Madaxnimadu dulqaad bay u baahantahay (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Aniga iyo akhyaar badan oo kale oo wakhtiyada qaarkood, aragtiyahooda arrimaha bulshadeenna iyo dalkaba la xidhiidha qoraal ku cabbiraa ma nihin Mucaarid mana nihin Muxaafid.

Ma nihin muxaafid, oo u guulwadeynta xukuumadda iyo ku ammaaniddeeda samo iyo xumaanba dhaqankayaga ma aha, sidoo kale ma nihin mucaarad buunbuuniya khaladaadka xukuumadda, isla markaana wanaaggeeda aasa, oo dabeecaddaas mucaaradnimo naguma jirto.

Waxase dhacda in mararka qaarkood naloo maleeyo in aannu nahay muxaafid xukuumadda ku bogaadina wax aanay mudnayn, sidaasna waxa mucaaridka naga soo gaadha warmo iyo jugo naqdin ah.
Waxa kale oo dhacda in marar badan nalagu tiriyo mucaarad farriimo dhaawac u geysanaya dawladda gudbinaya !

In aniga mararka qaarkood mucaarid la ii maleeyo waxa keenaya laba arrimood:
1) Aragtiyaheenna looma abtiriyo, ee shakhsiyaadkeenna ayaa la deegaameeyaa, sidaa awgeed halka reerkiinnu u badanyahay ayaad ku qasbantahay in lagu haleeshiiyo, si kasta oo aad u madax bannaantahay !
Taa macnaheedu waxa weeye dadku marka aad sheegto wax run ah oo ay jecelyihiin waxa aad noqonaysaa nin caddaaladeed, markase aad sheegto wax run ah oo aanay doonayn waxa ay ku odhanayaa Fiqi tolkii kama janno tago !

2) Had iyo goor cidda xukunka haysa dareenkoodu waa mid kacsan oo didsan (Xasaas ah), oo aan dhaliisha iyo weliba wax u sheegidda toosinta ah xammilin, sidaa awgeed in ay aqoonsadaan toosintaada, waxa ka fudud in mucaarad lagugu kabo, si wax sheeggaaga loo dadafeeyo.

Waxase aan la yaabahanay xisbi mucaarad muddo dheer soo ahaa marka uu xukunka qabsado waxa dulqaadka ka qaada ee xadhig-la-roorka ka dhiga !

Xisbal Xaakimka Soomaaliland ee Kulmiye muddo dheer ayuu af iyo addinba ku soo dagaallamayey, isaga oo siyaasigiisa, aqoonyahankiisa iyo wadaadkiisaba wata, mararka qaarkood mucaaradnimadoodu waxa ay ahayd mid qaawan oo af ahaanna u qaawan ficil ahaanna wax duminaysa, haddana maanta mucaaradnimadoodii 10% wax u dhigma haddii aad la timaaddo qaylada ayaa is qabsanaysa, hanjabaadda, cayda iyo ergadu cid aanad ka filayn ayay kaaga imanaysaa !

Xukuumaddu miyey illowday in habsiyaasadeedka ay xukunka ku gaadhay uu yahay nidaamka xisbiyada badan, in la mucaaradaana ay tahay dheelitirka siyaasadda?

Dabcan toosin kastaa mucaaradad ma aha, sida aanay mucaaradad kastaa qalloocin u ahayn.

Ilmaadeerayaal kursiga idinka oo u ordaya ayaad wax walba soo sameyseene, dadka aan kursina idinka ridaynin ee danta dalka uun idinla toosinaya gujada iyo guhaadka ka daaya, oo haddii aydaan taladooda toosin u qaadanayn u qaata xaq ay leeyihiin oo ay dabbaqayaan.

Waar hooya dulyeesha oo sidaa aad wax u waddaan ka daaya baannu leenahay.

Dr-Abdulqani Hussein Beder