Macalinka Allow daa (WQ: Umayma Cabdillaahi Ciise Good)

 

“Boqol sanno ka dib, qiimo samayn mayso gaadhiga aan watey, nooca guriga aan ku noolaa, lacag inta bangiga ii taalley, laakiin waxa suurogal ah in aan adduunka u horseedo wanaag maadaama aan saamayn ku laaha isbeddelka iyo wanaagga ilmo yar noloshiisa” ~ Forest Witcraft

Ilaahay ayaa mahad leh, Maxamed ayaa sharaf leh. Waxan hambalyeynayaa oo aan bogaadineyaa macalin walba oo damiir iyo karti ku doortey in uu ummadda ugu adeego korinta iyo kobcinta garaadka ubadkooda.

Macalinku waa qofka kasta oo u heellan gudbinta ama ku-faafinta waxbarashada meesha uu dooniba adduunka ha kaga noolaadee. Waxa abid soo-jireen ahayd in la helo macalimiin iyo dad aqoon leh oo dadka kala dagaalama jahliga isla markaana wax bara. Waa tusaayaleyaal fiican iyo dad ku-dayasho leh oo bulsho waliba ay ku faanto.

Inta badan adduunyada macalinimadu ma aha wax ay kala xadeeyaan kala-duwanaashaha diinta, caqiidooyinka, dhaqannada iyo qoomiyadaha. Qofku waxa uu macalin u noqon karaa dad aanay isku dhaqan iyo diin toona ahayn. Macalimnimadu waa shaqo Alle u diro cidda uu doorto ee uu jecel yahay maadaama shaqadii anbiyaduba ahayd baridda ummadda. Macalimku macalimnimada waxa uu ka dhaxley anbiyada.

Ma fududo masuuliyadda in ardey wax la baro, waxa se ka sii adag in ardeyda loo tarbiyadeeyo hoggaanka toosan ee mustaqbalka ummadda. Waxa ayaan leh cidda ifineysa nuurka lagu hagayo ardeyda. Sifaha ugu wanaagsan ee macalinka laga bixiyaa ayaa ah in uu yahay shamac ifaya oo waxtar u leh qayrkii isaga oo hurey naftiisa.

Macalin kasta waxa uu mudan yahay bogaadin. Habeenkii waxa uu u soo jeedaa diyaarinta cashirka uu u dhigi doono, maalinta badankeeda waxa uu la joogaa iyaga, waxa uu u huraa lacagtiisa, waxa uu u hibeeyaa wakhtigiisa, waayo hadafkiisu waa horumarkooda.

Waxa uu jecelyahay wanaagooda, horusocodkooda, quruxdooda, mudanaanta kowaadna agtiisa iyagaa leh. Nafatiisu waxa badan oo ay rabto ayuu si uu tusaale u noqdo darteed iyaga u daayaa. Inta uu ka maqan yahay iyaga ayuu umaqan yahay (diyaarinta cashirkooda iyo qiimeynta wax-qabadkooda). Ogow iyaga ma uu dhalin, lama na dhalan, mid uu dhaley ama la dhashayna iyaga ma muu dhalin, haddana waa isaga cidda hageysa masiirka mustaqbalkooda. Odaygii Aristotle ayaa run sheegay markii uu yidhi:

“Kuwa carruurta waxa baraya ayaa uga mudan ammaan kuwa carruurta dhalay. Waayo iyagu waxa ay ugu deeqeen nolol kali ah halka barihiisu uu ugu deeqey tabaha u-babac-dhigga nolosha.”

Sida dhakhtarka aan tabobar fiican lahayniba uu sabab ugu noqon karo dhimashada qof ayuu macalinka dayacani, macalinka kartida xun, macalinka aqoonta liita, uu sobab ugu noqon karaan dhimashada kartida qaranka.  Mar kasta oo tayada gudbinta ama cashar-bixinta macalinku xumaato ama macalinku kaalintiisa buuxin waayo ama macalinka la dayaco oo abaalkiisa laga gaabiyo, haddana uu dugsiyada joogo, waxa soo baxaya arday tayo daran oo aan waddanka mustaqbalka anfici doonin.

Macalimnimadu waxa ay i bartay in la iga filayo inaan noqdo hoggaamiye dabacsan, leh kartida diyaarinta hoggaamiyeyaashii mustaqbalka. Macalimnimadu kaliya ma aha gudashada waajibka waxbarista balse waa u adeegidda ummad dhan dhallaankeeda.

Allahayow adigaa wanaagga abaaliyee u naxariiso, u danbi dhaaf, jannadana hoy uga dhig macalin kasta oo door ku leh halgankayga waxbarasho…Aammiin…

Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Umayma Cabdillaahi Ciise Good

Maxaa khaldamay?

Beam of hope rises with awakened minds

Completion of Amoud University empowered my long experiencing journey

 

Umayma_022@hotmail.com