![Picsart_25-02-11_15-34-00-686](https://bandhige.com/wp-content/uploads/2025/02/Picsart_25-02-11_15-34-00-686-696x696.jpg)
Taariikhda Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee JSL iyo Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabtu wuxuu ahaa xidhiidh door shariifa uu ku lahaa bilawgiisa iyo horumarintiisa Madaxweynihii hore ee Afraad Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo Alle ha u naxariistee.
Waa sunnaha Dawladda in Dawladda ha xilalka u kala dambeeya ee dhaxlay xidhiidh wanaagsan oo laba dawladood ka dhaxeeya u sii waddaan kana shaqeeyaan in la sii xoojiyo, waxaanan uga mahadnaqayaa arrinkaas Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisii oo qaatay doorkeedii kaga aadanaa xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka.
Shalay oo ku taariikhaysanayd 10/02/2025 waxa dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabtu ku qaabishay Weftigii Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Hab Maamuus Dawladnimo oo sare kaas oo ay la mid ahaayeen Hab maamuuska lagu qaabilay madaxdii caalamka ka timid si ay uga qayb galaan Shirka World Goverment Summit.
Madaxweynaha JSL iyo Weftigiisa waxaa Airport ka ku qaabilay His Excellency Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan
oo ah Xubin ka mid ah Golaha Wasiirada Imaaraadka ah na Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka, taas oo muujinaysa xidhiidhka Diblamaasiyadeed ee wanaagsan ee u dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
Ugu dambayntii waxaan shacbiga JSL ugu baaqaayaa in garab iyo taageero buuxda la siiyo Madaxweynaha JSL iyo Xukuumadiisa, si aynu u gaadhno guul wada jir ah oo Somaliland ku gaadho badhaadhe iyo barwaaqo.
Allaa Mahad Leh
Amb Baashe Cawil Cumar
Bandhige@gmail.com