Madaxwayne Sharci ilaaliye maaha, dawladnimana uguma sareeyo (WQ: Abdiaziz Hassan)

Hordhac:

Dawladnimada casriga ah ee aan ka dhaxalnay gumaystihii ina qabsaday qarnigii 19 aad dhamaadkiisa ilaa badhtamihii qarnigii 20 aad waa qaabka kaliya ee umad isku mid ah ama kala duwanba kuwada noolaan karaan haddii la fahmo.

Dhaliilo iyo nusqaan bay leedahay ay ugu culusyihiin in ay saamixi karto in awooda dawladnimo koox yar ama shakhsi gacanta u gasho  kuna dhibaateeyaan intakale, kuna boobaan hantidooda magaca dawladnimo waase la xakamaynkaraa marar badan.

Sharcigaa ugu sareeya:

Dawladnimada sharciga, qaanuunka ama dastuurka ayaa ugu sareeya. Waardiyaha dhabta ah ee Sharcigu waa nidaamka garsoorka oo jaranjarooyin iyo takhasusus kala duwan leh, kuna dhamaada maxkamada ugu saraysa taaso shacab iyo dawladba go’aankeeda ku go’aan.

Sidaa darteed nidaamka garsoorku waa inuu is dhaba uga madaxbanaanyahay laamaha fulineed oo dawlada  haddii kale lama aamini karo, lagumana halaynkaro inuu qaado garsoor sharciga ku qotoma, kana dhawarsan duudsi.

Kawaran haddii garsoorku ku milmo laamaha fulinta ama uu gacanta u galo laanta fulinta u saraysa( madaxwayne/raysalwaaaare)••• kawaran haddaanu jirinba nidaam garsoor oo kala sareeya kuna dhamaada maxkamada sare?!

Hadii la curyaamiyo dhismaha garsoor madax banaan meeshaas waxa ka baxay in la xakameeyo awooda fulinta oo gacanta ku haysa awood fara badan halisna keenaysa.

Madaxwaynuhu sharci ilaaliye maaha waa sharci ku dhaqme hadii uu ku dhaqmiwaayo waa in gacanta la qabtaa.

Ilaaliyaha ama korjoogaha labaad ee sharcigu waa golaha baarlamaanka oo golaha fulinta shaqadiisa gaadh ka haya. Fududeeyana kobcinta shuruucda kala duwan oo dalka kana farcama dastuurka guud.

Meel madaxwaynaa u sareeya lagugu tawakhinayo waxa casar dheerba la curyaamiyay cidii libaaxa carbiska ah ku hayn lahayd xayndaaba••••