Madaxweyne codkayagii wuu dhammaaday (W.Q. Mahdi Sheekh)

Sawirkani waa anigii oo beerta xoriyadda taageero badan u muujinaya geesi Mudane Madaxweyne Siilaanyo.

Wixii la qabtay iyo wixii la qaban waayey ha inoo dambeeyo e, khayaamo-qaran baa la innagu sameeyey oo codkeenii maalintii uu ku ekaa in la innagu soo celiyo ayay ahayd.

Bal u yara fiirso weedhahan ku dhigan buug-yarihii aynu dhallinta u akhriyi jirnay ee Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye. Isaga oo ka hadlaya sharciyadda Dastuurka ee mar kasta dhulka la jiido.

Fariinta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Safxadda 4aad:

“Waxa la caadaystay ku-tumashada xorriyadda muwaadiniinta, iyada oo ay xukuumadda dhaqan u noqtay baal-maridda ku-dhaqanka qaanuunka iyo sharciga. Dastuurkeena ayaa maamulkani si joogto ah u jebiyaa oo uu si badheedh ah ugu tuntaa si uu xukunka u sii haysto.”

Halkii hore ayaynu taagan nahay oo Dastuurkii sidii ayuun baa meel loogaga dhacayaa ee maxaa xal ah?

Mahdi Sheekh

Hargeysa