Madaxweyne i maqal, waa talo qarane! (WQ: Cabdiraxmaan Cali Xirsi)

Mudane Maxadweyne, hambalyo iyo bogaadin iga guddoon. Waxaad maanta madaxweyne u tahay intii kuu codaysay iyo intii kaa codaysayba. Marka koowaad ilaahay kagugu asturo xilka, hakuu fududeeyo isla markaana sida khayr ku jiro ha ku waafajiyo.

Waayeel wax looma sheego, hase yeeshee xasuusin uun bay iga tahay tiiyoo xisbigaaguna kolayba barnaamij lahaa.

Waxaa laga soo baxay olole qabiil ku dhisan, iyo is xulafaysi reeraysan oo dad badani isku seegeen. Waxa lagaaga fadhiyaa inaan dib u midayso shacabkan walaalaha ah, dhan u wada jeediso, u xaqsoorto, isla markaana aad ka fikirto 5 sano ka dib in loo ololeeyo si sidan dhaanta oo aan bulshada kala irdhaynayn.

Waan qirsanay in dad badani kula soo shaqeeyey qofaf iyo qolooyinba waanay mudan yihiin in aad abaal mariso, hase yeeshee qaran kuma dhismayo inaad raali galiso qofaf iyo qolooyintoona. Waan ogay inay xanuun kulushay bilawga, hadiiise aad ku adkaysato; caddaalad samayso; horumarna samayso waa xaqiiqo in layska ilaabayo oo lagugu saamaxayo wanaaga aad wado. Haddiise aad xoorto intii kula socotay deedna aad keento kuwa ka sii liita; hantida umaddana hortaada lagu boobo, waxay noqonaysaa nasiib daro adiga iyo intii kula soo dhimatayba u soo hoyatay. Dadka cadaalad baa deeqda, kuraasiyi ma deeqdo; horumar baa deeqa, ee musuq iyo qof kalidii-haanle ahi ma deeqo.

Sicir barar baahsan baa jira, maciishadu waa qaaliyaa, adeegyadii bulshada sida waxbarashadii, caafimaadkii, korontadii, biyihii iwm oo aan dadka intiisa badan awoodin baa jirta. Bulshadu way sii kala tagaysaa, waxaanad moodaa jeebyare inaanu haysan cid u naxda iyo cid u miciinta toona. Waxaan ku odhan lahaa mudnaan ka dhigo sidii aad u soo kobcin lahayd danyartu inay helaan adeegyo aasaasiya oo ay kala siman yihiin inta ladan.

Waxaan kugula talin lahaa inaad mudnaanta siisid 6-da waaxood ee soo socda oo laga yaabo in mid waliba qaybo u sii qaybsamo oon anigu u arkay inay mudnaan yeelan karaan:

  • Hagista qaranka: hiirgisa, qorshayaasha istiraatijiyadeed, qaab dhismeedka iyo tabo shaqo.
  • Amniga qaranka: gudaha, dibada iyo cuntada ama quudka
  • Dhismaha Bulshada
  • Adeegyada Bulshada
  • Waxsoosaarka
  • Xidhiidhka Caalamka

Hagista qaranka: hiirgisa, qorshayaasha istiraatijiyadeed, qaab dhismeedka iyo tabo shaqo.

Hiigsi, himilo, hadaf iyo qorshayaal lagu hirgalinayo. Waxaa qaran lagu hagi karaa marka loo sameeyo hiigsi iyo himilo ay wadaagaan. Waxay rabaan hadaf la xaqiinayo, iyo hir u muuqda oo loo guurayo. Waa muhiim hogaamiyuhu inuu dadka u jiheeyo meel doog leh, mustaqbal qurux badan, iyo hiigsi naqleh oo qof waliba ay tahay xaqiijintiisa inuu qayb ka qaato. Taa ugama jeedo balan-qaadyada indho-sarcaadka ah ee siyaasiyiintu u sameeyaan shacabkooda, ama si khaldan u wariyaan waxa ay samaynayaan. Waa in hiigsigu ahaadaa mid carinaya maanka iyo muruqa laakiin la samayn karo.

Dhismaha hay’ado qaran oo si wax ku oola u shaqaynaya. Hiigsiga iyo himilada ummada kuma xaqiijin kartid inaad kaligaa shaqayso ama wax kasta qabatid. Waxaad u baahan tahay koox ciyaarta aad isla heshaan oo midiba hawl qaranka u guto. Qaab-dhismeedka dawladnimo wuxuu u baahan yahay waaxo kala shaqo ah haddana himilada guud wada hirgalinaya oo isugu imanaya masuuliyadaada guud. Waxaa ila qurux badan inaad dhisto hay’ado dawladeed oo dadka joogaa ay fahamsan yihiin shaqada loo igmaday iyo siday uga mid tahay dhismaha qaranka ee guud.

Agaasinka iyo maaraynta hay’adaha dawlada ka ilaali siyaasad kana dhig shaqaale dawladeed oo ku yimaada aqoon, karti iyo xirfad ay u leeyihiin shaqadooda. Waxaan ku talin lahaa in Agaasimayaasha Guud iyo kuwa waaxyahaba ay noqdaan kuwa aan la magacaabin ee loo tartamo oo la soo mariyo hay’adda shaqaalaha dawlada, Madaxweynuhuna go’aanka u dambeeya ka qaato inta ugu dambaysa ee isugu soo hadda tartanka. Taasi waxay inoo horseedi kartaa inaynu helno agaasimiyaal aan shaqadoodu ahayn inay reeraha abaabulaan si ay shaqada u sii joogaan, laakin kalsooni ku qaba saqoontooda, xirfadooda iyo waayo aragnimadooda inay ku yimaadeen kuna joogi doonaan.

Fadlan naga ilaali wasiiro ama hawl wadeeno u haysta hay’adda ay maamulayaan meel ay leeyihiin ama laba hay’adood oo TV yada ka murmaya sidii oo ay ka kala tirsan yihiin laba dawladood. Tirokoob ku samee hantida masuuliyiinta imika ay haystaan si loola soconkaro dhaqdhaqaaqa hantidooda. Siyaasad cad oo adag ka qaado musuq-maasuqa, hana aqbalin in hantida ummadda in yari ku tagri fasho.

Waxaan kugula talin lahaa inaad dhistid dawlad kooban, oo tayo leh. Kooban waxaan uga jeedaa ku kooban inta aasaasiyaadka ah ee qaranku u baahan yahay iska la markaana qarash ahaan uu qaadi karo. Iska ilaali inaad abuurto hay’ad ama wasaarad si aad u raali galiso qof, reer ama koox. Xilal la abuuraa xal maaha ee shaqooyin abuur si dadku u kala shaqo tago. Adigoo kolayba maskaxda ku haya qaabka aad rabto waxaan kuu soo jeedin lahaa lahaa sidaan kuu soo jeedin lahaa:

  1. Wasaarada Waxbarasharada, Barbaarinta iyo Tacliinta Sare
  2. Wasaarada Dhalin Yarada, Ciyaaraha, Dalxiiska iyo Dhaqanka
  3. Wasaarada Qorshaynta, Isu-duwida, iyo xidhiidhka caalamiga ah
  4. Wasaarada Arimaha Gudaha, Amniga iyo Dawladaha Hoose
  5. Wasaarada Ganacsiga, Maalgashiga, Warshadaha iyo Suuqgaynta
  6. Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah
  7. Wasaarada Caafimaadka
  8. Wasaarada Biyaha, Tamarta, iyo Macdanta
  9. Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda
  10. Wasaarada Xanaanada iyo Horumarinta Reermiyiga
  11. Wasaarada Beeraha iyo Ilaalinta Deegaanka
  12. Wasaarada Gaashaandhiga
  13. Wasaarada Cadaalada, Garsoorka iyo Arimaha Distuurka
  14. Wasaarada Diinta iyo Awqaafta
  15. Wasaarada Aabaabulka Bulshada, La dagaalanka Qabyaalada iyo Wacyi Galinta
  16. Wasaarada Adeegyada Bulshada iyo Shaqada iyo Shaqaalaha
  17. Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyaynta, Iyo Gaadiidka
  18. Wasaarada Cilmi Baadhista, Technology-yada, isgaadhsiinta iyo Hal-abuurka

Waxaa soo mataanaynaya wasaaradaha wakaalado iyo hay’ado madaxbanaan sida: Wakaaladaha Biyaha, Korontada, Dhuuniga, NHPC (National Health Professional Council) , Taakulaynta Agoonta iyo Caruurta Dayacan, ilaalinta Tayada, Diiwaanka Sakada, Fatwada iyo wacyi galinta, tacliinta sare, Maamulka iyo tayaynta shaqaalaha dawlada, Suuqgaynta, iwm.

  1. Waxaasaradihii lakala falkiyay iyaan ku taliyay is u ururiyay wixii aan is idhi way is qaadan karaan. Si ka fiicana waa loo dhigi karaa. Waxaa kalo ku cusub dhowr shay sida: a) Suuqgaynta oon uga jeedo in qarankan magaciisa, istiraajiyadiisa, khayraadkiisa, waxsoosaarkiisa, dadkiisa wax bartay iwm loo bandhigo ummadaha kale si loo fahmo muhiimadeena. Wasaarada Ganacsiga Ayaan hoos geeyay, hay’ad madax banana oo u gaarana waa oo samayn kara. b) Arimaha Distoorka oo markii hore meel cad ku qornayn, marka laga tago Maxkamada Sare, waxaan ku daray Wasaarada Cadaalada, Garsoorka iyo Arimaha Distoorka. c) Wasaarad cusub baan soo jeediyay oo ah Abaabulka Bulshada, La Dagaalanka Qabyaalada iyo Wacyi Galinta. Wasaaradani waa ila muhiim si ummaddeena aan uga dhigno kuwa wacyigoodu sareeyo, wax wada qabsada, isku kalsoon, qabiilka ka xorooba, oo wadanid leh. Wasaaradani waxay abaabulaysaa Iskaashatooyin si dadka isku wax qabtaaba ay isu kaashadaan iskuna qolo u noqdaan. d) Wakaalada dhuuniga iyo Quudka (Feeding Somaliland). oo ah wakaalad ay tahay inay hubiso sidii cunto inagu filan aan u soo saari lahayn si aan uga maarano baryada joogtada ah isla markaana u hubin lahayn in dadkeenu aanu baahan haddiiba marinada biyuhu xidhmaan. Waxaa kaloo ay tahay inay dadka baraan isticmaalka wax soo saarka dadlka iyagoo wacyi galin iyo tababaro u samaynaya dad waynaha. Waxa laga rabaa muddo 3 sano ah gudahood inay hubiyaan in dalku soo saarayo raashin dheeraada oo laga iibiyo UN-ta iyo dawladaha jaarka.

Maamulka Dhaqaalaha. Waxaynu ognahay inaan horumar la samayn Karin dhaqaale la’aan. Had daba, dhaqaaluhu wuxuu u baahan maamul wanaagsan oo ka hawl gala samayntiisa, soo ururintiisa, ilaalintiisa, tarmintiisa iyo tashiilkiisa. Maamulka maaliyadu wuxuu ka bilaabmaa xisaabtan cad, amaano iyo cawaaqib la mariyo ciddii ku kacda lunsi hanti dad wayne.

Cashuur la kordhiyo kaliya dhaqaale laguma samayn karo. Waxa loo baahan yahay maalgashi gudeed iyo mid dibadeed, kobcinta ganacsiga iyo wax soosaarka, iyo in caqabadaha laga horqaado sidii dhaqaale ku samaysmi lahaa. Wadan aan lahayn Bangi Dhexe iyo kuwa ganacsi side loo filayaa inuu horumaro? Waayo dadku ma haystaan maalgalin iyo inay helaan fududayn dhinaca dhaqaalaha ah. Waxaan ognahay in baayacmushtar kii aan la lahayn geeska sii yaraanayo caqabado xagga xuduudaha ah daraadeed. Waxaa kaloo aan ognahay inaanay jirin “ilaalinta tayada” iyo “halbeegyada” (quality control and standards) oo umadaha kale ku aaminaan alaabteena iyo wax soo saarkeena sida khayraadka dabiiciga ah iyo waxsoo saarka warshadaheena. Waxaa kale oo jirta inaanay jirin cid hagta maalgashadayaasha dalka iyo dibada ka imanayaba oo u tilmaanta meelaha fursaduhu ku jiraan. Waxaynu u baahanay inaan soo jiidano indhaha wadamada jaarka ah oo aan ahaano meel laga adeegto oo umadaha kale wax u fududaysa.

Waxaan muhiima in dekedaha, madaarada iyo marinada alaabta iyo dadku isaga gooshayaan adeegooda la tayeeyo. Taasi waxay u baahan tahay iskaashi caalamiya iyo mid gobolka ahba si ay u suuro gasho inaan ahaano marin ama meel laysugu yimaado (hub). Si taa loo hirgaliyo waa inaan hiigsanaa in la helo maalgalinta wadooyin casriya, qalab talo leh iyo shaqaale tababaran.

Waxa loo baahan yahay tashiil iyo in xoolaha qaranka loo isticmaalo si macquula. Madaxweyne waxaa lagaaga baahan yahay sidii Cumar Bin Khadaab inaad tidhaa “halkay kaaga timi hantidani” ood xisaabiso masuuliyiinta aad diratay.

Amniga qaranka. Amniga qaranku waa muhiimadda koowaad ee laguu doortay. Waxaa laga yaabaa in amni marka la yidhaa laga fikiro uun ciidamada kala duwan iyo siday amniga u sugi karayaan. Haa waa mid wayn laakin amnigu wuxuu ka bilaabmaa caddaalada, markaasaa sidii Cumar Bin Khadab Madaxweynhu aanu u baahanayn in dadkiisa laga ilaaliyo. Tiiyoo cadaalada la sugay haddana waxaaa jira cadaw dibadeed iyo guddeedba oo u baahan in laga gaashaanto.

  1. Mudane Madaxweyne, nin gabyay baa yidhi “rag cadaalad waayaa sidii Cawsha kala yaacy”. Caddaaladu waa xadhiga isu haya bulshada iyo xukuumadooda. Waa ta keenta in la aamino madaxda, iyo dawladnimada. Waxaan qabaa haddii cadaalada la sugo in qofku aanu u baahdeen reerkooda ee uu aadi lahaa hay’adaha dawlada u qaabilsan arimaha cadaalada. Caddaaladu lama mid aha sinaansho, laakiin waa inuu qof waliba helo wuxuu xaq u leeyahay. Waad khaldami kartaa laakiin Waxaa muhiima inaad dadaasho, isla markaa il gaara u yeelato hay’adaha garsoorka, iyo cadaalada.

Sharciga ilaahay mid ka cadaalad badani ma jiree maxkamadaheena ka qaad xeerarka aadmigu sameeyey kuna badal xukunka kitaabka allah iyo sunadiisa. Kusoo celi sidii ay ahaan jireen maxkamadaha islaamku qaar ku caana cadaalad iyo qarsoon toosan.

Jeelashu yaanay noqon meel u samaysan cabudhinta dadka, dulmiga iyo dulaynta. Waa inay noqdaan meel qofka galaa ay tahay inuu mutaystay, dambina lagu soo oogay. Jeelashu waa inay noqdaan meel qofka xidhani ka soo barto akhlaaq, diin, aqoon iyo xirfad ee aanay noqon meel uu ka soo barto Tabaha wax loo xado, sida wax loo dilo, daroogada halka laga helo iyo dhaqanada xun xun. Waa in loo sameeyaa wacyi galin, la talin, tababar, iyo dhaqan celin. Maaha in caruurta iyo da’yarta lala xidho dambiilayaal falal waweyn soo falay si aanay uga baran. Dhaqan celiska waa in loo sameeyo jeelal u gaara. Dumarka waa si gaara loo daryeelaa intay xidhan yihiin oon lagu tacadiyin sharaftooda iyo dumarnimadooda.

Walaw ay in badan xaliyaan hawlaha dhaqanka ah odayaasha iyo cuqaasha beeluhu hadana marar badan baa qof xaqiisa loo duudsiyaa xeer laba qabiil ka dhexeeya ama raacista dhaqanka. Waxaan soo jeedin lahaa in qofka muwaadinka ah la siiyo fursad uu xaqiisa ku raadsado oon ahayn ta xeerka qabiilka haddii ay qancin waydo, isla markaana aanu ugu khasbanaanin odayaasha reerka. Way fiican yihiin waanan ku amaanayaa inay marar badan xaliyaan wax aan dawladu xalin Karin, haddana xaqa qofka marar badan baa lagu lumiyaa xeerka qabiilka raacistiisa.

  1. Amniga gudaha iyo dibada. Inoo adkee amniga qaranka, ciidamaha daryeelkooda xoogi, tababarkooda tayee, niyadooda iyo mooraalkoodana dhis. Taasaa lagu helaa qaran ilaashan kara xuduudihiisa. Ciidamada caruurtooda iyo xaasaskoodu waa inay helaan daryeel gaara sida guryo ay dagaan, laydh, biyo iyo waxbarasho bilaasha maadaama mushaharkoodu aanu buurnayn.

Ciidamada intii karaana ka ilaali isticmaalka qaadka, una samee habab xoogoodo iyo wakhtigooda loo mashquuliyo sida farsamooyin ay qaranka ugu shaqeeyaan oo wax soo saar leh.

Ciidamada booliska ee kala duwan waa inay ahaadaan saaxiibka dadweynaha sida ku qoran hal ku dheg yadooda. Tababar dhinaca ilaalinta shacabka ah ayay u baahan yihiin. Waxaa daruuri ah in aad loogu tababaro sida rabshadaha looga hortago isla markaana la siiyaa qalab ku haboon, haddii kale sida ay imika yeelaan waxay isticmaali doonaan uun rasaas nool. Waa sababta haddii mudaharaad yare dhaco dad inooga dhinto.

  1. Amniga quudka iyo cuntada (food security). “Ninka ku quudiyaa, wuu ku maamulayaa” waxaa sida yidhi Sankara oo mar xukumi jiray Burkino Faso. Waxaa laga yaabaa inaan qodobkan laba dareemin oon loo arag muhiimad. Amniga quudka iyo cuntadu waa muhiim haddii la rabo in qaranku isku filaado oo noloshiisa maamusho. Inta badan waxaynu cunaa waxay ka soo dagaan dibada, waxaana qarankaa macaluul ugu filan haddii marinka baddu istaago. Waxaa lagaaga fadhiyaa inaad keento nidaam dadkani u noolaan karo, cuntana u heli karo iyadoon dibad waxba laga keenin. Taasi ma hawl yara, laakiin waxay u baahan tahay maalgalin, wacyigalin, iyo in bulshada ay ku qayb qaadato.

Waxaad ogaataa inaanu jirin ama ku yar yahay siidhkii dib u abuurmayay oo dalka laba dabar jaray. Waagii hore beeralaydu waxay la hadhi jireen shini, laakiin caawimo badan oo siid ah oo la keenay dalka waxay keentay inuu sal-guuro midhihii siidhka loola hadhi jiray. Inoo samee kayd see (seed bank), waayo waxba tari mayso wax soo saar aanad haysan siidhkiisa.

Waxaan kugula talin lahaa inaad samayso hay’ad qaranka u qaabilsan cuntada iyo quudka sida ta maraykanka ee la dhaho “Feeding America”.

Dhismaha Bulshada. Laga soo bilaabo 1960 dawladihii dhismay iskumay mashquulin in bulshada garaadkeeda, wacyigeeda, xirfadaheeda shaqo, akhlaaqdeeda, qiyamkeeda, diinteeda, iyo dadnimadeeda kor loo qaado. Marnaba dawladu umay noqon wax u badala wixii ay ku dhaqmi jireen ee ahaa qabiilka. Dawladu marna umay noqon wax uu qofku kaga maarmo qabiilkiisa marka la eego amnigiisa shakhsiga ah iyo ka maalkiibada. Sidaa daraadeed dadku waxay cuskadeen qabiil iyo qabyaalad.

Sidaan halka hore ku soo sheegay inoo astee wasaarad qaabilsan dhismaha bulshada, la dagaalanka qabyaadada iyo wacyi galinta bulshada taasoo ay wada shaqayn lee yihiin Hay’adda Culimadda ama Fatwada, wasaarada waxbarashada, wasaarada dhalinyarada, wasaarada arimaha gudaha, Wasaarada Diinta, ciimadamada amaanka gudaha iyo cidii kale ee toos bulshada xidhiidh ula leh. Dhiiri gali barnaamijyo ula kaca oo loogu talo galay in kor loogu qaado akhlaaqda wanaagsan, ku dhaqanka diinteena suuban, kobcinta wadaniyada, wax wada qabsiga, iskaashiga iyo kor qaadista wacyiga shakhsiga ah ee ku aadan siday dawladu ugu tahay tol iyo miciin.

Dhiiri gali in dalka laga sameeyo iskaashatooyin, ururada bulshada oo ku salaysan intii isku xirfad  ama shaqo ah oo awood leh. Haka baqan isu imaatinkooda, una arag fursad aad si togan wax ugu badali kartid. Dadka haddii ay noqdaan danlay ama dad u fikira danahooda iyo waxa anfacaya Waxaa yaraan lahaa ku tiirsanaanta qabiilka. Ururadahan iyo iskaashatooyinku waxay bari lahaayeen dadka siday mashaakilkooda u xalin lahaayeen iyagoo laamaha dawlada ee ay khusayso maraya.

Adeega bulshada. Bulshadu waxay kaaga fadhiyaan inaad siiso, u hagaajiso una tayayso adeegyada bulshada. Waxaan ognahay muwaadin kastaa inuu xaq u leeyahay inuu caruurtiisa u helo waxbarasho. Sidoo kale caafimaad tayo leh, biyo nadiifa, fayo dhowr guud, tamar (mid la ifsado iyo wax lagu karsadoba), iwm helo.

Waxaan ognahay in bulshada danyarta ahi aanay helin waxbarasho tayo leh laga soo bilaabo malcaamad quraan ilaa Jaamacad. Qofkii lacag badan haysta ayaa maanta dalka ilmihiisa wax fiican bari kara diin iyo maadiba.

Waxaan kaloon ognahay sida loo bayacmushtareeyey caafimaadkii ee dakhtarku uu leeyahay shaybaadhkii, farmasigii, waadhkii, iyo qalabkii baadhitaanka ee kale oo uu qofka u furanayo xataa haddii aanu u baahnayn. Waxaa loo baahan yahay caafimaad dawladu tahaysay iyo rugaha caafimaadka ee gaar loo leeyahay oo si adag loo kaantaroolo. Waxaa loo baahan yahay dakhtar kasta, iyo qof kasta oo xirfadle caafimaad ahi inuu ka hawl galo goobaha caafimaadka ee dawlada wakhti ka mida wakhtigiisa, laguna daba galo. Waxaa kasii daran dakhaatiirta dibada een cidina hubin waxay yihiin ee dalka ku soo qulqulaya ee maalin walba la xayaysiinayo.

Biyo la’aantu waa mid ku baahsan dalka miyi iyo magaalaba. Magaalada dalka ugu way ee caasimada ah 40% ayaa biyo  suququle hela inta kale booyadu aan la garanayn sixada biyaha ay wadaan ayaa u dhaamiya. Fadlan biyo u doon caasimada iyo magaalooyinka kale ee dalka, kuna dadaal inta yar ee jirta inaad cadaalad ugu qaybisid. Sanadkasta jiilaalka waxaa soo yeedha qaylo dhaan meelo badan ka timaada oo biyo la’aan daaran. Faodlan miyiga u samee qorshe biyo lagu heli karo gu’iyo jiilaalba.

Waad la socotaa sanadkasta biyaha circa ee aan cidina ka faa’iidaysan ee badda gala. Daamam iyo biyo xidheeno casri ah baa loo baahan yahay si aynu uga faa’iidaysano khayraadka cirka.

Wax soo saarka. Umaddan u hag inay xoogga saaraan wax soo saarka iyo ka faa’iidaysiga dhaqan-dhaqaale ee dalka. Dalkeenu wuxuu hodan ku yahay dhowr shay oon cidina wada helin: xoolaha, beeraha, khayraadka badda, macdanta iyo cimilada.

Qaabka xoolaha loo dhaqayay uma eeka inuu sii waarayo. Waxaan ku talin lahaa in lagu dhiiri galiyo ganacsatada iyo maalgashadayaasha in la sameeyo xeryo xoolaha lagu xanaaneeyo (animal farms). Waxaa looga faa’iidaysan karaa in lagu tarmiyo xoolaha, lagu naaxiyo, caafimaadkoodana lagu sugo. Waxaa kaloo looga faa’iidaysan karaa in laga soo saaro caano taas oo horseedi karta inaan ahaano dal caanihiisa ku filan, isla markaana dhoofiya.Waxaa kaloo suuro gal noqonaysa inaan caanaha ka samayno waxyaalo kale.

Beeraha laga ganacsadaa waxay keeni karaan horumar wayn waayo imika sida ay u jiraan waa intii qoyska ku filayd uun ama wax yar soo dhaafa (subsistence farming). Waxaa loo baahan yahay in beeraha sida casriga ah loo beero, isla markaana maalgalin lagu sameeyo. Si ganacsatadu u danayso oo u aragto inay ka faa’iidayaan, waxaan soo jeedin lahaa in marka hore dawladu bilawdo iyadoo ka faa’iidaysanaysa ciidamada kala duwan, iskaashatooyinka beeralayda iyo wasaarada beeraha. Kudradda inteeda badan waxaa laynooga keenaa wadamada jaarka ama kuwa fog fog sida China oo kale. Waana hubaal inaan beeran karno isla markaana dhoofin karno haddaan baahideena ku filaano. Nidaamyada casriga ah ee beeraha loo sameeyo inoo soo waarida, waana hubaal inay dalkeena wax fiicani ka baxayaan. Tusaale waxaa inoogu filan beerta xarunta aqoonta ee Kuwaytiga ee bariga Hargaysa. Waxaan u baahanay in dalaga inoo soo go’aa yeesho tayo fiican oo saamaxaysa inuu la tartamo kuwa ka imaanaya meelaha kale isla markaana uu awood u yeeshaa inuu suuq yada caalamka ka iib baxo.

Kaluunka iyo khayraadku baddu waa wax ilaahay inagu galaday laakiin aan ka qatanay ka faa’iidaysigeeda. Xeebaheena waxaa ku jira boqolaal maraakiib iyo doonyo shisheeye oo guranaya khayraadkeena. Tamartii iyo tabtii lagula soo bixi lahaa baad moodaa inay inagu yar tay. Waxaan odhan lahaa xoogga hala saaro tiiyo dawladda iyo ganacsatadu iska kaadhanayaan kobcinteena (public and private partnership). Waa in la sameeyo halbeeg caalamiya oo tayada kaluunkeena iyo khayraadka kale ee badda lagu eego si ay suuro gal u noqoto in loo iib geeyo suuqyada caalamiga ah ee dalalka jaarka iyo kuwa shisheba.

Macdanta iyo khayraadka ku duugan dalkan waxaa fiican in la daraaseeyo oo loo soo bandhigo cidii ka faa’iidaysan karta oo aanay noqon shirkaddo maafiya ah oo inasii dilaalaya hadhawna meel ay jaan iyo cidhib dhigeen la waayo. Waxaan qabaa in khayraad badan ku duugan yahay dhulkan oo uu ka mid yahay batroolku. Kaliya in si fiican loo daraaseeyaa waxay keenaysaa in aan ku talo galno maxaan imika la soo bixi karnaa iyo maxaan ar dambe u dhigan karnaa.

Warshadaha yar yar ama kuwa casriga ahba in la abuuraa dalkeena ma hawl yara. In badan oo la sameeyey way xidhmeen duruufo awgeed. Waxaa kamida koronto qaaliya, biyo la’aan, shaqaalo xumo ama xirfad la’aan, iyo ta u daran oo ah inay la tartami kari waayaan alaabta la mid ka ah ee lagu soo sameeyey dibada dhinaca qiimaha. Waxay u baahan tahay siyaasad cad oo lagu kobcinayo warshadaha isla markaana lagu hubinayo wax soo saarka dalku inuu hirgalo.

Xidhiidhka Caalamka.

Xidhiidh nabadeed, mid horumarineed iyo mid wax wada qabsi inaynu dunida la yeelano aad bay iila quman tahay. Maaha inaynu ahaano dad baahan oo wixii la siiyaba qaata, deedna wixii la waysiistaba fuliya. Waxaan u baahanay inaan yeelano qorsheyaal aan kula macaamilayno dunida inteeda kale, ee maaha inaynu ku shaqayno qorshe laynoo sameeyey. Waxaynu u baahanay inay abaabulo maskaxdeena, maankeena, muruqeeda, iyo maalkeena si aynu u noqono dad mustaqbalkooda u taliya ee aan loo talinin. Marka aad xilka la wareegto waxaad dareemi doontaa inaan maamulayso dal cid kale majaraha u hayso. Ha niyad jabin. Ku talo gal in aad wax uga badasho si si yar waayo way adagtay sunne soo jiray dhow iyo labaatan sano inaad maalin ku badasho. Quus kuguma ridayo, laakiin waxaad imanaysaa dal wasaarad kastaa shayga ugu yar ka sugto beesha caalamka. Waxaad la wareegaysaa dad uu dishooday u hanqal taaga waxaa ku jira gacan kale oon isku tashiga lagu soo tababarin. Waa sababta aan jecelahay inaad golahaaga ku soo darto dad cusub oo aan ku soo macaamilin sidan. Dibu xorayn xagga fikirka ah ayuu dalkani u baahan yahay, iyo madaxda dawlada in lagu abuuro qabkii, iyo haybadii dawladi lahayd.

Dalku wuxuu u baahan yahay Wasaarad Arima Dibadeed oo taaba-gal ah dadka ka shaqaynayaana yihiin mudakar wax fahamsan. Waxaan kaaga digayaa inaad shaqaalaysiiso dad u shaqeeya dawlado kale, ama ururo kale oon fulinayn danta qaranka. Waxa loo baahan yahay dad iibin kara qadiyada qarankani ku doodayo, wada xaajood gali kara, qarnaqsan kara, wax garawsan kara, isla markaana keeni kara lib iyo guul.

Dalkani wuxuu u baahan yahay inuu ahaado muhiim si indhaha caalamka uu u soo jiito, looguna xisaabtamo. Wuxuu u baahan tahay saaxiibo iyo xulafo ku danaynaya. Wuxuu u baahan yahay is kaashi iyo wax wada qabsi dawlaha jaarka, kuwa carabta iyo kuwa kaleba.

Waxaa loo baahan yahay in laysu dheeli tiro kala duwanaanshaha danaha dawlaha inagu xeeran sida Ethiopia iyo carabta oo kale. Waan u baahanay labadaba, Iyana way u baahan qarankan, laakiin siideebaynu isugu wadnaa ayaa muhiima oo aynaan midkoodna sallaan ugu noqon.

Gabagabo. Mudande Madaxweyne, cadaalada ogoow, dadka u xaqsoor intii karaankaaga ah, dhiiranaw oo haka baqin ka hor imaadka is-bedelka, ku adkayso, isla markaana soo celi hankii iyo haybadii ay lahayd dawladnimadu. Dalkeena hubi inaan inagu maamulayno, horumarkiisa iyo hiigsigiisa iyo hodanimadiisa ka shaqee. Dadka iso soo ururi, walaalnimada iyo wadaniyada bar. Xil ma deeqsiin kartide, shaqooyin badan abuur. Hantida qaranka tashiil si shilin kastaa inoogu galo meel wax ina taraysa. Mamnuuc baabuurtan raaxada ee qaaliga ah marka laga reebo in kooban oo loo isticmaalo munaasibaadka. Wasiirkada iyo shaqaalaha dawlada haka dhigin wakiilada qabaa’ilka. Shaqaale dawladeed ha noqdeen.

Ugu dambayn allaha awooda lihi hakuu fududeeyo hawshaa wayn, iyo xilkaa culus ee xadaafiirta badan. Ilaahay hakaa dhigo if kana magac u sameeya ummaddan, aakhirona ku jano taga.

  1. Fadlan gaadhsii Madaxweynaha haddaad tahay inta ka ag dhow oo aad maqaalkan aragto. Laga yaabee inuu wuxuun ka faa’iido’e.

buraale10@hotmail.com