Madaxbannani Keliyi Ma Xalliso Dhibaatooyinka Bulshada Haysta ! W/X :(KamaalMarjaan)

Inkasta oo Koonfurta Suudaan ay sannadkii 2011 kii noqotay dawladda ugu da’da yar adduunka ee la aqoonsaday, haddana taasi uma muuqato in ay aqoonsi u horseedi doonto dalalka kale ee iyaguna madaxbannaanida doonaya.

Guilherme Canever oo ah qoraaga buugga ‘Uma viagem pelos países que não existem’ muddo uu socdaal ku maray dalal aan la aqoonsan, isaga oo waday daraasadda buuggan, ayaa waayoaragnimada iyo natiijada uu sheegay in uu helay waxa ay noqotay, “Dawlado cusub oo la dhiso iyo xuduudo cusub oo la dhigaa in aanay xal u noqon karin dhibaatooyinka iyo colaadaha”

Waxa uu sheegay dalalka madaxbannaanida ku dhawaaqay ee uu maray badankooda, in sababta ku kalliftay goosashadu ay tahay isirka, qabiilka ama kooxda u badan oo marka hore dalka ay ka goosanayaan ka noqday isir laga tiro badan yahay, ama laga awood badan yahay. Dhibaatooyinna kala kulmay dawladdii lagaga tirada badnaa, sidaas awgeed xalka dhibtaas u arkay in ay deegaankooda iskood u maamushaan.
Laakiin Canever waxa uu leeyahay taasi xal ma’ay noqon, waayo markii gobalkaas ama deegaankaasi dawlad u gaar ah dhistay, waxaa dhacday in dadkii marka hore tiro yaraanta kaga cabanayey dawladda ay ka soo go’een in ay dawladdan cusub ka noqdeen kuwa tirada badan (Majority), isla markaana ay soo baxeen dadyow kale oo laga tiro badan yahay oo dabcan ah muwaadiniintii la lahayd dhulka. Waxaana halkaas mar kale ka soo noqotaya isla dhibtii hore ee ahayd dad tiro yaraan lagu dhibaataynayo, ama dulmi ka tirsanaya kuwa tirada badan, ama uba baahanaya in laga ilaaliyo kuwa iyagu markii hore tirayaraanta dhibtu u soo gaadhay oo markan u dhaqmaya sida kuwii ka tiro badnaan jiray ay kaga cabanayeen.

“Khadad iyo xuduudo cusub oo la jeexaa waxba kama tarayaan dhibaatada, haddii aan la samayn nidaam dimuqraadiyadeed dhammaystiran oo dadka oo dhan xuquuqdooda u dammaanad qaadi kara.” Ayaa uu Canever ku leeyahay buuggiisa.

 

Buugga ‘Uma viagem pelos países que não existem’ / Shabakadda #Imaarat #al_Yowm.

Xigasho:Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com