Ma laga yaabaa doorasho in ay dhacdo 2017-ka? (W.Q. Maxamed Cabdikariim)

 

Ma laga yabaa in ay doorasho dhacdo 2017-ka? Diyaar ma u yihiin goleyaasha kala duwani in ay qabtaan doorasho? Xisbiyada mucaaridku ma yihiin kuwo ka gudbi kara caqabadaha yaalla?

Muddo-kordhinta Iyo go’aanka maxkamadda:  Muu ahayn go’aan ay dhibsadaan ama ay la yaabaan inta siyaasadda ku foogani. Sidii aan horeba u tilmaamay heshiiskii xisbiyadu ay galeen wuxuu ahaa mid siyaasiyan lagaga gacan sarreeyay xisbiyada mucaaridka ah.

Qodobka 1aad , waxay ogolaadeen oo ay sharci iyo dastuuri ku sheegeen go’aankii Guurtida. Waa su’aale haddaa maxaa ka dhawaajinaya imika xisbiyada mucaaridka ah? Bal u fiirso, Golaha Guurtidu waxay cuskadeen qodobada 83aad, farqadiisa 5aad doorashadda Madaxwaynaha iyo qodobka 42aad Farqadiisa 3aad ee doorashada Golaha Wakiillada oo sheegaya in muddo-kordhin lagu samayn karo marka duruufo adagi waddanka ka jiraan sida:-dagaal baahsan, xasilooni-darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhulgariir, cudurrada faafa, abaaro culus qiimayn ka bacdi.

Haddaba Xisbiyadda mucaaridku si aan ka fiirsi badan lahayn ayay ku sheegeen in muddo-korodhinta Guurtidu ay sharci ahayd. Haddii aanay heshiiska saddexda xisbi galeen, doodooduna ay fadhiyi lahayd sharci-darrada Guurtida, xukuumada iyo Guurtidaba jiq ayay ku ahaan lahayd.

Aragtidayda doorashada: Waxaan qabaa doodda ah in aanay doorasho dhacayn bisha March 2017: aragtida dooddaas waxaan u cuskanayaa kuna dhisan tahay dooddaydu qodobbadan hoose:

  • Cimilada: Si xirfadaysan ayaa loogga shaqeeyay in aanay doorasho dhicin. Sooyaalka doorashooyinka Somaliland marnaba doorashada laguma beegin xiligan. Bisha saddexaad waa xili kulul, abaaro ba’anina  jiraan, duruufo qalafsana ay ku sugan yihiin bulshadda baadiyaha ku nool inta badan. Bulshada reer Smaliland waxay u hayaamaan Ethiopia, sidaa daraadeed suurtogal ma aha xiliga doorashada lagu aadiyay marka aynu eegno cimilada.
  • Muranka saami-qaybsiga doorashooyinka: cabashada gobollada kala duwan ee Somaliland oo saluug badan ka qaba, hab-doorasheedka Golaha Wakiillada.  Imika gobollada Awdal Iyo Salal ayay xildhibaanadoodu ka baxeen ansixinta kal-fadhigii, balse waxa hubaal ah in gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheerba ay qabaan cabasho. Waxa iyaguna bilaabmi doona doodo cusub oo ka iman doona gobolka Saaxil iyo gobollada cusub ee la sameeyay.
  • Sharciyadda: Dhanka sharciga xeerka doorashooyinka Golaha Wakiilladu wuxu muran wayn iyo kala-qaybsanaan galin doonaa Golaha Wakiillada. Xildhibaannada gobolka Awdal uma arkaan marnaba sharci xeerkii doorashadii Wakiillada ee hore lagu galay. Waxay dooddoodu tahay in uu ahaa “one time use.”
  • Diiwaangalinta codbixiyaha: Sida ay u badan tahay, waxa la saadaalinayaa in diiwaangalinta codbixiyuhu bilaabanto sannadka danbe bilihiisa hore. Waa xilli dalku abaaro  ku jiro, aanay suurtogal ahayn in diiwangalin la sameeyo. Dhammaan dadku wuxuu ka shisheeyaa xuduudka, taasina waxay dib u sii riixaysaa diiwangalin dhacda… dib-u-dhaca diiwaangalintuna wuxuu dib u sii riixayaa xal laga gaadho muran-sharciyeedka doorashada Golaha Wakiillada.
  • Kala-xadaynta gobollada iyo degmooyinka: Waa muran hor leh. Arrimahani waxay sababi karaan xaalad amni-darro, aragtiduna waxay isku beddeli doontaa gobollo iyo degmooyin. Sidaa daraadeed, xalinteeda iyo xal-ka-gaadhiddeeduba way muddo dheeranaysaa.  Waxa timaha la iskugu marayaa degmooyin si nabad ah u wada noolaa. Waxa la muran siin doonaa gobollo aan shiddo ka dhex jirin… balse mar walba oo timaha la isku sii marto waa guul xukuumadda u saamaxaysa cimri-dherer.
  • Rabitaanka xukuumadda iyo xildhibaanadu in ay kuraasta sii fadhiyaan: bamkan lagu soo dhextuuray Golaha Wakiillada ee sababay inay xildhibaannada gobolka Awdal ka baxaan, waxaa loo sibirsaarayaa dhabar-taabasho xukuumadeed. Xildhibaannadu xisbi kasta oo ay yihiin waxay heshiis ku yihiin in ay sii fadhiyaan xafiisyada. Murankooda, is-qabqabsigooda iyo guurguuritaankooguba wuxuu buuq galin doonaa shacabka. Waana sida ay rabaan goleyaasha oo dhami, taasina waxay horseedaysaa muddo-korodh yimaadda.
  • Dhamaadka muddo-xilleedkii Golaha Deegaanka: November 2017, waa xilliga ay ku eeg tahay dhammaadka muddo-xilleedka Golaha Deegaanku. Waa Golihii afaraad ee ugu danbeeyay oo wakhtigiisu dhammaanayo.

2017, doodaha doorasho ee bilaabmi doonaa ama dhammaadka sanadka 2016-ku waxaa laga yaabaa inay iskugu soo biyo shubtaan:

  • Waxa dhici karta in la kala qaaddo doorashadda madaxwaynaha iyo ta Wakiillada iyada oo lagu salayn doono in doorashadda baarlamaanka la soo hor mariyo, ta madaxwaynaha iyo dawladaha hoosena dib dhigo lana israaciyo maadaama oo xeerka dawladaha hoose iyo madaxwaynahu ay dhammaystiran yihiin, lana sii wado doodda ta Wakiillada si loo soo afjaro.
  • Waxa kale oo la abla-abalayn doonaa in aan waddanku 3 doorasho mar wada geli karin, sidaa daraadeed ay habboon tahay in muddo-kordhin loo sameeyo Golaha Deegaanka.
  • Golaha baarlamaanku dagaal adag ayay ka gali doonaan in doorashada Wakiillada la soo horumariyo, waanay adag tahay. Wax hor taalla markaa xukuumadda si ay u sii noolaato inay kala dirto baarlamaanka, doorashana la qabto.
  1. Diyaar ma u yihiin goleyaasha kala duwani inay qabtaan doorasho?

“Psychologically” ama nafsi ahaan bini’admigu marka uu muddo qabatimo hawl ama muddo dheer ku nagaado xafiis, wuxuu u qaataa ama u arkaaba meel uu xaq u leeyahay joogitaankeeda. Sidaas waxa ka dhigan goleyaasha kala duwan ee qaranka oo aan marnaba raali ka ahayn diyaarna u ahayn inay banneeyaan xafiisyada. Waa arrin horseedaysa in aan doorasho dhicin, waddankuna khal khal galo. Xubnaha baarlamaanka iyo goleyaasha kal duwani waxay heshiis guud ku yihiin in ay ku sii nagaadaan xafiisyada, taasina waxay lugjiid ku tahay qabyo-tirka sharciyadda, hirgalinta diiwangalinta iyo soo-afjaridda murannada gobollada iyo dagmooyinka.

2.1. Masuuliyadda doorashada: Waa masuuliyad uu leeyahay madaxwaynuhu, lamana wadaago cid kale oo sharciga dalka ayaa siinaya. Waxaanay ahayd qodob uu ku soo galay ololihii doorashada madaxwaynaha. Fagaarayaal badan ayuu kaga soo goodiyay inaan muddo-korodh loo samayn doonin oo uu ka shaqayn doono in doorashadu wakhtigeedii dhacdo. Waa dhab oo shacabkii mar haddii uu kursigii ku fuulay maxaa uga gidhiisa.  Waa kii abwaan weedhsamaa lahaa:

Kaad ku guurtay waa galabsigii inaad ka guurtaa

Dad kuu guusay waa garashadaa inaad gumaysaa

  1. Xisbiyada mucaaridku ma yihiin kuwa ka gudbi kara caqabadaha yaalla?

Xisbiyada mucaaridku haddii ay awood midaysan iyo soo-jiidasho la yimaadaan ay ku muujinayaan in ay diyaar u yihiin in ay galaan tartan doorasho, waxa hubaal ah in ay xukuumadda iyo goleyaasha sharci-dajintaba ay galin karaan cidhiidhi siyaasadeed, kuwaas oo ku qasbanaan doona in doorashadu wakhtigeedii dhacdo, balse waxa ka horreeya:

  • In guddoomiyaha xisbiga Waddani iska casilo guddoomiyenimada Golaha Wakiillada
  • In ay xisbiyadani ku dhiiradaan qabashada, shirweyneyaashoodii, soona dhisaan goleyaal dhexe iyo fulineed oo awood badan
  • In ay soo bandhigaan barnaamij siyaasadeedyadooda, sidoo kalena ay dedaal u galaan sidii sharciyadda iyo murannada siyaasadda ku xeeran loo tabantaabin lahaa dhamaystirkooda
  1. Muddo-korodhku xaalad noocee ah ayuu qarankan galin karaa?

Awood-darrida mucaaridka iyo kasbasho la’aantoodu waa ta xukuumadda ku dhiirigalinaysa in uu muddo-korodh dhaco, balse taa waxa garab socota in shacabka intiisa badani yahay mucaarid.  Haddaba waa ay adag tahay in muddo-kordh kale dhaco, balse haddiba ay dhacdo waxaa hubaal ah in kacdoon dadwayne dhici doono taasina ay horseedi doonto in xukuumadda lagu sandulleeyo doorasho degdeg ah oo qabsoonta.

Shacabka sabarkii ayaa ka sii dhammaanaya. Waxa naafeeyay kala-qaybsanaan, qabyaalad, eex iyo nin-jeclaysi xafiisyadii dawladda ehel la noqday. Rajadii ictiraafka oo gabaabsi noqotay iyo fashil wayn oo soo foodsaartay wasaaraddii arrimaha dibedda. Xaaladda amni ee goboladda, dilalka ciidamada dhexdooda,  laynta shacabka ee booliska, duruufo dhaqan-dhaqaale oo adag, khilaaf siyaasadeed iyo kala socodka xukuumadu wuxuu horseedi karaa xaalad nabadgalyo oo faro-ka-bax ah.

  1. Talo soo jeedin: Si aanay doorashadu dib ugu dhicin, loona samato-bixiyo qaranka, shacabkuna u helaan nabadgalyo iyo inay doortaan ciddii ay xal moodaan, waa in goleyaasha qaranku isku xilsaaraan kuraastana boodhka ka hurgufaan nin walibana qalbiga u sheegaa in la beddeli karo, iskuna diyaariyaan doorasho dalkan ka dhacda. Dhici mayso in ay goleyaashan aan kalsoonida shacabka haysan ay horjoogaan shacabka, inta ay xal iyo saabaalayn marayso waxaa haboon:

1- In xukuumadda iyo goleyaasha sharci-dajintu u tafo xaytaan dhammaystirka qabyada sharci, guda galaanna doodaha kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka, xukuumaduna daacad ka noqoto qabashada doorashada, fududaysana wax kasta oo suurogalin kara qabsoomidda doorashada.

2-Guddida doorashooyinku waa in ay masuuliyad wayn iska saaraan qabashada diiwaangalinta doorashooyinka

3-In si wada-jir ah xisbiyada mucaaridka iyo muxaafidku uga hawlgalaan dhiraandhirinta suurto-galinimada doorasho qabsoonta.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Maxamed Cabdikariim:

Anteennada lacagta

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.3aad 

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.2aad 

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.1aad