa waxa uu adeegsadaa inta badan ereyo aan ku haboonayn goobta tacliinta sida daacayada iyo eroyo ka turjumaaya aqoon la’aan.

  1. AQOON YAR

Hadii maamulaha goob ama deegaan waxbarasho loo dhiibaa aanu lahayn aqoon ka sareysa ama waayo aragnimo ama hab-dhaqan ka sareeya kuwa uu maamulaayo waa maamule aan guuleysan oo faashilah tusaale:-

Haddii ay is qabtaan laba macalim oo ay isku qabtaan immtixaan oo ay noqoto kanaa sax ah iyo kanaa sax ah oo loo tago maamulaha maamulahuna aanu garaynba waxan la isku hayo aqoona aanu u lahayn waxa lumaysa hanaankii goobta waxbarashada macalimiinta iyo bahda waxbarashaduna waxay ogsoonaanayaan inay ka hoos shaqaynayaan qog bilaa aqoona iyagoo aqoonleh taasina waxay keenaysaa niyad jab ku timaada bahda la shaqaynaysa maamulahaa.

  1. CADAALI MAAHA

Maamulaha aan wanaagsanaynin waxa ka mida dhaqamadiisa in aanu cadaalad u samaynin shaqaalihiisa waxa uu ku xukumaa shaqaalihiisa wixii kasoo maaxda maskaxdiisa ee kuma xukumo wax aqoon ama garsoorku ku taliyo.

Qodobda 7,8,9,10 aad                   LA SOCO QAYBTA DAMBE

 

Qalinkii  Cabdi Caawiye

PHONE  +252-63-4115877

Contact shaywaal12@gmail.com