Mashaqadii Hablaha Farxadda Ka Maydhay! (WQ: Ismaaciil Xaaji Ciise )

Xilli barqo ah oo qorraxdu kulushahay xilliguna kulayle bishii Dirir cawleed yahay ayaan bas ka mid ah basaska waaweyn ee Shirkadda Bari iyo Galbeed ka soo raacay magaalada Burco, waa gu’gii 2017 oo dalka iyo dadkuba ka soo doogeen abaartii Sima ee muddada saddexda sano ah dhulalka Soomaalida wada martay. Kuraasta hore ee baska ayaan mid ka mid ah fadhiistay. Kursiga aan fadhiyo midka la siman ee dhanka kale kaga yaalla baska waxa fadhiya laba hablood muuqaal ahaan isle’eg isuna eeg oo aragtida ugu horraysa ba aad garanayso in ay walaalo yihiin. Waqti aan badnayn kolkii aannu baskii diyaar ku ahayn ba waxa la gaadhay goortii uu dhaqaaqi lahaa ka dibna inta albaabka loo xidhay ayuu nala dhaqaaqay. Xawaare dhaqso badan ayaannu magaaladii Burco kaga soo baxnay, labada hablood ee kursiga ila deriska ah fadhiya waxa foolkooda ka muuqda farxad aad u heer sarraysa, sheekadooda, hadalladooda, kaftankooda iyo mararka qaar xataa faraka ciyaarkooda ayaa aniga iyo dadka la deriska ah ba marar badan mashquulinaya.

Yeelkood, dadka baska la socda cidina dan kama laha oo dadka badankoodu daawashada dhulka abaarta ka soo doogay ee cagaarka qurxooni seemaalay ayay mashquulisay, aniga oo dadka ugu dhowna igama qasna oo farxaddooda mid le’eg ama ka badan ayaan la noolahay, subaxdaa, mayee maalintaa oo dhami ba waxa ay ii ahayd maalin farxadeed sababo dhawr ah awgood. Sheekada aan dib idiinku celiyee markii aannu magaalada Burco soo dhaafnay ba labadii hablood mid ka mid ah ayaa taleefan dirtay, ” Helo Aabbe, hadda ayaannu Burco ka soo baxnay, waannu fiicannahay, waa aniga iyo hebla (magacii inanta kale), ma heblaayo ayaan kuugu dhiibaa?” Inantii labaad ayay taleefankii u dhiibtay, “Helo Aabbe, Aabbe aad baannu u fiicannahay, Aabbe ma Berbera ayaa mise waad baxday? Haye, hawshii ma kuu dhammaatay? ……..” hadal ayay muddo wadaageen ka dibna taleefankii ayay dhigeen, sheekadoodii kaftanka u badnayd oo walaalnimo wanaagsani ka muuqato ayay halkii ka sii wateen.

Labadii hablood marwalba oo aannu meel soo gaadhno waxa ay la hadlayaan aabbohood iyaga oo uga warramaya halka ay marayaan iyo xaalka socdaalkooda, “Helo Aabbe, hadda ayaannu Sheekh soo gallay, Helo Aabbe hadda waannagaa Huddisa marayna, Helo Aabbe hadda Berbera ayaannu soo gallay, Kaantaroolka ayaannu immika soo dhaafnay iwm”. Goor duhur ah ayaannu magaaladii Berbera soo gallay, jawiga magaaladu aad iyo aad ayuu kulul yahay, baskii waxa uu soo istaagay xafiis Shirkaddu ku leedahay badhtanka magaalada, muddo aan badnayn ayuu taagnaa, dad aan badnayn ayaa magaalada ka soo raacay, sida aan filayo cid kaga degtayna waa ay jirtay. Dadkii baska raacayey dhammaan baskii ayay soo koreen, basku hadda waa iska taagan yahay, rakaabku kulaylka magaalada ayaa ay dhibsanayaan, waxa ay sugayaan in albaabka la xidho si uu u dhaqaaqo kulaylka daran na looga cararo, muddo kale ayuu sii taagnaaday, kulaylka jira awgii dadku ilbidhiqsiyada ayay tirinayaan, dhawr qof ayaa wadihii halmar la wada hadlay, “Waar meesha naga dhaqaaji, maxaad qabanay?! Wadihii hal jawaab ayuun buu bixiyey ah suga waa dhaqaaqaynaaye, xaalka oo weli sidii ah ayaa waxa baskii soo koray nin oday ah, waa da’da u dhexaysa 50-60 jir. Muuqaalka oogadiisa marka aad aragto waa aad yaabaysaa, indhaha ilwaliba bannaanka ayay timi, waxa aad u qaadanaysaa in uu maanta oo idil ilmaynayey oo indhihii casaadeen, shaadhka badhimadu waa u furan yihiin, ilkaha labada miciyood inta u dhexaysa oo aad mooddo in toban ilig ku jireen waa maqan yihiin, waxa uu soo daaqay oo si waalli ah u soo daaqay caleenta geedka Qaadka oo cagaarkeedii dibnaha afka ilaa gadhka meel ba wax ka gaadheen, markaa uu baska soo gelayo waa uu daaqayaa, waxa daba socda wiil dhallinyaro ah, waxa uu u sidaa sharaab, biyo, iyo bac uu ku jiro qaadka noociisa aadka u dhaadheer. Dadkii baska la socday oo muddo ba dhawrayey waxa la sugayo waa ay soo wada jeedaan waana aamusan yihiin, baskii soo kor, mar ba dhinac eeg, waxa uu arkay kursigii labada hablood ee ila deriska ahaa ka dambeeya oo bannaan, kursigii ayuu fadhiistay, wixii uu sitay ee qaad, sharaab iyo biyo lahaana badhna dhabta ayuu saartay intii soo hadhayna sagxadda baabuurka oo ah barta uu lugaha ku hayo ayuu dhigtay. Labadii hablood ee farxadda, sheekada, kaftanka iyo hadday doonaan ciyaarta baska ku olkinayey markii ay odagya indhaha ku dhufteen ayaa midi hoos u jeesatay middii kale na daaqadda baska oo furnayd madaxa ka ridday oo bannaanka madaxa iyo wejiga u saartay. Odaygii kursigii fadhiisay, ka dibna dadkii baska oo soo eegaya ayuu marba dhinac indhaha ula raacay, baskii waa dhaqaaqay, hablihiina kurigoodii ayay aamusnaan iyo sanqadh la’aan madaxa hoos u rogeen. Muddo dhawr daqiiqo ah ayaa aan eegay, isaga laftiisu wuu arkay in aan xoog u eegayo, dhawr jeer ayaa indhahayagu isku dhaceen, dhididka jidhkiisa ka shubmaya ayaa dharkiisii wada qooyey, waxa aad ba mooddaa in baaldi biyo ah dusha lagaga shubay. Sidii ayaannu magaaladii Berbera kaga soo baxnay.

Hablihii farxaddii waa ka duushay, qosol iyo hadal dambe lagama maqal laguma arag, madaxa ba kor uma qaadayaan, ilaa hadda ma jirto cid si fiican u fahamtay dhibta hablihii haleeshay, anigu waxa aan u fahmay in ay odaygan dhibsadeen, dabcan odayga waa ay dhibsadeen laakiin sabab? Waxa aan u fahmay in ay ka cabsadeen inuu hadalkooda iyo sheekadooda dhibsado oo ay is qabsadaan, laakiin xaalku sidaa maaha e aan waqtiga dhawrro.

Hadda waxa aannu soo gaadhnay goob magaalada Berbera ka durugsan oo bannaan ah, goobta roob ayaa helay, kulaylkii Berbera in laga nasto ayuu wadihii baabuurku jeclaystay, goobtii ayaannu istaagnay, dhammaan dadkii baska saarnaa dhulka ayay taabteen oo waa laga wada degey, muddo aan badnayn kolkii aannu goobtii joognay waxa jidka soo maray kolanyo baabuur ah oo gelbinaya madaxweynihii xilligaa ee Soomaalilaand Axmed Siilaanyo oo Berbera u socda. Dadkii baska saarnaa markii ay baabuurtii arkeen oo garteen waa ay salaameen, Axmed Siilaanyo na dadkii waa salaamay, qiyaastii waxa uu ba noo fahmay in aannu isaga salaamtiisa waddada uga baxnay baabuurkana uga degnay. Markii ay noqotay in baskii la fuulo si aannu u dhaqaaqno ayaa qof waliba halkii uu markii hore fadhiyey fadhiistay, labadii hablood halkoodii ayaa ay fadhiyaan, anigu halkaygii ayaan fashiyaa, qof walba oo baska la socdayna halkiisii ayuu fadhiyaa. Odaygii waa hadda ayuu baskii soo fuulay, labadii hablood oo hoos u jeeda ayuu indhaha ku qabtay, wuu eegay, hadda na wuu dhaqaaqay, mar kale ayuu eegay, hablihii waa ay arkaan in odaygii iyaga eegayo laakiin xataa dhankiisa uma soo jeesan. Waa uu la hadlay, ” Ma heblaayaa?” Inantii dhanka odaygu taagan yahay soo xigtay ayaa la hadashay, “Haa Aabbe”, “Heblaayo Aabbe ma fiicantahay? Oo Heblaayo na waa tane, ma kan baad la socoteen”. Inantii oo aan xataa dhankiisa soo eegin codkana aad hoos ugu dhigaysa ayaa tidhi ‘Haa Aabbe”.

Inantii dacalka fadhiday iyadu maba soo eegin mana hadlin. Halkaa marka uu xaalku marayo ayaa aan garwaaqsaday in odaygani yahay labadan hablood aabbohoodii Berbera joogay ee ay saaka tobanka jeer la soo hadlayeen hadba xaalkooda iyo halka ay marayaan na la socodsiinayeen iyaga oo faraxsan! Yara joogso, isweyddii sababta hablaha aabbihii ay la hadlayeen iyaga oo faraxsan araggiisa uga dhuunteen ee ula hadli waayeen farxaddiina uga duushay firfircoonidiina u suurtay ee loo waayey?! Aabbihii ay marwalba farxadda kula hadlayeen dadka dhexdiisa ee baska oo idil laga maqlayey maxaa ay xataa salaamtiisa uga masuugeen ee ugu dhici waayeen? Dhibta jirtaa maxay tahay? Saacaddaa hablahaasi maxay ugu jeclaan lahaayeen? Haddii ay ogaan lahaayeen in aabbohood baskan Berbera ka sii raaci doono ma u malaynaysaa in ay Burco ka soo raaci lahaayeen iyagu mise midka ka dambeeya ayaa ay sugi lahaayeen? Ma kula tahay in ay hablahaasi aabbohood beddelan lahaayeen haddii ay helayaan meel ay ka beddeshaan iyo cid ay ku beddeshaan? Akhriste maxaad ku tilmaami lahayd “Mashaqadaa Hablaha Farxaddii ka Maydhay?!

Ismaaciil Xaaji Ciise,
Hargeysa, Soomaalilaand.