Haddii ay dhici lahayd in Soomaaliya qayb ka tahay heshiiska Berbera, Somaliland maba ay jirteen (Rashiid Odowaa)

Arrinta ka soo baxday wasiiru dowlaha imaratka carabta waraysigii uu siiyay BBC al carabiya ayaa dadka reer Somaliland iyo Somalida kaleba ninba sida uu isagu jecel yahay u macnaystay,waxa meesha ka soo baxday in dad badan oo Aqonyahan iyo madax Xisbiba lihi ay markiiba  yidhaahdeen maxaanu sheegaynay oo iyagoo aan sugin jawaabta ay xukuumadda Somaliland ka bixindoonto ama aan hubsanin kula yaacay warbaahinta iyagoo ceebayn iyo xag xagashona raaciyay.

Haddaba Suaasha is weydiinta mudani maaha Heshiiska Dekedda BER BERA iyo sida la innooga badsaday sidoo kale maaha Qoraalka Barlimanka la keenay ee loo Codeeyay heshiis sax ah muu ahayn iyo wuu ahaa wuxuu ahaaba lagu qaaday saxeexiina lagu Duug warbaahintana kaga dheregnay maqal iyo muuqaal in DP world ay leedahay 51,Somaliland 30 halka Ethiopia la siiyay 19 waa heshiis cad oo biyo kama dhibcaan ah Ciddii dood ka qabta eel eh waa la inagu yara Ciiray waa halkeeda,

SOMALILAND MA FULIN KARTAA HESHIIS AY SOMALIA SOO SAXEEXDAY,

Muwaadinka reer Somaliland ee og in Somalia aynu kala Go’nay ee u war haya taariikhda madow ee la soo kala maray iyo waxa maanata taaganba  ee u Riyaaqaya ama jecelba in heshiiska Somalia ay saxeexday laga fuliyo Somaliland gudeheeda ee waliba Aqoon yahan sheeganaya khalad ayuu ku jiraaye ha isku noqdo.

Sababtu waxay tahay Xukuumad Somaliland ka dhisan horrayso iyo danbayso midna lagama filayo ama kuma dhici karaan inay Somalia Wax ay saxeexday la yimaaddan Golaha oo Xukuumadda Somaliland u noqoto Somalia shaqaalihii howsha u fulinayay ama ka amar qaadanayay haddii ay taasi dhici lahayd xaalku si kale ayuu u eekaan lahaa oo maanta aan la saadaalinba Karin.

HADALKA WASIIRU DOWLAHA IIMAARATKA CARABTA.

Runtii waa hadal diplomasiyad ku dheehan tahay oo uu gaashaan kaga dhiganayo eed uga iman lahayd Bulshada jaamacadda carabta oo ah ma halkii aad Somalia ka dhisi lahaydeen ayaad idinku bur bur ku ridaysaan halkaasna eedda burburka Somalia dhabarka loo saaro waddanka Iimaraadka carabta,Sidaas oo ay tahay haddana wax been ah mabuu sheegin ee wuxunbaa said ah ama ay dadku ka wareereen Somalia is faham ayaanu ka yeelannay arrinka Dekedda BER BERA is fahamka iyo heshiiska la wada galaana wuu kala duwan yahay oo go gortan iyo baayactan iyo fagaare cad ayaa wax lagu kala saxeexdaa.

Hadalka diplomasiyadda maaha mid loo tarjumo sida macaan ee uu afka uga soo baxayo wasiiru dowlaha iimaaratka (Anwar Gargaash)haddii uu hadal macaan ku seexiyay Somalia iyadoo xaaladoodu halkii ugu xumayd marayso oo xataa passportkii somaliga loo diiday fiisaha.maaha in markiiba lala boodo.

Waxa dhacda laba dal oo barri weerar isku soo qaadaya oo xadka ciidamada soo dhigay inay markay wada hadalka isku af garan waayaan haddana madaxdoodu isa sii gacan qaadaan oo is dhunkadaan iyagoo leh(Waan ku faraxsanahay inaanu idinla kulanno)

MAXAY SOMALIA U DACWAYNAYSAA IIMAARATKA CARABTA.

Waxa la wada ogsoon yahay in Somalia iyo Iimaaraatku isku seegeen arrinka heshiiska dekedda BER BERA oo ay Somalia ku dacwoonayso madax banaanidii Somalia ayaa lagu soo xad gudbay oo wadanka waxa kala jaraya Carab iyo Iimaaraatka carabta waxa kaloo cad in Xasan sheikh maxamud oo ahaa Madaxweynihii Somalia ee ka horreeyaya farmaajo uu waraysiyo uu bixiyay uu ku diiday inaanu jirin wax heshiis ah oo uu ogyahay ama la hor horkeenay ama uu saxeexayba,xalay oo bishu ahayd 20/04/2018 ayaa wasiirka arrimaha Dibadda ee Somalia ka diiday BBC awarysi ay la yeelatay oo ay yidhaahden wax ma ka ogaydeen heshiiskaas.

Waxaynu ognahay in Somalia ay caawimo badan oo ay u baahnayd ay ku waayayso dowladdii iimaratka ee mudada dheer caawinaysay waxa ay isku seegeen uu yahay Maxaad Somaliland u maalgashateen oo keliya.

SOMALIA HADDII AY HESHIISKA QAYB NOQON LAHAYD WAXAY U NOQON LAHAYD GUUSHII QARNIGA,

Somalia oo diidan go’I taanka Somaliland haddii heshiiskaas ay qayb ka ahaan lahaayeen waxay u noqon lahayd Guul aad u wayn oo Diplomasiyadeed waxayna waxba kama jiraan ka dhigi lahayd Somaliland waxana hubaal ah in maalin kasta ay ku faani lahaayeen kuna bahdili lahaayeen Somaliland shacbiga Somaliland iyo Xukuumadooduna halkaas ayay ku kala dhiman lahaayeen.

SHURUUCDA CAALAMIGA AH SIDEE AYAY KA NOQONAYSAA ARRINKA HESHIISKU.

In kastoo aan la aqoonsan Somaliland haddana taas macneheedu maaha inaanay Xuquuq lahayn ama la cabudhin karo ama loo diidi karo horumarkeeda iyo waxa ay qabsanayso,Sideedaba haddii dal heshiis lala gelayo waxa loo eegayaa uun heshiiskaas ma ka soo bixi karaa sidoo kale haddii waddan la qiimaynayo waxa lagu qiimeeyaa afarta qodob ee Montvedio Convention oo ah (1)dhul iyo xad (2)dadweyne camira (3 )Xukuumad ka talisa iyo (4)ma leeyahay awood uu ku fuliyo heshiiska uu saxeexo,

Sidaas darteed marka laga tago xishoodka ay muujinayso dowladda iimaaraatku ee ah annagu ma kala goynayno Somalia.haddii ay dhaafto halkaas sharci caalami ah oo maalgashi iyo Horumar umadi leedahay diidayaa ma jiro.

SOMALIA HADDII AY HESHIISKA SAXEEXDO MA FULIN KARTAA.

Haddii sida ay dad badani qabaan Somalia saxeexdo heshiiska dekedda Ber-Bera halkee ayay ka fulinaysaa markaas,heshiiska ama maalgashigu waa dhaqaale ay shirkadi bixinayso ama Xukuumadi ma Cidla ayay ku daadin karaan Maalkooda.heshiiska qalinka lagu saxeexayo iyo hadalka macaan waxa la rabaa oo daba taalla fulintiisii haddaba dadku miyaanay is weydiinayn haddii uu madaxweynaha Somalia saxeexo xaggee ayuu ka fulin karaa,

GUNAANADA IYO GABO GABO

Muwaadinka reer Somaliland maaha wadaniyaddu caynkaas haddii xukuumadda jirta aanad taageersanayd waddankaaga taageerada ha kala noqon oo ha noqon qof faafiya Brobagandada cadowga Somaliland waayo Brobagandadu waa qayb ka mid ah dagaalka wadanka lagu soo qaado,

Waxa kaloo in muwaadinku u baahanyahy inuu dareensanaado Somalia iyo Somaliland waxa la isku hayaa ee loo Beretamayaa waa ma jirtid iyo waan jiraa side ayaad ugu qanci kartaa in cidda aad is hayseen aad fursad u siiso inaad isu dhiibto,maxaase ay Somalilan in kabadan 40 sannadood halganka ugu jirtaa ma in Somaliland looga taliyo Xamar maxaa markaas la isu daalinayay ka fikir oo miisaan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Rashiid Odowaa

Khadarsalaan @gmail.com

063-4101213