Male-awaalkii joogaha taban (WQ: Cabdixakiim Maxamed “Ibnu Xaaji”)

Ceebli waxay raynrayntii samaysatay casuumad fudud,sida:-Bun,Shaah,Salool,Keeg,Sabaayad,Saanwayj,Cabitaanno kala duwan iyo waxyaabo la halmaala.aadbay ugu faraxsanayd wanaagga loogu hanbalyeeyey ,yaase dhanbaalkan waday?Ruuxna intuu albaabka ku soo garaacay khayr uguma bushaarayn,Wali,Wadaad,Waranle iyo tuug salaad saxahina xataa ma sheegin.wanaagga ay tabaysaana maaha mid ay cidi ka xoogtay iyo mid loo ballanqaaday midkoodna.bariyihii u danbeeyeyba waxay kaga kogtay Nasiibkayga hala ii eego.Nasiibkee? macidbaa nasiibka eegta? Yaa? Oo ku takhasustay?

Waa kuwaa galab Baabuur yar oo ay soo kiraysteen kaga ag dagay Aqalkii Fooxiso Siraad.waa kaligeed Idaacaddii RH(Radio Hargeisa) ayay dhagaysanaysaa.maalmahaa doorashadii ayaa lagu jiray.tolow yaa soo bixi ayaa ay kor utidhi.kadib Salaan iyo qosol is wata oo kasoo baxaya waji cabsi leh oo Nasiibku hadana soo dhex maro ayay la kulmeen Ceebla iyo Edadeed Xalwo. si fiican oo u muuqata baqe iyo in aanay iska carshacarshayn Ayaanka,ayay ugu halcelilyeen Fooxisadii.ammintii ay hawlgashay ee ay fooxeedii miciinsatay,budhna ku siisey,indhaha ayay isku qabatay sidii oo aad moodo in nasiibka indhahoo lakalahayo lagu arkin,waxaanay waydiisay Ceebla Hooyadaa magaceed.Ceebla’ oo ka fikiraysa in Hooyadeed ka hortaagantahay Nasiibkeeda ama ugu yaraan damacsantahay in ay la qaybsato ayaa ku jawaabtay Sharla’.ugu danbayn Habartii waxay ugu bushaaraysay in ay is calfandoodaan wiil Maalqabeen ah oo waalidkii u duceeyey.

Galabtaa xafladda Edadeed daarada Aqalka ayay joogtay,Ceebli farxad darteed kolkay yar kala illawdo astaamo dhawra oo ay  wiilkii la mahadiyey ku sheegtay Fooxisadu ayay marba Edadeed u yeedhaysay si ay Haweenka ugu sheegto.Waxa jira marar qofku rabo in laga sheekeeyo guulihiisa,si uu naftiisa uga dhagaysto dadka oo uu iyaga uga barto naftiisa.           maxaa ka wanaagsan marka Nasiibkaaga sifooyinkiisa cid maankeeda kuugu xiftido?madhici kartaa in ay hilmaanto ciddaasi?

Dumar badan oo jaarka iyo qaraabada ka koobnaa ayaa casranimadaa la wadaagay warka togan.sida xalwada ayay qaar u dhadhansanayeen wanaagga usoo socda Ceebla’.iyada oo badhtanka ugu jirta Nimcada maqan ee dad badan kulmisey waxa si gardarro ah ugu soo dhacay maankeeda,Habartu maxay u garanwayday cidda Doorashada ku guulaysanaysa?ma Habro gaar u yaqaanbaa jira masaladaas?Hadana albaabkaa way iska xidhay durbadiiba.kolkii ay Cadceedu gaabatay badi Dumarkii waxay u carraabeen guryahoodii.dhawr qofbaa soo hadhay.waxa ku jirtay Ardo oo ay Saaxiib ceeshow milixa ahaayeen Ceebla’.maskaxdeeda waxaa ka guuxayay in ay jirto wax ay ka qarinayso ,oo haddii ay waydiiso malaheeda u sheegi lahayd.ma waxaa jira wax farxadleh oo xaflad loo sameystey hadana aan Dadka qaar la ogaysiin?xafladaha ma lagu casuumaa Ummad ay cadaawadi idinka dhaxayso oo milix u noqda?dadka kuwo kamid ah macadaw ahaanbaa loo marti qaadaa?

Habeenimadii Ceebli hurdo kumay salaaxin,waxay ka fikiraysay sida uu u eekaan doono wiilka loo waryiyey sharaftiisu.sanadihii u danbeeyeyba Ceebla’ waxa ku xoogaysanayay Nasiibka oo gabigiisaba Dumarku u qabaan Nin Boqolle ah oo la hantiyo.kolka ay Suuqa  tagto waxay indhaha la raacraaci jirtey Wiilasha bilicdasan ee sida fiican u labisan ee dhex tallaabsanaya wadooyinka.waxay sawiran jirtay iyadoo mid kamid ah Carruur u dhashay oo biilyar  oo ku filanna qaatada galabtiina qolqolka carruuta ku ilaalisa.waligeed maalin shaqo aan ta gurigooda ahayn kamay shaqayn,wax maybaran.Waxay sugtaa Cawo hadhqodaalka ugu timaadda oo mid ay leedahay geeya.xataa Saaxiibadaheed waa caynkaa,wakhitina kuma fikiraan mid Xajka geeya,caalamka u dalxiis geeya ama Ajanabi ah kaasi oo u gudbiya dhaqankiisa.kuma hammiyaan in ay wax bartaan si ay wax u akhriyaan,Nasiibkoodana raaxadiisa ugu bogtaan ama qurux ugu biirayaan.

Ma waxaa jira Nin loo abuuray Gabadh meel cidlo ah ku riyoonaysa,in uu u rumeeyo waxay rabto oo mararka qaarkii noqon kara yaqyaqsi?Dumarku miyaanay lahayn hammi guurka ka dib?Haweenka rabitaankoodu ma mid ay guurka uun ku gaadhaanbaa?kolka aad Haweenay hanyar guursato,kadibna Miyiyaradu noqoto mid hanwayn waxaad u malaynaysaa in aad Adoonyar qabtay,haddi ay ku dayatona waxaad Miyiyarada u aqoonsataa in ay kaa xoraysay.miyaanay kuu muuqan in ay Dumarka ku jiraan badh awood lihi,oo jiritaankoodu ragga diciifnimo tuso?

Ceebla’ iyo Ardo waxay maalin aan fogayn ku tiiqtiiqsanayeen,gabadh ay macaariif ahaayeen oo Nin hanti kooban haysta u dhaxday?Aroos yar oo aan aad u sheeganayn in uu haa ayay isku raaceen.kuye,ma arkaysay Afar Baabuur iyo Laba fijaan oo aan wax badani ku jirin ayaa lagu galbiyee.Haweenku waxay la ficiltamaan qof aanay waxba ka dhaxayn oo wanaagga u soo kordhay baray.

Dumarku Nasiibka ay sugaan ma mid dhammaystiran oo mar gacanta loo geliyo oo aan kobcinbaa?Gabadha goordanbe Nolosha qoyskeedu wanaagsanaatay,ma mid isbiimaysaybaa?Kuwa nolol cidhiidhiya wakhtiga ku dhammaysataa ma badh aan liibaaninbaa?

Dharaarba dharaarta ku xigta Ceebla’ waxa ku sii siyaadayay male-awaalkii ay ku muujinaysay dhanna ku tiigsanaysay cawadeeda.waxay maskaxdeeda ka sawiratay ayay rabtaa in uu wakhtigu u dhalo iyada oo aan ficil la iman.male-awaalku ma ficilbaa?madhici kartaa in Wiilka ay sugayso hamigiisu waafaqay keeda oo uu kiisa fulinayo?Hadii ay Ceebli wakhti kooban la raaxaysato wiilkaa inta ay hesho,kadibna calafkoodu dhammaado,kadibna dib u yagleesho Cawo kale,sow guuruun kuma yagleelmo Ayaankoodu?Ceebla maankeeda hadii uu ku jiro Wiilka ay horeba ugu haysatay,Fooxisadu kay u sheegtayna maalka uun ka siman yihiin ma keedii hore ayay xoojisay Habrtu?bal adba.

Waxa la helayaa Dad badan oo wanaagsan oo ay ugu warantay nasiibkeeda wakhti hore,kuwaasi oo ugu duceeyey in ay hesho,hasayeeshee ugumay kalsoonaan dardarna ugamay helin ducadooda siday uga heshay war Shaydaanka Fooxisada?Waxaa suurogal ah in ay Fooxisadu u sheegtay wixii ka dhashay ducada dadkii wanaagsanaa oo Ayaanka ay rabtay  ah.waxa la arkaa in Nasiibka cidi ku lugyeelato helintaakiisa.dhankeeda Ceebli waxay xidhiidh la lahayd Rabbigeed,misana waxay aaminsanayd in wanaagga Ifka lagu siinayo uu ogaan karo Faaliyuhu.ma Ilaahaybaa Jinka ku maamuusay in uu ogaado wanaagga Aadamaha u qoran,isla markaana isaga lagala xidhiidho?Haddiiba qaybka cidi ogaankarto maxay u ogaanwaayeen Adoomaha Alle rumaysan ee u hoggaanasani?

Illaa hadda Ceebli waxay dhawrtaa Ayaankii male-awaalka ahaa.kolka ay weelka xalayso waxay sawirataa tii oo weelkaa weel ka quruxsan gurigeeda ku maydhaysa kadibna cunto ku hareysa sinxi si ninkeedu ula wadaago.

Sanadkii ku xigay xaalkii Ceebli wuu isbedelay,kadib markii male-awaalba mid dhalay ee maskaxdii mashquushay.reerkoodii cisbitaalka ayay u qaadeen oo dawooyin u soo qoray,hasayeeshee kumay ladnaan.waxaa loo tagay Fooxisadii si ay u sheegto wiilku halka uu joogo iyo ciddiisaba.kadib waxay ugu laab qaboojisay in uu dibedda jiro oo uu dhawaan imanayo.intaa wax ka badan in aanay sheegi karinna waa dhibaatada Qoyskeeda oo dhan wada gaadhay.waxay jeclaayeen in magaciisa,maagaalada iyo wadanka uu ku noolyahay loo sheego,si ay ula xidhiidhaan uguna wargeliyaan gabadha aanay is arag ee u dhimanaysa.

Qoyska badhkii waxay aad ula amakaageen khuraafaadka xajmigaa le’eg ee reerka idil la xanuunsaday.waxaanay wadaaddo quraamiya u keeneen Ceebla’ ,hase ahaatee wax la sheegi karaa iskamay bedelin.hal maalin Ceebli may canaanan maskaxdeeda dhibta intaas le’eg gelisey ee jecel qof ay dhici kartoba in aanuu Alleba abuurin,Ifkana aan iman.    Asxaabteedii aadbay ugu dul ooyeen,waxay ku taamayeen in uu ugu yaraan aaskeeda yimaado,si indhohoodu u qabtaan Wiilka maskaxda Ceebla uun ku jira.walow ay Ceebli guyaal badan ku noolayd male-awaal hadana nolosheeda laguma sheegin waxbayahay(cadam) hal il-bidhiqsi.

Qofka layaaban in ay khuraafaadkaa ku nooshahayoow,waxa jirta wakhti kaa horreeyey oo ay sidan ahayd iyo ku soo socda oo ay rabto inay sidan u nooolato,illaa ay ka helayso wiilka ay jeceshahay ee aanay magacna u bixisan.ammintii aanay 50 jir noqon Ceebli, ka hor waa dharaarahay gashaantida ahayd iyo sanadihii ku xigaye ,waxa u soo geed-fadhiistay Wiilal farobadan oo qaarkood ladnaayeen.waxay aamminsanayd in aanuu Nasiibku soo doonan Karin ee ay iyadu raadsato ,waxayna geeryootay tii oo aan helin wiilkii maankeeda ku noolaa.

 

 

DHAMMAAD.

Qalinkii-Cabdixakiim Maxamed (Ibnu xaaji)

Ibnuxaji834@gmail.com