Magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo ‘Mabda’a Mudnaanta’

In muwaadiniintu ay u sinnaadaan xilalka qaranka iyo in dhammaan qaybaha bulshadu ay iska dhex arkaan xilalka qaranku waa dooddo ka taagan waddamo badan oo caalamka ah. Waxay doodda

ugu culusi ka taagan tahay sida layskugu dheeli-tirayo in muwaadiniintu iyada oo aan loo eegayn sinjigooda, diintooda, midabkooda, isirkooda ama qabiilkooda iwm ay u sinnaadaan xilalka dawladda, iyo in la dhiirigaliyo in kooxaha laga tirada badan yahay ee bulshada kamidka ahi ay iska dhex arkaan xilalka dawladda, iyadoo markasta aad loo ilaalinayo mabda’a ah in shaqo kasta la siiyo qofka ugu mudan tartamayaasha ama muwaadiniinta guud ahaan.

Shaqada garsoorka ayaa iyadu ah mida ugu xasaasisan xilalka dawladdeed ee ay muwaadiniintu qabtaan – waa shaqo ku dhisan dhexdhexaadnimada, cadaaladda, sinaanta iyo kalsoonida ay muwaadiniintu ku qabaan xubnaha shaqadaasi qabanaya. Waa shaqo ay khasab tahay in laga ilaasho in qofka ka shaqaynaya lagu soo sooco koox, midab, qabiil, urruro siyaasaddeed iyo wax kasta oo mugdi gelin kara dhexdhexaadnimada xubnaha garsoorka. Sidaas darteed, adduunweynaha waxaa caanka ka ah ku dhaqanka ‘mabda’a mudnaanta’ ‘merit principle,’ marka la qaadanayo xubnaha garsoorka. Waa mabda’a odhanaya dadka loo dhiibayo xilalka waaxda garsoorka ka bannaan waa in lagu xushaa oo keliya sida ay u kala mudan yihiin ee ay ugu kala haboon yihiin shuruuddaha ay shaqadaasi u baahan tahay. Mabda’ani wuxuu meesha ka saarayaa in la yidhaa koox ama cid gaar ah oo bulshada kamid ah ayaan garsoorka xilal ka hayn e’, iyaga xilkaasi ha loo dhiibo. Mabda’ani wuxuu u dhigan yahay muwaadiniintu way siman yihiin, qofna shaqo ama xil lagu siin maayo dabaqada uu yahay, midabkiisa, reerkiisa iyo wax kasta oo la xidhiidha noloshiisa iyo isirkiisa dartii, balse muwaadiniintu waxay shaqada iyo xilalka qaranka ugu kala mudnaanayaan iyadoo la eegayo dhaqankooda qofnimo/shakhsiyaddooda, aqoontooda, waayo-aragnimada uu shaqada u leeyahay, guulaha uu shaqooyinkiisii hore ka soo gaadhay, afkaarta ay shaqada kor u qaadisteeda ka haystaan iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh nooca shaqada.

Maalmahani waxaa aad loo hadal hayaa xil ka qaadistii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ ku sameeyey Guddoomiyahii Maxkamadda Sare, Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali iyo cidda ay tahay inuu jagadaasi u magacaabo. Waxaa muhiim ah in ugu horeyn ba aynu fahano inta boos ee xil ka qaadistani ay banneysay, magacaabistuna ay buuxin doonto. Xilka ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliland, waxay ka dhigan tahay in sidoo kale xilka laga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah iyo weliba Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda. Waa saddexdii jago ee garsoorka ugu sareeyey oo uu hal qof ka wada hayey saddexdii haayaddood ee garsoorka ugu sarreeyey – waa nusqaan uu dastuurkeenu leeyahay. Magacaabistuna saddexdaasi jago ayey wada buuxinaysaa. Sidaas darteed, haddaan aad looga baaraan degin saddex boqolaha xilkaasi loo dhiibayo, waxaa dayacmaya nidaamka garsoorka iyo cadaaladda dalka oo dhan.

Waxaa wax lala yaabo ah in masuuliyiin bulshada dhexdeeda magac ku lihi ay ku taliyaan beelaha Soomaaliland dega qaarkood ha lagu raaligeliyo booskani. Runtii waa arrin sawir ka bixinaysa aragtida ay bulshadeenu ka haysato dawladnimada, weliba kuwoogii aqoonyahanka ahaa ayaa qaabkani ku talinaya. Afar arrimood ayaa aad loogu baahan yahay in Madaxweynaha iyo bulshaduba ay ogaato:

  1. Qodobka 8aad ee dastuurkeenu wuxuu sheegayaa in dhammaan muwaadiniintu ay u siman yihiin xuquuqaha uu dastuurkeenu dhigayo oo ay kamid yihiin xuquuqda shaqo iyo xaqa siyaasaddeed. Waxaa loo baahan yahay in qodobkaasi ay goleyaasha qaranka iyo muwaadiniintuba ku dhaqmaan. Xalka aynu raadinaynaa wuxuu ku jiraa ku dhaqanka sharciga.
  2. Garsoore lagu magaacabay beesha uu ka soo jeedo darteed in cadaalad laga sugo maaha. Lagumana canaanan karo haddii uu beeshiisa u habrado, ilayn xilkiisa ayaa ku xidhane. Siddee markaa ay dadku kalsooni ugu qabi karaan qof ay og yihiin in lagu magacaabay qabyaalad oo aan lagu soo xulan aqoontiisa iyo kartidiisa oo ka dhigay qofkii ugu mudnaa shaqadani.
  3. Garsooraha ay magacaabistiisa cidi soo jeedisay, ku doodday ama u ololeysay, wuxuu u hoggaansami doonaa ciddaasi. Waa in aynu fahanaa weliba in xilkani in uu Garsooreyaasha kale dheer yahay in ay ceeb tahay in la codsado ama la raadsado, waayo Madaxweynaha ayuu sharcigu awood u siiyey xulashada shakhsiga ugu mudan xilkani, sidaas darteed, way reeban tahay in tartan loo galaa. Qofka uu Madaxweynahu u gartaa wuxuu xaq u leeyahay aqbalaad ama ka cudur-daarasho, kadib ayaa labada gole ay ansaxinayaan ama diiddayaan iyagoo u eegaya in qofka uu Madaxweynahu magacaabay buuxinayo shuruuddaha xilkani u yaala, iyagoo ku xisaabtamaya mabaadi’da guud ee shaqada garsoorenimo.
  4. Sida ku xusan Qodobka 105(1) ee Dastuurka ‘Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Guddida Cadaaladda, waxa uu magacaabayaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare [….], iyada oo Ia tixgelinayo:- heerka waxbarasho, waayo-aragnimada xirfadeed iyo suubanaan akhlaaqdeed.’ Markaa waxaa loo baahan in la fahmo, in Madaxweynahu aanu ku xisaabtamin oo keliya shuruuddaha faqradda 2aad ee qodobkani oo sheegaya in qofka xilkani loo magacaabayaa uu lahaado shahaado jaamacaddeed oo aqoonta sharci ah iyo waayo-aragnimo 10 sanno ah oo uu ku shaqeeyey Garsoore, Xeer-ilaaliye, Qareen ama/iyo Barre Jaamacaddeed iyo in inuu ka madax-bannaan yahay siyaasadda. Laakiin uu sida faqradda hore ay sheegayso uu tixgelinta siiyo muwaadiniinta ugu aqoonta sarreysa, ugu waayo-aragnimada badan uguna akhlaaqda wanaagsan – qofka ugu mudan xilkani.

Sidaas darteed, waa in la fahmaa in Madaxweynahu qof kasta oo uu iska caashaqo iyo sabab isaga u gaar ah aanu u magacaabi karin xilkani. Baarlamanku waxay magacaabista ama xilqaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ansaxinayaan keliya haddii ay isku raacaan in uu Madaxweynahu awooddani dastuuriga ah u isticmaalay sidii ugu mudnayd, qofkii ugu mudnaana uu u magacaabay xilkani. Kuma ansaxinayaan qofka magacaabay shuruuddaha qodobku dhigayo ma buuxiyey oo keliya, waxay ansaxinayaan in qofka uu Madaxweynahu magacaabay yahay qofkii ugu mudnaa inuu xilkani qabto.

Xil qaadistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ceebo badan ayey dibeda soo dhigtay, waxaa loo baahan yahay in magacaabistiisa aanay ceebahaasi oo kale dibeda u soo saarin. Ceebaha ay xil ka qaadistu dibeda soo dhigtay waxaa ugu ba’an, laakiin aan intani ku koobnayn.

i)Wareegtada xilka qaadista, wuxuu Madaxweynahu ku sheegay inuu dib ka sheegi doono cidda uu xilkani u soo magacaabayo! Inkastoo uu isla wareegtada ku sheegay in labada gole ay fadhi wada jira ku ansaxin ama diiddi doonaan. Haddana wuxuu meesha ka saaray in xil ka qaadistiisu ay ku guul-dareysan karto codadka xildhibaannada. Hadduu xitaa taasi si cad u og yahay, ma qurux badna in waajibaadka dastuuriga ah sidaasi loo dhayalsado.

ii)Guddoomiyahii Ururka Qareennada oo soo jeediyey in beel gaar ah xilkani loo magacaabo – waxa igu adkaatay sida aan u fahmi karo caqliyada noocan ah! Sidaas darteed, ku degdegi maayo sharaxaadeeda. Waxaanse ku soo koobayaa waxaa wacnayd in wakhtiga uu hadalkani odhanayo uu sharciga waafajiyo oo uu la sugo haddii ay xilqaadistu ansax noqoto, ilayn weli ansax may noqon, oo magacaabis lagama hadli karee. Wuxuu hadalka Guddoomiyahu i xasuusiyey dhacdo bishii June ee sannadkii hore ka dhacday dalka Australia oo mawduucani khusaysa. Maamul goboleedka Queensland ee Dalka Australia ayaa marka la magacaabayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa lala tashadaa Guddoomiyaha Urrurka Qareennada iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha iyo masuuliyiin kale. Markii ay soo dhowaatay Magacaabistii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa Xeer-ilaaliyaha Guud ee Queensland Jarrod Bleijie wuxuu warbaahinta ku shaaciyey afkaartii qarsoodiga ahayd ee ay arrintani ka dhiibteen Guddoomiyahii Urrurka Qareennada Queensland Peter Davis iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Queensland Margaret McMurdo.

Maalin kadib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare loo magacaabay Tim Carmody oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamaddaha Hoose (Chief of Magistrate Courts), oo aad looga hor yimid magacaabistiisa, Peter Davis, Guddoomiyahii Urrurka Qareennadu wuxuu isku casilay in rayigii uu ka dhiibtay shakhsiyaadka ku haboon xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare warbaahinta loo gudbiyey, isla markaana uu aad uga soo horjeedo magaabista Tim Carmody, wuxuuna ku doodday in aanu ku sii hogaamin karayn urrurka iyo mihnadda sharciyaqaannada nidaam uu khariban yahay qaabka loo xulanayo masuuliyiintiisu.

Waa arrin muujinaysa lexejeclada Peter Davis u haysay mihnaddiisa iyo Urrurka uu Guddomiyaha u ahaa. Ninka ku taliyey in kursiga Guddoomiyaha Maxkamadda Sare cid gaar ah loo magacaabo, waa nin yidhi reer hebel baa qatanaaye, doorkan iyaga ha lagu xooleeyo. Kaaf iyo kala dheeri, Peteroow, wax aad ceeb u taqaan, rag bay caaddadiisa tahay!.

Waxaan qoraalkayga ku soo gunnaanadayaa odhaah caan ah oo ‘mabda’ani mudnaanta’ uu ka yidhi Lord Hailsham, oo laba goor Lord Chancellor ka noqday Boqortooyada Ingiriiska qarnigii la soo dhaafay. Waxa la weydiiyey waa noocee siyaasadda aad masuuliyiinta garsoorka ku magacoowdaa? Wuxuu yidhi:

Siyaasaddayda ugu horeysa ee aasaasiga ahi waa in aan mudnaantiisa oo keliya ku magacaabo qofka ugu wanaagsan ee diyaar u ah, isla markaana doonaya inuu aqbalo xilka. Wax tixgelin ah ma siiyo xisbiyada siyaasaddeed, jinsiga, [..] ama isirka, kumana jiraan xisaabtayda. Shakhsiyadda, daacadnimada, kartida xirfaddeed, waayo-aragnimada, u diyaar noqoshada iyo awoodda qofka oo keliya ayaa shuruudahayga ah, oo ay dabcan soo raacayso shuruudda ah in qofku uu jidh ahaan awooddi karo inuu guto waajibaadka xilka, oo aan lagu diiddayn wax shakhsiyaddiisa khuseeya oo aan haboonayn. Tixgelintayda ugu balaadhan waxaan badanaa siiyaa danta ummadda oo ah ilaalinta tayada garsoorayaasha iyo kalsoonida lagu qabo kartidooda iyo madax-bannaanidooda.

Ugu dambeyn, waxaan rajeynayaa oo aan ilaahay ka baryayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo ku sugo magacaabista qofka ugu mudan ee uu ilaahay xilkani ku sharfayo, ummaddana khayrka ugu badani uu ugu jiro. ‘Rabboow adigu noo door’ Aamiin…..Aamiin.

Cabdishakuur Cali Muxumed “Good Lawyer”

Garsoore, Maxkamadda Gobolka Togdheer

Burco, Somaliland

Email: goodlawyer2014@gmail.com

Kala xidhiidh: www.goodlawyer4.blogspot.com