Magaca Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) muu ahayn mid aan imika ama dhawaan bartay laakiin waxa uu ahaa magac aan ku kacaamay…..W/Q:( Rooble Mohamed))

{"remix_data":[],"remix_entry_point":"challenges","source_tags":[],"origin":"unknown","total_draw_time":0,"total_draw_actions":0,"layers_used":0,"brushes_used":0,"photos_added":0,"total_editor_actions":{},"tools_used":{},"is_sticker":false,"edited_since_last_sticker_save":false,"containsFTESticker":false}

Magaca Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) muu ahayn mid aan imika ama dhawaan bartay laakiin waxa uu ahaa magac aan ku kacaamay maqalkiisa dheguhuna ka dheregsanaayeen in badan ka hor xataa intii aanan shakhsi ahaan u arkin. Marka laga tago taariikhdiisii hore ee waxbarasho, shaqo iyo xilalba lahayd ee uu soo maray, xilligii aanu ku kacaanay waxa ay ahayd xilligii halkanku dalka ka bilowday oo magaca Siilaanyo uu ahaa mid haysta dhegaha dadka, dhawaaqiisana la isku xidho. Waxa uu ahaa magac argagax ku ah dawladdii markaa jirtay iyo intii u shaqaynaysay, halka uu dhanka kalena ka ahaa mid la dugsado oo rajo iyo xorriyad u taagan.

Xataa annaga oo dhaliyaro aad u daโ€™ yaryar ah baan xasuustaa in marka aanu kubadda ciyaarayno xataa labada kooxood mararka qaar u kala bixino Siilaanyo iyo Siaad Barre, wax ay tahay mooyaane mar kastana waxa badin jirtay uun qolada magaca Siilaanyo ku ciyaaraysa. Dabcan may ahayn wax la wada og yahay oo marka sidaa la yeelayo waxa ay ka dhaxaysay uun inta ciyaaraysa oo baqe laga qabo dawladda awgeed intaas may dhaafi jirin.ย Sida keliya ee codkiisa lagu maqli karayaa berigaas waxa ay ahayd in la dhegeysto Radio Halgan oo ahayd idaacadda keliya ee ay SNM iyo SSDF si wada jir ah uga hadli jireen. Halkaasina waxa ay ahayd halkii aan markii ugu horraysay ka maqlo codkiisa oo uu farriimo halganka ah dadka uga soo diri jiray, mararka qaarna lagu waraysan jiray. Waxa intaas soo raaci jirtay waxa ay ahayd mararka tirada yar ee ay idaacadda BBC Somali ay waraysato.ย Maadaama uu ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ururkii SNM, dabcan waxa uu xidhiidha dublamaasiyadeed heerka uu doono ha leekaadee la lahaa dalalka geeska iyo kuwa reer galbeedba. Taasina waa ta ka dhigtay in uu noqdo mid ka mid ah dadka ugu saamaynta badan Geeska. Xilligaasi waxa uu ahaa xilli xasaasi ah oo dagaal qaboobi ka dhexeeyay Waarso iyo Nato oo ka soo kala jeeday labadii quwadood ee isku hayay maamulka dunidan aynu ku noolnahay. Intii uu xilkaa hayay waxa uu ururka kala soo dabbaashay xaalado aad u adkaa oo geeska oo dhan saamaynayay, waxaanuu u babac dhigay culaysto siyaasadeed iyo qaar militari oo kaga imanayay dhinacyo kala duwan.

Markii dalka lagu soo noqday waxa uu ku suntanaa dib u heshiisiin, nabad dhalin, hub ka dhigis iyo dib u dhiska nidaamkii dawladnimo ilaa uu ka noqday Madaxweyne. Afkaartiisii dhaqaale ayaa ah qaar fure u noqday in dalku galo heshiisyadii ugu waawaynaa ee lagu horumarinayay ilaha dhaqaale ee dalka, si gaar ah Dekedda Berbera.

Waxa ay siyaasiyiin badan oo maanta la yaqaanaa qireen in uu u ahaa macallin iyo bare ay ka bartaan Siyaasadda iyo Arrimaha dublamaasiyadda.

Jiilkayagii ku garaadsaday magaciisu waxa weli u sawiran rajadii iyo xorriyaddii magaciisa ku lammaanaa ee uu ka midho dhaliyay marna aanuu ka daalin in uu hirgeliyo. Magaciisu waxa uu ku xardhanaan doonaa qalbiyada jiilkaas waxaanan rajaynayaa in iftiinka uu shiday uu noqon doono mid weligii ka nuura qalbiyada reer Somaliland oo dhan.

Aaska Marxuumka in looga yimaaddo dunida dacalladeedu waxa ay astaan u tahay heerka ay gaadhsiisnayd siyaasaddiisa iyo saamayntiisu, waana mid ay adag tahay in uu yeesho hoggaamiye kale oo reer Somaliland ahi inta aan ka ogahay.

Ilaahay ha u naxariisto Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Jannooyinkiisana ha ku casumo. Qoyskii iyo dhamaan dadka reer Somaliland na Ilaahay Samir iyo iimaan ha ka siiyo.

 

 

W/Q:Rooble Mohamed

Bandhige@gmail.com