Madxafkii Hagia Soofiya in masjid lagu celiyaa ma sax bay ahayd mise qalad? (WQ: Jimcale M Xamari)

Go’aan maxkamaddeed haddii uu soo baxo, wixii uu doonnaba ha xukumee, waxa la eegaa ma saxbaa mise waa qalad?
Kiniisadda waxa la dhisay intii u dhaxaysay 532kii ilaa 537kii. Waxa ay ahayd Kiniisaddii magaalada Constantinople. Markii dambena waxa ay ahayd macbadka ugu wayn ee Orthodoxka, kadib markii ay Byzantine dib ugu soo noqotay xukunka Constantinople.
Byzantine waxa ay ahayd garabkii Orthodoxka ee bariga imbaraadooriyadda Ruumaanka. Kiinisaddu waxa ay ahayd meel u eeg Xajka oo dadka haysta mad’habta Orthodoxka ee Bariga Yurub oo dhami iskugu yimaadaan.
Maxamedkii Labaad markii uu qabsaday magaalada Istaambuul waxa uu toos u tagay dhisamahan oo ahaa ka ugu wayn qaaradda Yurub. Waxa uu la dhacay quruxda iyo farshaxanka ku duuggan. Inta badan Cusmaaniyiintu intii aannay dadyawga kale qabsan may ahayn dad farshaxan leh, waxa ay deganaayeen Taandhooyin waawayn oo ay dhir iyo maryi ka sameeyeen. Xaruntii ayuu u beddelay masjid xarun u noqda maamulkiisa cusub.
Qowmiyadda Turkidu waxa ay ku jireen hayaan ay galbeed oo dhan ku qabsanayaan. Markii ay Boqortooyada Cusmaaniyiintu dhalatay waxa ay deganayeen bariga Anatooliya oo ah bariga dhulka maanta loo yaqaan Jamhuuriyadda Turkiga. Hiigsigaa ay lahaayeen dadka Turkida ahi waxa ay ku waajahnayd xuduudka Bari ee Jarmalka, dhul ay ka mid ahayd magaalada Vienna ee hadda caasimadda u ah Austria.
Turkidu Vienna waxa ay u yaqaaneen Tufaaxa Dahabka ah ( Golden Apple), sidoo kale magaalada Istambul waxa ay u yaqaaneen Tufaaxa Cas (Red Apple).
Cusmaaniyiintu waa ay qabsadeen Tufaaxii Casaa, kii Dahabiga ahaana albaabkiisa ayaa ay garaaceen oo quwaddihii galbeedka ayaa u soo gurmaday markay muddo go’doon ku hayeen.

AyaSofia in masjid loo beddelaa waxa ay ahayd go’aan maxkamaddeed oo saxan, caddaymihiisana wata. Kiniisadda waxa iibsaday Maxamed Al Faatix (Mehmet II) oo ahaa suldaankii boqortooyada Cusmaaniyiinta ee furtay magaaladii Constantinople (Istaambuul) oo ahayd xaruntii Imbaradooriyadda Byzantine.
Haddii aynu sharci ahaanta ka tagnana, dhammaan ama badi masaajiddii ku yaallay dhulkii Yurub ee Cusmaaniyada dib looga qabsaday waxa loo beddelay Kiniisado ama waa la dumiyay. Taas oo afka qabanaysa waddamada iyo hay’addaha galbeediga ah ee kiiskan ka hadlay sida Ruushka iyo Giriigga.

Wixii intaa ka soo hadhaa waa aragtiyo aynu kala qabi karno oo in madxaf u wanaagsanaa, in masjid loo celiyo iyo in kaleba waa lagu dooddi karaa.