Ololihii doorashadii madaxtooyada Soomaalilaan 2003-dii ayuu Madaxweyne Riyaale ku hakaday Caynabo. Nin waayeel ah ayaa ka soo orday isaga oo ku qaylinaya โ Madaxweyne ma kuu faaliyaaโ. Madaxweyne Riyaale wuu iska indha-tiray. Ninkii ayaa qayladii joojin waayey. Madaxweyne Riyaale ayaa askartii ku yidhi waar soo daaya odayga. Madaxweynihii markuu is hortaagay ayuu ku yidhiโ madaxweyne faalka ma kuu rogaa, inaad doorashada ku guulaysanayso iyo in kale.
madaxweyne Riyaale oo ka xishooday inuu odaygaasi weyn ku yidhaado maya ayaa ka aqbalay. Odaygii ayaa tusbax uu sitey dhawr jeer rogrogay, wakhti ilaa toban daqiiqo ku siman. Odaygii intuu kor u eegay madaxweyaha ayuu ku yidhi โ Madaxweyne horta Axmed Siillaanyo adiga ayaa ka guulaysanaya. Laakiin waxaad kaga guulaysanaysaa cod tiro yar oo faro-ciddideed ahโ. Madaxweyne Riyaale waa kii Axmed-Siillaanyo kaga guulaystay 80 cod.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Tixraac: Amb. Xuseen Cali Ducaale โ Cawilโโฆโฆ.Raad-Raac Taariikh Soomaaliyeed. V.2