Mashruucyada Weji-ku-Macaashka iyo Beelaha Soomaalilaan. W/ Q: Cali Cabdi Coomay

= Markasta oo ay doorashooyinku soo dhawaadaan, waxa bilaabma dhaqamada loo yaqaan WEJI KU MACAASH. Waa mashruuc ay ku qadhaabsadaan dadka balwaduhu dileen ee dayacay noloshooda iyo tii qoyskiidaba.
= Mashuucadani wuxuu soo bilaabay wakhtiyadii xukuumaddii Daahir Riyaale, oo dibjir kastaa intuu dad la nooc ah soo urursado ayuu magaca beeshiisa huwinayaa. Wuxuu ku hadaaqayaa inay beesha reer hebel ku soo biirtay xisbi hebel. dadkaasi waxa ay sharaftoodoodii iyo dadnimadoodii ku iibsanayaan wax muddo yar lagu qayilo ama lagu tunto.
= Hadallada goobta ay ka sheegayaan, waad naxaysaa markay sheegayaan. ” Waxa xafladda fadhiya mudane guddoomiye, haldoorkii, aqoonyahankii, cuqaashii iyo wax-garadkii reer hebel. Maanta waxa ay cududoodii ku soo biiriyeen xisbiga hebel.”
Marka se aad dhuuxda shakhsiyaadka goobta fadhiyaa, waa afar dibjir oo maalin-la-nool ah, oo Caqligoodu aanu dhaafsanayn, waxa ay maalintaasi cunaan iyo waxa ay ku sakhraamaan.
Like

Comment