Intii uu noolaa Sa,eed Mohamoud Gaheyr waxa dhab ah in aan loo wada tebin sida loo dareemay markii ajashiisu dhammaatey.Waxaana sidoo kale dhab ah in dad badani intii uu noola uu uga dhignaa cadceeda iyo dayax u baxa danyaraha iyo dulmanaha,halka dhammaanteen aan geeridiisi wada garwaaqsaneyn wanaagii iyo sifooyinkii haybada lahaa ee uu rabi ku galadey.Siciid Habeeno badan oo Abaal marin iyo Maamus leh u qalma dedaalkiisa in aanu wada helin intii uu noola ayaa run ah,waxaase xaqiiqa horteena keenay geeridiisii oo ay dad badani noloshiisa ku sifeeyeen xidig iyo haldoor hoydey.
Markasta oo wakhtigiisa dib loo raaco wuxuu ahaa mid amma buugg uu qoraayo ku mashquulsan ama buuggaag qoraayo kale kala shaqeynaaya sidii loo soo bandhigi lahaa una guuleysan lahaayeen.halka uu qoraayo badana kala shaqeeyey tifarida buuggaagtooda.Qoraa siciid dad badan ayaan buuggaagtiisa la daabacey wada akhriyin ama aaney wada gaadhin kuwaasi oo Maanta dib u milicsan doona.Wuxuu ahaa mid bahda qoraalka iyo shirkadaha daabacaduhuba si isku mid ah ay ugu wada barteen halgankisa naf hurida lahaa ee hirgelinta akhriska iyo qoraalka.
Siciid wuxuu ahaa qof qoraayo badani ay ku faraxsan yihiin la shaqeyntiisa,ku xidhnaantiisa iyo farimihiisa intaba,iyaga oo dedaalkiisa iyo hibadiisa dhanka qoraalka ee aan sida cadceeda muuqatey ugu soo hiloobaayey.qof kasta oo ay muddooyinkii ugu danbeeyey siciid is barteena waxa isku keenaayey dedaalada horumarineed ee dhanka qoraalka iyo akhriska ee guud ahaan somaliland kataabo galey.maxaayeellay isaga ayaabuuggaagtu ay noloshiisa iyoqoyskiisa qeyb ka noqdeen.
horraanta qarniga 21naad ayaa siciid sugaantiisa iyo qoraalnimadiisuba ay taabo gashey lana bartey,wakhtigaasi oo dalku uu gaabis kaga jirey dhanka daabacadaha iyo helida nuqulo badan oo buuggaag ah.halka maanta midhihiisi iyo naadiyo badan oo akhris iyo qoraal uu talo iyo tusaalaba ku lahaa ay guud ahaan somaliland ugu adeegayaan si hufan.
siciid waxaanu isku aheyn bahda macallimiinta qeybo ka mid ah jaamacaddaha dalka,wakhtiyo badan oo aanu toddobaadkiimaalmo cayimanisku arki jirney kuna kala warqaadan jirney,isaga oo luqada iyo suugaanta soomaliga ardeyda u dhigi jirey.siciid wuxuu ahaa muwaadin tamar badan geliyey dunida akhriska iyo qoraalka,taasi oo aad ka garan karto horumarka uu ka sameyey qorida maqalada iyo qoraalada dhaadheer,buggaagta waaweyn,daabacadaha xidhiidhka ee sannadka kala duwan soo baxa ee ku saabsanaa sayniska iyo suugaanta.
siciid wuxu ku biirey tiro kooban oo qoraayo reer somaliland ah oo sannadihii ugu danbeeyey ka baxey bahda akhriska iyo qoraalka kuwaasi oo sagootiyey qoraalka,qalinkii iyo caweysyadii bandhigyada buuggaagta.kuwaasi oo fikrado iyo buugaag miiska u saarneyd oo ay rabeen in ay soo bandhigaan ka dhintey lana dhintey.
Ugu danbeyntii siciid waxaan ku macasalameeyey qorraalkan yar ee aan wada gaadheyn hibooyinkiisi iyo kaalintii uu bulshada ku lahaa ee haldoorka hargeysi ay uga marag kaceen saacadihii aaskiisu socdey.”in badan hadda waxa ay ku sagootiyeen xidig iyo haldoor in badan qalbiyada ku sii jiri doona.
Abdifataah M.Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com