Madaxweynaha Maraykana Joe Biden oo Saxiixay Heshiiskii Somaliland Iyo Maraykanka iyo Waa cusub ayaa u baryay somaliland W/ Diyaariyay: C/raxmaan Hayaan

Madaxweynah maraykanka Mr. Joe Biden ayaa saxiixay xeerka miisaaniyada difaaca Maraykanka, kaasoo ay hore ugu soo gudbiyeen mudanayaasha labada aqal ee COngresska iyo senetka ee dalkaasi. Xeerkan oo maanta kadib noqonaya sharci lag dhaqmayo ayaa jidaynaya iskaashi buuxa oo dhex mari doona somalialnd iyo Maraykanka, kaasoo ku saabsan dhinacyada millatariga, ammaanka iyo tababarrada ciidamada iyo dhinacyada  horumarka oo somaliland uga faaidaysan kartaa dhinacayda caafimaadka iyo waxbarashada.

Xeerkan ayaa waxa hore u soo ansixiyay golayaasha congresska iyo senedka ee dalka oo iyagu marka horeba lahaa hindise sharciyeedka la xidhiidha Heshiis iskaashi oo dhex mara somaliland iyo Marakanka.  Waxa xusid mudan in miisaaniyadda xeerkan oo gaadhaysa in ka badan 858 bilyan oo Dollar Isla markaana daboolaya dhammaan miisaaniyadda difaaca guud ee dalka Marykanka, ayaa in Somaliland lagu daro waxa qayb libaax ka qaatay senator Jim Rich oo laga soo doort gobolka Idaho) oo ah xubin sare oo ka tirsan guddi hoosaadka  arrimaha dibadda ee aqalka senetka, Chris Van Hollen (D-Md.) and Mike Rounds (R-S.D.)

kale  kuwaasoo geer dheer iyo geed gaaban ba u koray sidii uu saaxiibbadoo uga dhaadhicin lahaayeen faa’idada ugu jrita Maraykanka inuu Somaliland iskaashi la samaysto isaga oo aakhirkiina ku guulaystay.

Xeerkani inuuu halkan soo gaadho ayaa sidoo kale waxa iyaguna door lama illaawaan ah ka qaatay saraakiisha safaaradda somaliland ee dalka Maraykanka oo uu horumuud u yahay safiirka somaliland ee dalkaasi Mr. Bashir Good, runtiina mudan in lagu hambalyeeyo arrintaasi

Saxiixa xeerkan oo illaa xalay si weyn loogu hadal hayays baraha ay bulshadu ku kulanto ayaa waxa si weyn u falanayanayay isla markaana hoosta ka xariiqayay muhiimadda uu xeerkani u leeyhaya labada dhinacba, waa somalialnd iyo Marykankee, aqoonayahnno, iyo siyaasiyiin hore oo xilal ka soo qabtay dalka Marykanka. Kuwaasoo ku nuuxnuuxsaday in hadda kadib Maraykanku ula mcaamilayo Somaliland si toos ah isaga oo aan cidna u soo marayn.

Hindiye sharciyeedka uu saxiixay Madaxweynaha Maraykankau ayaa Somaliland siyaabaha ay dhinacyada horumarka uga faa’idaysan karto waxa ka mid ah takhasusaadka caafimaadka iyo horumarinta qalabyada caafimaadka, cusbitaallo waaweyn oo uu Maraykanku inoo dhiso halka dhinaca waxbarashadana ay uga faaidaysan karno in heshiiskani inoo fududeeyo inaynu helno waxbarasho sare oo ay helaan Jaamacadeheennu

Ugu danbayntii waxa xusid mudan in cadowga somaliland oo sameeyay wax kasta oo karayeen si ay u hor istaagaan waaga cusub ee u baryay somaliland. Madaxweynaha Somalia Xasan sheekh Maxamuud iyo dawladdiisu waxa ay malaayiin dollar ku maal galiyeen in looyar oo calooshisa u shaqayste ah iyo ururka United Somali Alliance,,   kaasoo ay u kiraysteen si uu ugu oloeeyo sidiii loo joojin lahaa iskaashi dhex mara somaliland iyo Maraykanka.  Dadaalladaasoo  dhammantoodna waxa ay kala kulmeen waji gabax waxaana ay ku danbeeyeen oo noqdeen hal bacaad lagu lisay.

 

C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com