Madaxweyne talo nasteex u ah dalka iyo dadka ayaan kuu haynaa… (W.Q. Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleeye)

Bisha Ramadaan fadaa’il badan ayey leedahay oo ay ka mid yihiin inay tahay bishii Ilaahay soo dediyey Qur’aanka kariimka, oo ah  acmaasha bishan ummada islaamku ku camirayso akhriskiisa iyo barashadiisaba.

Ilaahay waxuu Qur’aanka kariimka inoogu sheegay in waxa ugu horeeya ee ummadu inay  fuliso tahay salaada, marka ay hantaan dhulkooda, isla markaana waa camalka ugu horeeya ee qofka laga xisaabiyo aakhiro, oo hadii ay u hagaato, dhamaan camaladiisu hagaagayaan, hadii ay xumaatana dhamaan acmaashiisu la xumaanayaan, ilaahay ha inooga dhigo kuwa salaadoodu u hagaagtee.

Diinteenu waa nasteex ayuu macnaha xadiis nebigeenii Maxamed CSW sheegay ahaa, markii la weydiiyeyna waxuu raaciyey, waxay u tahay, Ilaahay, Rasuulkiisa, madaxda iyo raciyadooda, taasoo loo baahan yahay in qof walba waajibka ka saaran ka soo baxo

Si aynu acmaal wanaagsan ugu camirno bishan barakaysan ee Ramadaam oo weliba aynu ku jirno maalmahii ugu dambeeyey, uguna qaalisanaa ee habeenkii Layla’tul qadarku ku jiro, waxa loo baahan yahay inaynu isku boorino ku dedaalka camalada wanaagsan ee ilaahay inoo dhoweynaya.

Dadkeenu baddi marka la yidhaahdo shaqo ayaa banaan wuxuu qof walba diyaarsadaa aqoontii iyo khibradihii shaqadaa uu ku heli lahaa, balse waxaad moodaa inaanu qofna ka fekerin inuu aqoontiisa iyo khibradihiisa ku darsado, hadaan la weydiin xitaa aqoon adduun iyo aakhiraba wax weyn u tari lahayd oo ah aqoonta diinta iyo Qur’aanka kariimka.

Haddaba, tallo nasteex ah oo adduun iyo aakhiraba waxtar weyn u leh Madaxweynahaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo, miisaankiisa aakhirana buuxinaysa, dalka iyo dadkuna faa’iido u leh ayaan jecelnahay inaan halkan ugu soo jeedino ku talaabsigeeda, uguna horeyso salaada iyo xoojinteeda.

Madaxweyne, maadama salaadu tahay waajibka ugu horeeya ee ummadeena islaamka ah saaran, waxaan kaa codsanayanaa inaad qoraal fasaxaya shaqaalaha dawladda wakhtiyadda Salaada aad  soo saarto, si aad ugu baraarujiso shaqaalaha dawladda iyo bulshada kaleba oogista salaada, sidaana wareegto ku dhaqan geliso.

Sidoo kale, madaxweyne adigoo horena talaabooyin dhaxal-gal u ah diinta iyo dalkaba ugu dhaqaaqay, waxaan kaa codsanaynaa inaad amar ku bixiso in dhamaan shuruudaha looga baahan yahay shaqooyinka cusub ee dawladda ku darto in qofka codsadaha ahi aqoon u leeyahay quraanka kariimka iyo diinta, taasoo dal iyo dadba, adduun iyo aakhiraba wax u tari doonta.

Ugu dambayntii madaxweyne waxaan si xishmad leh kaaga codsanayaa, maadaama aad tahay hogaamiyihii ummadda inaad hormuud noogu noqoto dhammaan wax kastoo adduun iyo aakhiraba na anfacaya, ajar ayaad ilaahay kaga heli doontaa, ummaduna abaal weyn bay kuugu hayn doontaa.

 

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleeye)