Madax-banaanida Garsoorka (WQ: Mahad Maxamed Xuseen)

Qoraal yar oo kooban ayaan isu dayi doonaa inaan kaga hadlo madaxbanaanida garsoorka, muhiimadiisa, iyo tiirarka madaxbanaanida, waxaan ka eegi doona dhinacyo kala duwan.

Garsoorku si guud waa hay’ad dastuuri ah hadaan eegno shaqooyinka ugu muhiimsan ee garsoorku sida uu sheegayo dastuurka jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 97 iyo 98 aad.

  1. Inuu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa golayaasha dastuuriga ah iyo xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo dastuurka.
  2. Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha dawladda oo dhinac ah iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.
  3. Inuu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta dastuurka.

Si guud shaqooyinkiisa waxa sookoobay dastuurka qodobadaas aynu kor ku xusnay, waana hay’ad dastuuri oo madaxbanaan garsoorku si cadaalad iyo dhexdhexaadnimo ku jirtana way ugu adeegaysaa bulshadda iyo qofkasta oo dacwad ka soo gasho ha mansabku doono hayeeshee waa in uu helaa garsoor dhex ah oo aan dhinac aheyn xaalad kasta iyo markasta iyo meelkasta oo wadanka ah oo garsoor ka shaqeynayo.

Inta aynaan gelin mawduuca madaxbanaanida garsoorka aynu marka hore soo dhiraan dhirino halkay ka timid iyo ujeedada ka danbaysay in garsoorku  madaxbanaanaado, waa arin ka dhalatay kala soocida awoodaha ama kala saarista awoodaha ‘’separation of power’’ iyo waliba tiirka ku dhaqanka sharciga ‘’Rule of law’’ waxay micnaheedu tahay in laka saaro awoodaha saddexda dhadhaar ee qaranka ‘’garsoorka, fulinta, sharci-dejinta’’ kala saaridaasi waxay noqonaysaa in midkastaaba ay u madaxbanaanato shaqadeeda oo aanay midna mid ku samayn wax faragelin ah ama saameyn ku yeelan, sidoo kale waxa loo sameeyay mabda’an in saddexda dhadhaar ee dawladu is dheeli tiraan oo ay is kaaban, taas macanaheedu waxa weeyi inaan mid samayn ku tagri fal awoodeed oo aanu u isticmaalin awoodiisa hab aan waafaqsanayn dastuurka dalka iyo dhamaan xeerarka uu wadanku leeyahay.

Marka hore aynu isla fahano micnaha iyo qeexitaanadda madaxbanaanida garsoorka inaga oo ka soo kala qaadanayna dhawr qeexitaan oo culimada qaanuunku ku qeexeen waana sida tan:-

Madaxbanaanida garsoorka:- waa kartida uu gorsoorku kaga garnaqi karo arin khilaaf ka taagan yahay isaga oo ka madaxbanaan cadaadis kaga imaada dhinacyada dawcwadu ka dhaxeyso ama dhinaca hay’adaha dawladda.

Madaxbanaanida garsoorku:- waxay kuu damaanad qaadaysaa in garsoorku ku dhaqmo si cadaalad ah, dhex-dhexaad ah isaga oo ku salaynaya go’aankiisa keliya cadaymaha la horkeenay iyo sharciga, isagoo ka cabsi qabin in la soo fara galiyo ama lagu maamuo go’aanka uu gaadhi doono am acid ay saamayn ku yeelato go’aankiisa.

Madaxbanaanida garsoorka:- sidoo kale waxaynu ku qeexi karnaa in garsoorku ka madaxbanaanado dhamaan hay’adaha dawliga ah, haday noqoto fulinta, haday noqoto sharci-dejintaba. Madaxbanaanida garsoorku waxay sidoo kale tahay inaan garsoorku ku dhex milmin siyaasada iyo dhamaan dhinacyada kala duwan ee bulshadda maadaama oo hadhow wixii is qabsi ah isaga loola imanayo, ma aha in uu qeyb ka noqdaba isagu khilaafkii dhinacyada.

Madaxbanaanida garsoorku waa in ay haayad ahaan madaxbanaanataa iyo in shaqsi ahaan u madaxbanaadaan. Labadan madaxbanaani hadaan yar sharaxo ta koowaad ee ah in garsoorku ha’yad ahaan madaxbanaanada sida aynu ogsoonahay qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex dhadhaar oo kala ah fulinta, gasroorka, sharci-dejinta, markaa waa in uu ka madaxbanaanaada labadan hay’adood iyo dhamaan hay’adaha kale ee qaranka oo aanay wax faragelin ah ama saameyn ah ku lahayn, ta labaad ee ah waa in garsoorku shaqsiyan u madaxbanaanada waa in si shakhsi ah garsoore kasta u madaxbanaan yahay oo aan la faragelin ama lagu maamulin kiiska uu hayo, taas macneheedu maaha in aan garsooraha lagu samayn karayn isla xisaabtan iyo dabagal.

Khaladfahanka ah madaxbanaanida garsoorka ayaa ah in loo qaato in faa’ido ugu jirto kaliya garsooraha in uu madaxbanaada laakin faa’idada taas ka weyn ayaa ah danta shacabka oo noqonaysa in labadaii dhinac ee is hayay dareemaan kalsooni iyo in ay cadaalad kala helaan labadii dhinac oo la dhageysto kiiskooda si cadaalad ah loogana garnaqo si cadaalad ku dhisan.

Tiirarka madaxbanaanida garsoorka

Si uu garsoorku u madaxbanaanado waa in uu u madaxbanaanada  saddexdan dhadhaar oo kala ah:-

  1. maamul ahaan iyo ka garnaqid ahaan madaxbanaan yahay:- laba aragtiyood baa qodobkan soo hoos galaya, hadaynu mid mid u eegno Maamul ahaan Dhinacyo badan waa in uu u madaxbanaanadaa haday noqoto sida shaqada loo geli karo, sida garsooraha shaqada looga caydhin karo, habka anshax marinta garsooraha, dalacaada garsoorayaasha waa in ay dhamaan shaqooyinkooda u madaxbanaan yihiin oo aan hay’ad kale garsooraha arimihiisa soo fara galin haday noqoto wasaarad ama hay’ad kale, sidoo kale .

Ka garnaqid ahaan waa ama Shaqo Ahaan Madaxbanaan yahay:- waa inaan garsooraha aan lagu faragelin shaqadiisa iyo kiisaska uu gacanta ku hayo, waa inaan lagu hogaamin go’aanadda iyo xukunadda uu gaadhayo, faragelintaasi haka timaado dawlad ama maamulka isaga uga sareeya xafiiska sida gudoomiyaha ama dad magic iyo lacagba leh ha noqoqotee waa inaan shaqadiisa lagu faragelin.

  1. Damanad u helo shaqada oon laga eryi Karin:- maalinta lamagacaabo ilaa inta uu ka gaadhayo da’da hawlgabka waa in garsooruhu aan laga eryi Karin shaqadiisa siffo aan sharciga waafaqsanayn, waa in garsooruhu kalsooni ku qabo in kiisaska la horkeenoo uu uga garnaqo si cadalad ah isagoon ka baqaynin in laga eryo shaqada.
  2. Dhaqaale ahaan isku filan:- garsoorku waa in uu isagu maamuulaa dhaqalihiisa oo aan cid kale u maamulin ama door ku lahayn, si aanay u dhicin in dadka kharashka iyo dhaqaalaha garsoorka u maamulayaa aanay ka jarin xiligay doonaan ama aanay, taasi waxay keeni kartaa in garsoorku noqdo mid aan warwar ka qabin ama ka baqaynin in laga jaro mushaharkiisa ama gunooyinkiisa, si uu hufnaan ugu shaqeeyo hawshiisana u guto sida sharciga waafaqsan.

Muhiimada Madaxbanaanida Garsoorka

Garsoor madaxbannaan ayaa udub dhexaad u ah dimuqraadiyaddayada iyo ilaalinta kalsoonida dadweynaha ee ku dhaqanka sharciga, Isla mar ahaantaana, dacwoodayaasha maxkamadaheenu waa inay xaq u leeyihiin inay ka horyimaadaan xukunka garsooraha sababaha ku salaysan xaqiiqda, sharciga ama siyaasadda. Runtii, waxaan xaqiijineynaa oo qaadaneynaa xaqa dacwad -oogayaasha si ay u sheegtaan sheegashooyinka eexashada garsoorka sida waafaqsan sharciyada quseeya, Waxaan dhammaan ku boorrinaynaa inay garsoorka siiyaan ixtiraamka iyo karaamada lagama maarmaanka u ah garsoorayaasha si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Muhiimad aad u badan ayay leedahay in garsoorku noqdo hay’ad madaxbanaan si loo ilaaliyo Xuquuqda muwaadiniinta, oo aan xadgudub lagu samaynin muhiimadaha ugu weyn waxa ka mid ah kuwan hoos ku xusan:-

  1. In uu kor u kaco ku dhaqanka sharcigu ‘’rule of law’’ iyo in sharciga la raaco.
  2. In mabda kala saarida awoodaha uu dhaqangal noqdo tusaale markasta oo saddexda dhadhaar ee dawlada midkastaaba shaqadeeda qabsato waxa yaraanaya in ku tagri fal awoodeed imaado saddexdooduna is dheelitir baaa imanaya oo mid midka kale wuu dheeli tirayaa, dawladnimadeedana wax weyn baa iska badalaya.
  3. In garsoorku noqdo mid dhex ah muwaadin kasta wuxuu yaqiinsanayaa in garsoorku aanu dhinac ahayn ee kiiskiisa looga garnaqi doono si cadaalad ah, qofka uu dacweynayo haba noqdo masuul qarane.

Shuruucda ka hadasha Madaxbanaanida Garsoorka

Waxaynu u kala qaadi doonaa laba sharci oo kala ah qaar dawli ah iyo qaar duwali ahba ’national vs international’

Hadaynu ka eegno dhinaca xeerarka dalka waxa ugu weyn waa dastuurka oo ah ka ay ka farcamaan xeerarka kale oo dhan, qaabdhismeed dalka in uu yeesho garsoor iyo labada waaxood ee kale kalana madaxbnaanaadan oo midkastaaba shaqadeeda aan lagu faragelin isna dheeli tiraan oo iskaabaan wax aka hadlaya qodobka 37 faqradiisa 2.

Sidoo kale dastuurka qodobkiisa 97 aad ayaa sheegaya in wax garsoor oo shaqadeeda u madaxbanaan dhamaan waaxyaha kale, shaqada ugu muhiimsan waa u garnaqa dawlada iyo shicibka iyo dadweynaha dhexdooda, sidoo kale fasirida qodobada muran ka imaado waxa awood u leh fasirideeda garsoorka.

Qodobka 99 isna wuxuu ka hadla laba qeybood ee ugu muhiimsan ee garsoorku ka kooban yahay kuwaas oo kala 1. Maxkamadaha 2. Xeer-ilaalinta.

Waaxda cadaalada laysku idhaahdo waa wax balaadhan waxaana ka mid 1. Maxkamadaha, xeer-ilaalinta, booliska, wasaarada cadaalada, guddiga cadaalada, komishanka xuquuqul insaanka, qareenada, dhamaan intan oo hay’adood waa kuwa leh wada shaqeyn toos ah iyo mid dadban ba, waxaanay shaqadoodu tahay ka shaqeynta cadaalada iyagoo markasta xidhiidh la leh qof dhiban, eedaysan, maxbuus ah, iwm.

Garsoorku waxa uu leeyahay xeer u gaar ah oo la idhaahdo xeerka nidaamka garsoorka, xeerkani wuxu ka hadla shaqada garsoorka, qaabdhismeedka, shaqooyinka kala duwan ee maxkamad kastaa leedahay, hababka anshax marinta garsoorka iyo xeer-ilaalinta, habka shaqo qoristooda, iyo dhamaan arimaha garsoorka.

Hadaynu eegno cahdiga xuquuqul insaanka ee 1948 qodobkiisa 7 waxa uu sheegayaa in cidkastaaba ay sharciga u siman tahay oon qofna lagula kici Karin faquuq. Halkaas waxaynu ka fahmi karnaa maadama garsoorku uu yahay kuwa fuliya xeerarka in si siman ula dhaqmaan uguna garnaqaan dhamaan muwadiniinta, sidoo kale qodobkani waxaynu ka fahmi karnaa taajir iyo nin xil ama magac leh iyo qof maskiin ahi ay u siman yihiin sharciga iyo garsoorka hortiisaba oon arinku noqonin miskiinbaa misko lafuulo leh.

Sidoo kale qodobka 10 ee cahdiga Xuquuqda aadamaha ayaa ka hadla in qofkastaaba xaq u leeyahay in uu helo dhageysi loo siman yahay oo cadaalad ah oo madaxbanaan marka go’aan laga gaadhayo xuquuqdiisa ama waajibaadkiisa, qodobkan isna waa in qofwalbaaaba garsoorka hortiisa si siman loola dhaqmaa oo uu helaa garmaqal cadaalad ku dhisan oo madaxbanan dhexdhexaad ah.

Waxa ka hadla isla arintan cahdiga Xuquuqda Heshiiska Caalimaga ah ee Xaquuqda Madeniga iyo Siyaasada (International Covenant on Civil and Political Rights ICCPR) qodobkiisa 14 nuxur ahaan wuxuu dhigayaa in dhamaan dadku ay u siman yihiin garsoorka hortiisa, garsoorkana laga rabo inay ula dhaqmaan si isku mid ah dhinacyada dacwada, waana inay madaxbanaanaad, dhexdhexaadna ahaadaan. 

Mabaadida uu garsoorku ku shaqeeyo

  1. Is horkeenka dhinacyadda dacwada:- in dhinacyada lays horkeeno oo ay dacwadooda isku sheegtaan iyagoo hab dood ah raacaya waa arin muhiim ah oo garsoorka ka caawinaysa in uu ogaan karo ka xaqa leh iyo ka kaleba, sidoo kale dhinacyada marka la dhageysto waxa meesha ka baxaya in qofba si gaar ah loo dhageysto.
  2. In uu dhinacyada siiyo fursad isku mid:- waa in aanu garsooruhu dhinacna dhageysan wakhti badan dhinaca kalena wakhti yar, oo arinkaasi nidaamkii cadaalada ayuu wax u dhimi karaa, oo iyadoon xukunba loo dirin kiiskii ayaa dhinac dareemi karaa cadaalad daradda jirta.
  3. In uu kiiska dhexdhexaad ka noqdo:-waa inaanu dhinac u xaglin la heshiin sidoo kale laaluush ka qaadan, si loo helo cadaalad waa in uuu dhexdhexaad noqdaa garsooruhu oo dhinacyadu u sinaadaan.
  4. In dhinacyadu helaan garmaqal cadaalad ah:- laga soo bilaabo arjiga iyo jawaab celinta ilaa iyo xukun kama danbaysa oo fulin ah laga gaadhayo waa in dhinacyadu helaan dhageysi iyo garmaqal cadaalad ku dhisan.
  5. In dhageysigu noqdo mid dadweynaha u furan:- sababaha la xidhiidha anshax ama caafimaad ama nabadgalyo keliya ayuu fadhigu u noqdaa mid xidhan intaas waxaan ahayn waa in fadhigu furnaado oo dadweynuhu ka soo qeyb galaan, waxa arinkaas ka dhalan kara in shaqadii garsoorku noqoto mid daahfuran oo dadku wada ogaadaan shaqada garsoorka iyo habka uu kiis walba uga garnaqay.
  6. Waa in uu ku saleeyaa xukunka sharciga iyo cadeymaha la horkeenay:- go’aanada uu gaadhayo garsoorku waa in ay ahaadaan qaar ku dhisan sharciga, iyo cadeymihu sida ay u kala xoog badnaayeen, waxaanay keeni kartaa hadhow inaan aayar loo duri Karin xukunkii garsoorka.

Waxyaabha laga rabo qofka isku taagaya garsoor

  1. Caadi ah:- qofka isku taagaya garsoor waa in uu noqdaa qof caadil ah, oo bulshada dhexdeeda looga yaqaanay qof caadil ah oo u kala cadaalad fala dadka, maadama shaqada ugu weyn ee garsoorka loo soo doontaa ay tahay cadaalad.
  2. Aqoon sharci leh:- qofka isaga oo aan aqoon lahayn sharci waa ka mamnuuc in uu nodqdo garsoore ‘’sida laga wariyay xadiiskii nebiga scw garsoorku waa saddex laba ayaa naar muteystay halna janno, labaadaas naarta mutaystay wax aka mid ah qof isagoo jaahil ah shaqo garsoor qabtay oo u kala garnaqay dad.
  3. Dhexdhexaad ah:- qofka garsooraha ahi waa in uu dhexdhexaad ahaada markasta iyo mar xalad kasta, waa in aanu soo dhaweysan dhinac isagoo ku soo dhaweysanaya xil, magic, lacag ama mansab kale waa in ay dhamaan dhinacyadu u siman yihiin si shaqadiisa loogu kasloonadu noqdana garsoor cadaalad ku dhisan.
  4. Madaxbanaan:- qofka garsooraha ahi waa inuu shaqadiisa u madaxbanaan yahay oo aan lagu hayn wax faragelin oo ka timaada dhinacyada dacwada ama dawlada ama faragelin ka timaada dhinaca ganacsatada.
  5. U qalmo shaqada garsoorenimo:- competence’ waa inuu garsooruhu waafaqaa dhamaan shuruudaha loo dhigay qofka garsoorka ah waa inuu noqdaa qof mujtahid ah oo dadaalaya oo samaynaya cilmi baadhis, qof aqoon sharci leh, mid waayo aragnimo leh, shakhsiyan dhisan oo lahayn wax ceeb ah oo hoos u dhigaysa shaqadii garsoorka.
  6. Daacadnimada:- qof daacad ah inuu noqdo garsoorku waxay kor uqaadaysaa shaqadii garsoorka sidoo kale waxay kor u qaadaysaa kalsoonidii dadweynaha gaar ahaan in dhinacyadu ku kalsoonaadan oo hadhow lagu soo hirto, in garsoorka kalsooni lagu qabo waxay qeyb weyn ka noqon kartaan hab maamulkii wanagsanaa ee garsoorka oo dacaayada laga daayo waxa jira badanka in ay dadku aaminsan yihiin in garsooorku yahay qaar aan cadaalad ka shaqeyn ee uu garsoorku yahay qaar laaluush qaatayaal ah.

 Caqabadaha haysta garsoorka Somaliland

  1. Dhibaato dhaqaale:- sida aynu ka warqabno garsoorka soomaliland waxa aad ugu yar miisaaniyadda ay ku shaqeeyaan, garsoorku in uu helo miisaaniyad badan waxa ay kor u qaadeysa guud ahaan shaqada garsoorka, mushaharka iyo gunooyinka garsoorku waa mid aad u yar oon ku filnayn garsoorayaasha, taasi waxay keeni kartaa in uu meelo kale ka raadiyo dhaqaale garsoorihii.
  2. Takhasus la’aan:- takhasus la’aanta haysa garsoorka waxa weeyi in aanay badi garsoorku lahayn takhasus kala duwan oo ku saabsan culuumta qaanuunka, waxaanay badankoodu kaliya sitaan shahaadada guud ee qaanuunka, taas waxa u raacda in garsooruhu maalinba kiis nooc ah galo, maalin uu dacwad ciqaab ah galo, mid madani, dacwad ka dhaxeyso shirkado, dacwad ganacsi, dacwad xuquuqul insaan iyo dhamaan noocyada kala duwan ee dacwdaha, taasi waxay keensan kartaa in aanay garsoorayaashu ku takhasusin oonay cilmi dheerad ah u yeelan.
  3. Dhismaha garsoorka:- garsoorka ma haysto dhismayaal ku filan oo waafi ah, waxa dhacda kuwa gobolada in xafiiskiiba dhawr garsoore ku qoran yihiin, maadama ay xafiisyadu cidhiidhi yihiin, waxay dib u dhigi kartaa arinka kiisaska degdeg loo dhaqaajiyo oo garsoorihii mudeynta kiiskaasi ku dheeraado.
  4. Amaanka garsoorka:- garsoorku ma haystaan damaanad buuxda oo halka amaanka ah, waxa dhici karta in gaar gaar loo raadsado oo la waxyeeleeyo garsoorka, sida dhacdayba, taasi markaa garsoorihii in uu hadhow dhiiranaado oo xaqa kalagarsooro way ku adkaanaysaa laga yaabaa in uu naftiisa u baqdo ama uu is idhaahdo waxba la soo gaadhsiin qoyskaaaga.
  5. Magacaabista garsoorka:-hababka loo magacaabo wali garsoorka caqabad ayaa ka yar haysata oo ma jiro habraac cad oo lagu magacaabo garsoorku, mana jira habraac qofka doonaya in uu garsoor noqdo ama doonaya in uu wax ka ogaado sida loo magacaabo aanay jirin, oo kaliya guddomiyaha maxkamadda sare iska magaacabo garsoorayaasha, oo qaarkood in mudo ah ku shaqeeya lacag la’aan.
  6. Fulin la’aanta go’aanada dacwdaha:- waxa jira go’aano badan oo u bislaaday fulin oon la fulin sababo la xidhiidha fulin la’aanta garsoorka oo ku xidhan amaan ama waxyaabo kale, waxaana dacwdaahaas ku badan yihiin aan la fulin kuwa la xidhiidha arimaha dhulka, oo soomalida manta dhulka ayaa ugu qiimo badan waana arin xasaasi ah, qaarkood dacwdahooda waxa la dhageysanayay 30 sanno iyo wax ka badan, fulin la’aanta go’aanadda garsoorka iyada ayaa ahba sharci darro iyo danbi ay ka dhalan karaan ciqaab.
  7. Qabyada Shuruucda garsoorka:- sharciga garsoorka oo barigii hore jiray ee la odhan jiray xeerka-nidaamka garsoorka ayaa bari dhaweyd waxyaabo badan laga badalay ka dib waxa cabasho badan ka muujiyay gudoomiyayaasha racfaanada ee goboladda kala duwan, taas waxay keentay in gudoomiyaha maxkamadda sare uu laalo kuna tilmaamo qeyru dastuuri sharcigii garsoorka oo uu baarlamanka ku celiyo, sidoo kale baarlamaankuna wuxuu ku adkeystay in uu xeerkii sii jiro, garsoorkiina ma dabaqaan xeerkii taasi waxay keentay in aan manta jirin xeer garsoor ay raacaan oo shaqadooda nidaaamiya.

Gebagabo

Qoraalkan yare e kooban waxaan kaga soo hadalnay guud ahaan shaqada garsoorka iyo kaalinta uu kaga jiro qaranka, iyo sida loogu baahan yahay in uu u noqdo mid bulshada u dhex ah maadama dadka is qabsada oo dhami ay garsoorka cadaalad bidaan, sidoo waxaan xusnay madaxbanaanida garsoorka oo ahaa mawduuca uu ku saabsan yahay qoraalkeenu, madaxbanaanidiisa oo aynu ka eegnay dhinacyo kala duwan, waxaynu soo xusanay tiirarka madaxbanaanida iyo meelaha ay tahay in garsoorku ka noqdo mid madaxbanaan, muhiimada uu leeyahay garsoor madaxbanaan Ayaan ku xusnay qoraalkeenan iyo sida loogu baahi qabo, shuruucda ka hadasha madaxbanaanida garsoorka Ayaan si guud isu dul taagnay ha noqdaan kuwa dawli ah iyo qaar duwali ah bee, waxaynu taxnay dhawr astaamood oo looga baahan yahay qofkasta oo isu taagaya jagada garsoorka, maadaama ay badan tahay shaqada uu qabto garsoorku, ugu danbayn waxaan soo xusay dhawr caqabdood oo iila muuqday in ay haystaan garsoorka dalka mihiimna ay tahay in garsoorku caqabadaah laga xaliyo, qaar waa caqabad isagu uu maamul ahaan xalin karo, qaarna waa qaar si guud loooga baahan yahay qaranka inay xaliyaan.

Mahad Mohamed Hussein 
Legal Advisor Ministry of Energy and minerals.
Legal commentator.
Legal officer Energy Program.
634222758.