Madaxwaynaha iyo Abtiyaashii W/Q: Khadar Jicsin Nuux

Somaliland soddon sanno oo ay jirtay hahdii ay jirto meelo aanay ka korin waxaa ka mid ah xisbiyada siyaasada, oo shaqsi ku wareega iyo qabiilkiisa oo taageerayaal ah, hogaamiye xisbi haduu cadhaysan yahay dabcan, waxa kale oo cadhaysan qabiilkiisa.

 

Xisbiyada mucaaradka  Somaliland iyo xukuumadda madaxwayne Muuse Biixi waxaaa ka dhaxeeya khilaaf adag oo aad loogu kala fog yahay. Beesha Garxajis waa taageerayaasha xisbiyada mucaaaradka ah dhinaca kalana Beeshu waa abtiyaasha madaxwaynaha, halkan waxaa ka dhalanaya xukun iyo waajib ay tahay in la fahmo, fahanka saxa ahina waa ka ilaahay iyo rasuulkiisu sheegeen, nabi Maxamed (NNKH) wuxuu sheegan in qolo, walaashood inankeedu ka mid yahay.

“ابن أخت القوم منهم أو من أنفسهم”

 

Culumada xadiiskan sharraxday waxa ay sheegeen, in inanku abtiyaashii kala mid yahay xagga waxtarka, kaalmada, hiilka, iyo damqashada waxa kale oo intaa dheer in ay isku siryihiin. Hadaba madaxwaynaha Somaliland waxaa saaaran waajibka ah inuu abtiyaashii waxa ay doonayaan la doono, abtiyaashiina waxaaa saaran in ay madaxwaynaha u arkaan inuu reerka ka mid yahay.

 

Somaliland waxa ay markale waajahaysaa imtixaan kale oo la xidhiidha madaxwayne iyo abtiyaashii oo si khilaafsan dhaqanka iyo diinta markale kala sir noqday. Si ka duwan 94 kii waxaa nasiib wanaag noqon doona in Somaliland markan dagaal sokeeye ka dhicin iyo in aan madaxwayne iyo abtiyaashii mar labaad la kala qaban.