Mareykan iyo IIraan: Laba abeeso ee dhiiggayg jaqaayey, maanta ma is cunayaan? (WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder)

Mareykan iyo IIraan

Laba abeeso ee dhiiggayg jaqaayey, maanta ma is cunayaan?

Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xuseen, labadii barakeeyey xasuuqa suuriya iyo ilaalinta Bashaar Alasad, labadii Yemen dumiyey ee Xawthiyiinta u gacangeliyey, labadii, hadda waa labadii.. ayaa maanta siyaasad xumida Taraam awgeed is khilaafsan!

Mareykanku waa cadow, Chine waa cadow, Ruushku waa cadow, Iiraanna waa cadow, dhammaantooda waa awoodo danahooda dhaqaale iyo caqiidadooda u dulleeya oo u dulmiya ummadaha kale.

Afartaasiba xasuuq iyo dabargoyn ayay ku hayaan muslimiinta, waxaana ugu dhib badan Maraykanka, isagaana ugu awood badan uguna saameyn badan.

Dhab ahaanse marka taariikhda wax lagu qiimeeyo, caqiidada la eego, aadminnimada iyo dhaqanka la fiiro geliyo, saddexda kale waa Ruushka, Chine iyo Iiraan ayaa ka cadaawad xun Maraykan, hase yeeshee fursadda uu Maraykan awooddiisa ku helay ayaanay iyagu weli mid la mid ah helin, hadday helaanna way ka dhib badnaan doonaan.

Iiraan iyo China haddii ay awoodaan waxa ay dumin doonaan goobaha cibaadada ee Muslimka oo dhan, waxaanay xasuuqi doonaan cid kasta oo Alle ku caabudda diinta Nebi Muxammad-scw- Sida imikaba xaalku ku dhowyahay dalalkooda.

Sheekh la odhan jiray Cabdalla Sactar oo masjid weyn oo magaalada Sanca ku yaalay ka khudbayn jiray ayaan ka bartay (اللهم سلط الظالمين بالظالمين، وأخرجنا من بينهم سالمين), Allahayow daalimiinta isku sallid oo naga dhex saar annaga oo nabadqabna.

Waxa aad iyo aad u fiican oo inala gudboon inta aynaan cid taageerin ama colaadin in aynnu sooyaalka taariikheed ee ciddaas, istiraatiijiyaadkooda siyaasadeed iyo rumayntooda caqiido ee dhabta ah ku miisaanno waxa aynnu metelaynno ee dad iyo diin ah, oo aanay cadaawad aynnu cid gaar ah u qabno iyo caaddifadi ina indho tirin.

 

Alle muslimka ha u hiiliyo oo ha tabantaabiyo, tawfiiqdana ha ina waafajiyo- Aamiin.

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder