Magac badan (WQ: Abwaan Maxamed Cumar Dhagax)

 

Maansada Magac badan waa maansadii 6aad ee silsilada miimley ee uu daahfuray Abwaan Xasan daahri ismaaciil Weedhsame. Waxay maansadani ka hadlaysaa waxyaabaha tirada badan ee dalkeena yaala. Dhinac waxay ka tahay markhaati, dhinaca kalena waxay ka tahay dood.

Abwaan Maxamed Cumar Dhagax

Waxay ina leedahay magac badan sidatan:

 

Muunidii subxeed buu

Weedhsamow muducigii

Meeriskeedu ii yimid

Maalmihii danbeetana

Ganey marag furkiisuna

Mareegtayda soo galay

Ana kama masuugine

Milgo beelka jira baan

Magac badan ku tirinee

Weeyeda I maqashii

Malkadii dalkeeniyo

Masalihii sareetaba

Way maahsan yiinoo

Waxay miidhayaan hebel

Makeekiga shir ula taga

Muunadii hogaankiyo

Maqiiqanaa shirkii yimid

Wuxuu maandhe leeyahay

Inamada na maagiyo

Waa kuma muducigaad

Maragiisa furaysaan?

Inuu mililka qariyuu

Maankiis ka deyayaa

Waxa loogu magac dhebey

Maatadiyo haweenkiyo

Inta qalinka maashiyo

Muruq weynta weeyaan

Wiilku waa af miishaar

Intuu madaxa ruxay buu

Maaxdii ku leeyahay

Muslimyahaw islaameed

Waan mashquulsanaayee

Ma maroor yar baa jira?

Maqaar saarka ooshiyo

Kuwa mudane sheegtiyo

Mid danbiil u buuxaa

Judhadiiba maya yidhi

Dabadeed maqiiqane

Maashaa Alluu yidhi

Inta uu is mahadiyuu

Maahmaaho beeniyo

Murti saartay guudkoo

Wuxu yidhi marlaydiyo

Duqaydiyo magoolkoow

Milic weeye haatane

Minankii aadoo

Aniguna ma tegayaa

Gudaan miidhanaayaa

Inta melega jecel baa

Madashaas ka buuxdee

Qaar maahsan abidiyo

Maata boobkii buu xulay

Ileen waa maciisee

Waa madaxyo weyntii

Koofiyadaha murqaankiyo

Melegooda liqi jiray

Dhawr marduuf la soo qaad

Haasaawe maad badan

Magrigoodii soo dhige

Kuyee mudahaygoow

Wasiirkii mudnaayoow

Inta adi ku maagtaa

Waa munaafiqiintii

Maal raadintooday

Adi kugu marmarayaan

Qaar baa mucaarad’a

Kusoo bood makale jaan

Mishan baan dhigiyee

Magacdooda ii qora

Alla magacyo badanaa

Waa mudane hebel iyo

Maha iyo war moogiyo

Marwadoodii weeyaan

Maqiiqanena laaluush

Dhawr malyuun ku soo qaad

Meel meel ku saydh saydh

Dabadeed maqiiqane

Mirtii dhexe ayuu guday

Madaxtooyadii galay

Wuxuu miiska soo dhigay

Dadkii waan macsuumoo

Waa wada mudaacali

Inta loo mushxaradaa

Mahadsanidda lagu yidhi

Misna maar kalaa furan

Xasan baa muduci wada

Ayuun bay maqleenoo

Waa maqane joogee

Madhax tire dilaal baa

Miidhiyaha la soo koray

Soo taan mardhoofee

Aduunyada mushaaxee

Maalgashiga dalbaayee

Is miiskiinintaydii

Marsadii ku soo gaday

Dhawr malyuunna soo helay

Muqdishona la kaashaday!

Hadda mudanahaagii

Xasanoow ma fiirsane

Murdisaduu u taagaa