Males Zenawi oo Ina Cabdi Iley ka waraysanaya wixii ka dambeeyey (WQ: Cali Cabdi Coomay)

 

Waa sheeko mala-awaal ah oo Males Zenawi ka waraysanayo madaxweynihii hore ee Soomaalida Itoobiya waayihii ka dambeeyey.

Males: waar Cabdi ka warran dalkii iyo dadkiiba waxa ay ku dambeeyeen?

Cabdi: Aabo dalkii mashaqo ayaa ka dhacday, oo Oromo ayuu u gacan galay

Males: Indhee ! siday ku dhacday?

Cabdi: ninkii ku xigeenka ku ahaa ee Xayla Maryam Deselin ayaa noqday nin jicilsan oo xakamayn kari waayey kacdoon ay Oromadu samaysay, isagaana fursada siiyey inay kursiga fuulaan.

Males: weynee ! Axmaaradii maxa ay sameeyeen?

Cabdi: Axmaaradu waa kuwa Oromada ilbixiyey ee baray kacdoon aan joogsanayn. Waanay kula socdeen kacdoonka.

Males: haa, dhibtu waa Axmaarada raacday Oromada. kumaa noqday Raysal wasaare?

Cabdi: mid Abiya Axmed la yidhaa, oo aad sirdoonka ku dartay

Males: kaasi nin aan la fahmayn ayuu ahaa, waana iska dhal dhawr sinji isugu jira. Waa tii la yidhi” Iska-dhalka dil ka hor intaanad maska dilin”. Kaasi waa halis. TPLF maxay qabanayeen intay waxani dhacayaan?

Cabdi: waa laga xoog batay, waana la muquuniyey

Males: maxay ku dambeeyeen jannanadii awoodda badnaa ee Tigreegu?

Cabdi: jannanadii Tigreega kuwii ugu awoodda badnaa ee kala ahaa; Samoore Yoonis, Getajoow Asafa iyo Gabra dhiila dhammaantood shaqadii iyo xilalkii ayuu ka qaaday

Males: iyagaa halka is-dhigay daa hal la eryee. Waxa ay ahayd markay arkeen siday wax u socdaan inay dalka xoog ku qabsadaan. Oromo kursi heshay weligeed ka kici mayso. Aakhrikana waxa ay dagaalami doonaan Axmaarada oo damaca kursigu maskaxda kaga jiro wakhti kasta. Jabhadihii mucaaradka ahaa halkay ku dambeeyeen?

Cabdi: OLF, ONLF, G7 iyo qurbo joogtii Oromada ee dagaallada noocyada badan inagula jiray dhammaantood wuu la heshiiyey. Intoodii badnaydna waxa ay bunku ku cabbayaan Adiis

Males: Indhee. Ma cadowgii ayuu dalka soo geliyey? Haddaa Tigreegii iyo xulufadiisii birta ayaa laga asli doonaa.  muxuu ka yeelay dalalkii cadowga inagu ahaa ee Eratariya ugu horraysay?

Cabdi: Eratariya, Masar iyo Soomaaliya wuu la heshiiyey, oo weliba mid kasta booqasho ayuu ku tegay. Eratariya wuxuu gacanta u geliyey dhulkii aynu ku dagaalanay ee boqolka kun ee askari nagaga dhinteen. Ninkii Isayaas Afwarqi ayuu ku casuumay gurigii aad dalka ugu talinaysay oo kursigaagii ayuu isku kala ballaadhinaayey

Males: weynee, ma taasi ayaa inoo dambaysay. Ninkan Abiya xaguu ka helay awoodan?

Cabdi: Maraykanka ayaa wata oo isagaaba sheegay oo yidhi cidna ima horjoogsan karto. Waadigii ogaa inuu Maraykanka kugu qaniinay markii aad Shiinaha Itoobiya keentay. Markaa waa aargoosi-siyaasadeed oo dibada ah

Males: haa waan gartay. Adiga xaalkaagu waa sidee?

Cabdi: Aniga xilkii xoog ayuu igaga qaaday, markaasuu xabsi guri I dhigay, ka dibna xabsiga ayaan haatan ku jiraa.  Waxaanu igu furay dacwad ah, maxaad mucaaradka jeelasha ugu gurtay.

Males: oo yaa madaxweyne looga dhigay Soomaalidii Itoobiya?

Cabdi: Nin Mustafe Cumar (Cagjar) la yidhaa, oo weliba aan qudha ka jaray mid ay walaalo ahaayeen.

Males: sow kii inaga soo horjeeday maaha ee qoraallada inaga samayn jiray, ee inta badan shisheeyaha la shaqeyn jiray?

Cabdi: haa waa isagii, oo afkaarta Oromada ku shaqaynaya

Males: Ciidankii deegaanka ee Liyuu Boolisku maxay ku dambeeyeen?

Cabdi: waxa iigu war dambaysay markii aan ku idhi deegaannadiinii tago, oo haddii aad khatar gashaan duurka gala oo jabhadeeya.

Males: haddaba adigaa adduunkii jooga oo weliba muslim ah oo fursad haystee toobad-keen, anigu cadaab ayaan ku jiraaye. Waxba kuuma qaban karee.

Cabdi: Sidii aad u shaqee tidhi ayaa sidan ii gashay ee anigaaba Islaam faasiqa ahaaye, haddaan jeelka ku dhex toobadkeenayaa.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan,

Calicoomay@hotmail.com