Waxbarashaddu kama soo hadho sharciga,iyo Akhlaaqiyaadka guud ee lagu uruuriyey maggaceeda.Bulshadda oo ay dhex u tahay ayaa haddana u kala fadhida dabaqado kala duwan dhanka Dhaqaalaha iyo nolosha,Marka dad badan oo Faa,ido raadis ahย ย uguna tun buuran dhanka lacagta bulsha ay gacanta ku dhiggaan xarumaha waxbarashadda dalka kana shaqeeyaan waxbarashaddii la wada lahaa,waxa ay sii korineysaa sinaan la,aanta iyo cadaalad darrada taasi oo keeni doonta in waxbarashadii ay dhaqaalihii bulshaddana ku tumato.
saxnimada waxey tahay in ardey kasta dawladiisa ka helo waxbarasho iyo dugsiyo mujtamacu wadda leeyahay oo kor u qaada tayada,kalsoonida iyo mustaqbalka da,yarteen,waxaase dugsiyaddii dawladda loo arkey meelo loogu tallo galay dadka danyarta ah iyo dabaqadaha hoose ee bulshadda.2004 wixii ka horreeyey isha qudha ee waxbarashadda iyo mustaqbalka ardeyga dalkeenuย ย waxey ku xidhneyd waxbarashadda dawliga ah iyo isgoolaadka xukumadda,hase ahaate maal gelinta iyo culeyska koriin ee muwaadiniinta dalka ka imanaayey ayaa wuxuu sababey in hannaanka waxbarashadda dalku noqdo mid gacanta ku gala dadyow aad u badan iyada oo u halkaas ku dumey waxbarashaddii keliya ku tiirsaneyd Dawladda,wixii wakhtigaasi ka danbeeyey isgoolaadka dawladda waxa lagu dhalliili jireyย ย macallimiin niyad jabsan oo akhlaaq daran,ardey dugsiyadda ka baxeysa oo suuqa galeysa,habsan badan iyo maqnaansho dhanka ardeyda iyo macallinkaba ah.
20kii sanno ee ugu danbeeyey waxbarashadda somaliland waxa ay aheyd mid u sii kala baxey una kala safaneysa waxbarashadda dawliga ah oo noqotey maggac aan muuq laheyn iyo mida gaarka loo leeyahay,taasi oo sababtey laba waxbarasho iyo laba nololood iyo laba khibradood oo kala duwani in ay isla dalkeena ka hano qaadaan.dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyo waxbarashadda gaarka ahi intii ay hano qaadey waxa ay maalgelin iyo koriin ku sameysey nolosha bulshaddeena iyaga oo isbeddel muuqda oo loo qaadey dhankaย ย dhaqan, dhaqaale iyo waxbarashaba sameeyey,hase ahaate dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyo waxbarashadda sida madaxa bannaan la isaga maamushaa waxa ay bulshaddii dalka ku keentay dabaqado iyo kooxo dhanka awoodd dhaqaalaha uga muuqda waxbarashaddii,dabaqadaha waxbarashaddoodi abuurtey waxa ay noqdeen kuwo dhaqaalaha iyo lacagtu kala kaxeeyo oo aan isugu xidhneyn si ka baxsan lacagta ilmaha laga qaadaayo.Inta kaliya awoodda in ay bixiyaan lacagahooda ayey gaar ugala baxeen bulshaddii iyaga oo ammaan iyo bogaadin aan xad laheyn u saarrey ardeydaasi kana dhigey kuwa keliya ee dalka wax barta,waxaaney dalkii ku beereen kooxo iyo dabaqado isugu awoodd sheegta lacagta adag iyo heynta iyaga oo bulshadda tusey in ay xoog u jecel yihiin lacagta iyo maalka,fikirkaasi oo ah mid aan sinaba waxtar ugu laheyn waxbarashadda guudย ย ee dalka.
Jiritaanka waxbarashadda gaarka loo leeyahay ee dalka ka hano qaatey waxa ay curyaamisey oo ay sharaf ridey waxbarashadda dawliga aheyd ee bulshadu wada laheyd oo shax guurtey,waxaana dhalliisheeda leh xukumadihii talada dalka isaga kala danbeeyey oo aan dedaal uย muujinin.inย Dawladdeenu awooddi weydo guud ahaan baahiyaha ardeyga muwaadinka ahi qabo waxa ay ku keentay in mujtamac badani ay isaga digo rogtaan ishana ka laliyaan isgoolada dawliga ah markii waxba laga qaban waayey dhawaaqyadii baxaayey,tayo daradii iyo baahiyihii jirey.
Dugsiyadda gaarka loo leeyahay kama madax bannaana shuruucda dalka iyo sharciyada waxbarashadda guud ee dalka,waana in lagu soo dabaala xeyn-daabka waxbarasho loo siman yahay una adeegta ardeygeena haddii ay ka xoog bateen kana dheereynayaan.Dabaqadaha bulshadda ee dhanka dhaqaalaha ku kala tagay ayaa iyaguna qeyb ka ah in ay carruurtooda geeyaan dugsiyo amaan aan kala joogsi laheyn lagu sheegay,taasi oo niyad jabka ardeyga danyarta ah ka qeyb qaadaneysa,marka maalqabeenadu ay dugsiyo la hubo ubbadkooda geeyaan cidina aaney ka dhiggan isgoolada dawliga ah waa ficil si dadban u taageeraya dugsiyada gaarka loo leeyahay.Dugsibaa dugsi ka sharaf badan oo ka wanaagsan waa fariin carruurta iyo ardeyga loo diyaaro.ugu danbeyntii maaha in dugsiyada dawliga ah loo aqoonsado amma loo arko kuwo u furan danyarta iyo dadka hoose ee bulshadda waase in laga dhigga wax bulshaddu wada leedahay dhammaana la isa wada qori karo faqiir iyo taajirba.
Abdifataah M.Ahmed