Marwo Nasiiba Sh. Aadan Siiro Waxa ay Haysaa waddadadii Aabaheed. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Nasiiba waa curaddii Alle ha u naxariistee Sh.Aadan Siiro, oo aanu saaxiibo isku dhow ahayn. Wuxuu ugu magac-daray meheradihiisii ganacsi oo ilaa maanta ay huwan tahay. Waxa ay u weyn tahay 9 carruur ah oo uu Sheekhu ifka kaga tagay. 6 hablood iyo 3 wiil. Ugu yaraan 4 Muxaadaro diini ah oo ay qabatay ayaa keenay inay bulshadu soo xusuusato Sherkh Aadan Siiro. Horta barasho wanaagsan Adeero.
Dhawr qoddob oo aan ku aqaanay Sheekha ayaan durba ku arkay Nasiiba. 1. Hadallada oo si deggan loo soo bandhigo. 2. Xubinta hadalka oo aanay seegin markay hadlayso. 3. Tusaaleyaal xidhiidh la leh hadba mowduuca laga hadlayo. 4. Dhiiranaan iyo kalsooni ka muuqata markay ku jirto hadal-jeedinta. 5. Saameynta ay yeelatay maalmihii koobnaa ee ay muxadarada diiniga ah ay jeedisay. 6. Kasbasho bulsho oo deg deg ah.
Like

Comment
Send