Macallin Cumar-Ceesh: As’harigii samaynta badnaa! W/Q: (sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

Sheekh Cumar-Ceesh Xuseen Aw Jaamac (1938-2021) wuxuu qaybweyn ka qaatay Baraaruggii Islaamdoonka Soomaalida, gaar ahaan Somaliland.

Macallin Cumar-Ceesh wuxuu ahaa gudduumiyihii ugu horreeyey ee Ururkii Waxdatul Shabaabul Islaami, iyo mid ka mid aasaasayaashii ururka.

Ururka Waxdaddu wuxuu soosaaray culimada, aqoonyahanka, injineerrada iyo dhakhaatiirta miidda ah ee maanta ay ku faanaan reer Somaliland.

Macallin Cumar-Ceesh wuxuu ahaa aqoonyahan jaamici ah, kaas oo waxbarashadiisa Jaamacadda As’har ku soo dhammaystay 1959kii. Ka dib wuxuu u soo xidhxidhay barista luuqadda carabiga, diinta gaar ahaan Tafsiirka Quraanka Kariimka ah. Doorweyn ayuu ku lahaa waxbarashada maaddiga oo wuxuu ahaa macallin iyo maamule dugsiyada Hargaysa wax ka dhiga.

Cumar-Ceesh barista diinta, arday soosaarista iyo faafinta manhajka dhexdhexaadka ah wuxuu ku lahaa doorwayn oo shariif ah, doorkiisaa oo aan duugoobayn waligii.

Cumar-Ceesh oo Azhari ah, wuxuu ahaa raggii fikirka Ikhwaanku saameeyey, door Shariif ahna ka qaatay faafintiisa, oo wakhtigii uu guddoomiyaha Waxdada ahaa ay ahayd markii kutubta Xasan Albanna, Sayd Qudbi, Siciid Xawa, Mawduudi, Nadawi, Fadxi Yukan, iyo kutubtii raadka ku yeelatay dhallinyaradii baraarugga horseedka ka ahaa yimaaddeen Hargaysa, kutubtaas oo wacyigoodu ku dhismay dhallinyarada Waxdadda.

Sheekh Cumar-Ceesh wuxu qoray kitaab kooban oo mugweyn oo ka hadlaya dhaxalka, kaas oo afsoomaali ku qoran, qof kasta oo akhriyeyna aqoon badan ka faa’idayo.

Ilaahay ha janneeyo sheekh Cumar-Ceesh oo dhaxalkiisa aqooneed, raadayneed, macallinnimo, iyo arday soosaariseed miisaanka wanaagga ha ugu daro.

Sheekh Cumar-Ceesh Xuseen Aw Jaamac

Xigasho :sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Bandhige@gmail.com