Madaxweyne Cirro Wuxuuu qarka u Saaran yahay inuu helo Fursaddii uu helay Madaxweyne hore C/raxmaan Tuur. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Collin Powel oo soo noqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka (2001-2005) wakhtigii Xukuumaddii Bush, ayaa laga hayey โ€œGuushu waxa ay ka dhalataa xirfad sarraysa, dadaal dheeraad ah, fashilka oo wax laga barto, daacadnimo iyo quus laโ€™aan. Guushu waxa ay leedahay tilmaamo badan, waxa ku dhiirigelinayaa waa isku-dayga joogtada ah iyo khaladaadka oo wax laga barto.โ€ Tuur wuxuu nasiib u helay inuu ku guulaysto dhammaystirka halgankii SNM ee soo taxnaa 1981-1991. Wuxuu helay fursad aanay helin afartii guddoomiye ee SNM soo maamulaayey 1981 ilaa 1990 ee isaga ka horreeyey.
Wuxuu helay in wakhtigiisii ay SNM ka takhaluusto taliskii Kacaankii Maxamed Siyaad. Qorshihiisii uu Janaraal Caydiid ku hubeeyey ee uu dagaalka ka bilaabay gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa soo dedejiyey dhicitaankii Maxamed Siyaad. Wuxuu ahaa siyaasi qanyar socod ah oo ay hagto Dublamaasiyadu. Wuxuu xariif ku ahaa faqa hoose laakiin kumuu fiicnayn fagaare ka hadalka.
= Sidaasi oo kale Madaxweyne Cirro sida muuqata wuxuu nasiib u heli doonaa inuu ku guulaysto helitaanka ictiraafka ee Soomaalilaan. Waxa dhici karta inuu dhammaystiro qorshe ay soo wadeen shan madaxweyne oo soo maray Soomaalilaan, haddii si kale loo dhigo waxa dhici karta inuu ku guulaysto daddaal iyo dagaal ay Soomaalilaan ugu jirtay 34 sanno inay ictiraaf hesho. Cirro iyo Tuur waxa ay iska shabbahaan dhinaca Dublamaasiyadda iyo deganaanta. Waxa jira caaqiido ay aaminsan yihiin Dublamaasiyiintu oo tidhaaโ€ Waa in aad cid kasta saaxiib la ahaatid intii suurtagal ah, haddana aanad cidna aaminin.โ€
Madaxweyne Cirro oo ku cusub xilka madaxweynimo shirkii Imaaraadka ee madaxweyneyaasha adduunka waxa soo baxday shakhsiyadiisa iyo nooca hoggaamintiisa. Waraysi kala duwan oo laga qaaday iyo jawaabaha uu ka bixiyey ayaa aad indhaha loogu hayey saddexdii cisho ee ugu dambeeyey. Waxa soo baxday sida deggan ee uu jawaabaha u bixinaayo iyo ka fiirsaga wixii afkiisa ka soo baxaya. Taasina waxa ay keentay in wax khaldan laga waayo jawaabihii afkiisa ka soo baxayey.