Masjidka Aaya Suufiya iyo Heerarkii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray (WQ: Ismaaciil Jaamac)

Aaya Suufiya: Kaniisad; masjid; madxaf; masjid mar kale.

 

Aaya Suufiya waa eray kasoo jeeda afka roomaanka oo la macna ah ‘ ย Xikmadii barakaysnayd/Holy wisdom’. Aaya Suufiya waxa dhIsay boqortooyadii Roomaanka sannadkii 537-tii magaaladii la oran jirey ‘Constantinople’ intii aan laga furan giriigga – hadda loo yaqaanno Istanbuul ee waddanka Turkiga.

 

Aaya Suufiya waxay ahayd kaniisad wadne u ah diinta kiristanka gaar ahaan madhabta Otadhakaska ‘Orthodox’. Markii dambana ahayd kaniisadda ugu weyn ee madhabka Otadhakaska leeyahay. Hilaadii 1453-dii waxa furtay ciidankii uu hogaaminayey Maxamed Al-Faatix oo markiiba Aaya Suufiya ka dhigay masjid. Taas oo aad uga cadhaysiisay dadkii giirigga ahaa iyo kiristankii kale. Boqortooyadii Cismaaniyada ayaa dagaal dhiig ku daatay la gashay kooxo ka xanaaqay in Aaya Sofiya loo beddelo masjid. Markii dambe, dadkii giriigga ahaa ee diinta kiristanka haystay laga adkaaday, waxay ku noqotay inay Aaya Suufiya uu noqdo masjid ay dadka muslimiinta ah ku cibaadaystaan. Taas oo ka dhigan inay muddo shan boqol oo sanno inay Aaya Suufiya ahaa masjid ay Cismaaniyadu maamusho. Se, cadhadii ay dadka Kiristanka ah ay ka qaadeen may ahayn mid dhimata. Haddaba markii ilbaxnimadii Cismaaniyada la burburiyey ee reer Yurub u aqoonsadeen ‘ Ninkii xanuusanayey/Sick Man’ waxa Aaya Suufiya u bilaabmatay taariikh kale.

 

Calmaanigii Mustafa Kamaal Atatuuk oo ahaa asaasaha Turkiga maanta ayaa Aaya Suufiya u beddelay madfax sannadkii 1934-tii. Taasi waxay raaligelisay kiristankii cadhaysnaa. Waxayna ahayd fursad ay Istanbuul u heshay inay noqoto meel xaruun u ah dhaqmada iyo diimaha kala duwan. Taas oo ka dhigtay goob looga soo dalxiiso daafaha dunnidda. Muddo siddeetan sanno ka dib, Madaxweyne Rajab Dayib Ordugaan iyo xisbigiisa cadaaladda iyo horumarka (Justice and development Part) ayaa masjid u aqoonsaday Aaya Suufiya dhammaadkii bishii Maay ee inna soo dhaaftay. Markiiba waxay soo baxday isweydiimo lagu haftay oo qaarkood aan jawaab sax ah loo hayn. Weydiinta ugu culus ayaa ahayd, ‘ Maxaa dawladda calmaaniga ah ku riixay inay dib ugu aqoonsato Aaya Suufiya masjid?’ Jawaabaha markiiba laga bixiyey ayaa waxay ahaayeen kuwa ku salaysan danno siyaasi ah oo ay ka leeyihiin Ordugaan iyo xisbigiisa. Danta ugu weyn ee ay ka leeyihiin, waa inay hantaan quluubta bulshada muslimka iyo dalalka islaamka. Taasi oo Turkiga uu dib ugu soo ceshan karo kaalintii uu ku lahaa caalamka islaamka. Se, waxay dib uga cadhaysiisay bulshada Kiristanka iyo Yuhuudda oo u ahayd Aaya Suufiya goob ka dhexaysa. Maanta oo Jimca ah ayaa salaadii Jimce lagu tukaday waxana soo xaadiray dad lagu qiyaasay kun qof. Aaya Suufiya murankeedu halkuu ku dambayn doonnaa? Waa weydiin taagnaan doonta inta la nool yahay!