Marna Yaan magaca SSC-Khaatumo heshiis lagula gelin Fallaagada Laascaanood ka Talisa. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Heshiiska ay wadaan odayaasha ka yimid Kililka Shanaad ee Itoobiya yaan lagu sirmin. Waayo kooxda Laascaanood waxa ay raadinayaan fursad ay Soomaalilaan mar labaad ka helaan oo lagula hadlo magacooda maamul-goboleedka huwan.
= Dhawr jeer oo ay hay’adda Bisha Cas isku dayday inay maxaabiista is-weydaarsadaan Soomaalilaan iyo Fallaagada Laascaanood waxa ay shuruud ku xidheen hal qoddob, oo ah in magaca SSC-Khaatumo lagula hadlo. haddii magacaasi lagulo hadlana waa aqoon la siiyey fallaago ka talisa gobol dalka ka mid ah. Arrintaasina waxa diiday xukuumaddii hore ee talo xumadeedu faraha gobolka ka saartay.