Mac’hadka Heritage iyo cilmi baadhista been abuurka ah (WQ: Rashiid Odowaa)

Machadka Heritage waxa la asaasay 2013 kii waxa ka ahaa Asaasayaal Maxamed Ali Ameriko,Maxamed Nuur Tarsan iyo Caasha X cilmi waxa agaasime ka noqday C/raxmaan Caynte Sida ka muuqatta magaca waa Af English waxa magaca laga soo xigtay Dalka maraykanka  oo leh Machad magacan oo kale leh.

Marka intaas laga gudbo Machadkani waxa uu ka hoos shaqeeyaa Xukuumadda Federalka Somalia waxa uu soo saaraa Brogramo badan oo malo awaal iyo wax xaqiiqda ka fog ku dhisan.Qorshohooda waxa ugu jira dhamaan wixii Somali la isku odhan jiray meel ay joogto  inay iyagu ka shaqeeyaan hadday Tahay Af Somali,Suugaan,dhaqan iyo Hidde iyo Cilmi baadhis waxa ka mid ah Mashruuc Tiro koob oo 2017kii ay ku sheegayeen inay ka qaadeen dhamaan 18 gobol ee Somalia oo ay Somaliland ku jirto in kastoo mashruucaas muran badan  dhaliyay oo la isku qabsaday saxnimadiisa.

Waxan filayaa Nimanka Machadkan ka shaqeeyaa Somalida aqoon uma laha Waxa jirtay Sheeko Carbeed Ninkii Juxa la odhan jiray ayaa maalin isagoo Sodaal ku jira  Shan dameer watay ka dib dameer ka mid ah Dameerihiisa ayuu Fuulay waxa is dhintay Tiradii dameeraha oo waxay noqdeen Afar inta uu dameerkii ka degay ayuu haddana soo daydayaa oo kaynta galaa mar danbuu soo noqdaa oo dameerihii shan ayay noqdaan siduu kola uga degayay kolna u fuulayay ayuu ku wareeray Wuxu go’aan ku gaadhay in aanu mar danbe Fuulin mar haddii tirada dameeruhu is dhimayso. imika waa tabtii Qolada Somalia iyo Machadkoodan macmalka ahi way ku wareereen Ciddii Somali ahayd iyo ciddaan ahayn,dadka Somalida ah waxa ka dhexeeya iyo waxaan ka dhaxayn.

Dhowaan ayay ahayd markii shanaad ee ay jabuuti isugu keeneen Afar Somaliyeed oo ay ka maqantahay Somaliland lakiin haddana ay ku af gobaadsanayeen Inay Somaliland joogto iyagoo markaa ugu dhuumanayay laba shakhsi oo reer Somaliland ah oo halkaas kolka horeba jabuuti socdaal ku marayay waa Maxamed Biixi yoonis iyo C/qaadir Jirde oo ay ku marti qaadeen lakiin kulanka waxan u arkaynay uun Mid ay wadato dowaladda Federalka ah waayo Ra’iisal wasaarihii Somalia ayaaba joogay kulanka xataa waxa ka dhex muuqday dad uu Af somaligu ku adagyahay ood arkaysay in la soo kalifay uun oo waxa meesha laga wado runtii aan Xog ogaal u ahayn.

Runtii ninka la yidhaa Jaamac Gallad ayaa ka marag kacay isagoo TV waraysi siinayay waxa uu yidhi meesha ay Somaliland ka maqantahay hadda yaa joogay ee Somali ah?

Sida la wada ogsoonyahay halka Somali oo dhan u haysa hoggaanka dhaqanka,Afsomaliga,Suugaanta,Aftahamada,Buug qoris iwm waa Somaliland Sidoo kale meesha Somalida Geeska Afrika Saamaynta ugu wayn ku lihi Waa Somaliland waayo Somaliland waxbay Diidi kartaa waxna way yeeli kartaa markii uu Madaxweyne Biixi dhowaan ka jeediyay khudbadda Ber-Bera waxa uu yidhi Eray Diplomasi oo wayn kaas oo ah “Ninkii na arki waaya anaguna Arki mayno” Eraygaas oo macnaha uu ku fadhiyo Buug laga Qori karo waananu ka qori doonnaa insha allah.

Waxa la yidhi barigii uu socday Dagaalkii 1aad ee Adduunka ayaa Jarmalku wuxu lahaa Idaacad probagando u Samaysan oo maalin kasta sheegta Ingriiska iyo Xulufadiisa dhul ay ka qabsadeen taas oo been ahayd. markaas ayaa Ingriisku talo isugu geeyeen oo Sameeyeen Idaacadda BBC oo iyadu Runta sheegta Haddii Ingriiska laga Guulaysto iyo haddii kaleba Sidaas waxay ku noqotay idaaadda BBC mid Adduunka oo dhan laga dhegeysto oo la rumaysto warkeeda.

Haddaba waxan u soo jeedin lahaa Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Abdi inuu dhiso Machad ka hortaga Probagandada Heritage oo marka ay Mashruuc Been abuura wadaan isagu soo saara Mashruuc Run ah oo dhaxal gal ah Somalina faa’iido u leh oo halkan aynu ku marti qaadno dadka Somalida ah ee la jaha wareeriyay. haddii kale kulanka Khayaaliga ah ee ay leeyihiin Somali ayaanu isugu keenaynaa oo ka arrinsanaysa Arrimaha Geeska Afrika waxay noqon doontaa mid ay Ray’ul Caamka ku weecsato oo ay iyagu iska dhigaan kuwa Somaliland u hadla ee wakiilka ah.

Rashiid Odowaa

rashidsalan@gmail.com

063-4101213