Madaxwayne beelaha dhexe hadaad u buurtay wax kalena u balan qaaday kuwa darafyada yaa umaqan (WQ: Maxamed Cusmaan Xaaji)

 

Inta badan bulshada jamhuuriyada Somaliland waxay in dhaha ku hayaan madaxwayne muuse biixi cabdi hawasha baaxada wayn ee hor taala qaabka uu u maarayn doono.

Madaxwaynuhu waxuu sheegay maalintii ugu danbaysay khudbadisii in aysan jirin reera doortay balse ay doorteen shacabka ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland, balse waxaad modaa inuu ilaaway doorashada maalma kadib inuu kulan la qaatay beel ka mid ah beelaha ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland una balan qaaday haday yihin beesha wadatay musharax ciro isagana aysan dooran inuu siin doono wasaaradaha ugu tunka wayn.

Waxaadse modaa madaxwaynu muuse inuu iska indha tiray beelaha darafyada oo ah tiirarka Somaliland ay ku tahay Somaliland dhamaystiran

Waxaynu ogsoonahay inuu dalka ku sugan yahay pro. Cali khaliif galaydh oo ahaa madaxwaynihii khaatumo state, madaxwaynihii horena lagalay heshiis sheegaya in Somaliland lawada dhisto tabashadoodana hoos loo eego.

Doorashada madaxwaynaha la dooran doonana sii wado hirgalinta heshiiskii lala galay siyaasiyinta khaatumo.

Madaxwaynaha khaatumo mar uu la hadlay warbaahinta waxuu sheegay ilaa hada inay hawshii ka xaniban tahay xaga madaxwayne muuse dhamaystirka heshiiskii lawada galay

Wali ma cada beelaha ku dhaqan gobolka awdal talaabada ay ka qaadan donaan xukuumada dhinaca ka raran ee aan lagu salayn Somaliland jacayl

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan madaxwaynaha la doortay xasuusinayaa inuu yahay mucaaradka mid sidii hore ka xoog badan.

Maxamed Cusmaan Xaaji

awaadan5@gmail.com