Tobankii sanno ee ugu danbeyey Somaliland waxa caado noqotey munaasibadaha iyo goobaha bulshadu ku kulanto, xafladaha, daah-furrada goobaha cusub, munaasibadaha qalin-jebinta ardayda. Waxa hab-dhaqan inoo ah in lagu soo martiqaado masuuliyiin ka socota dawladda, xisbiyada mucaaridka, ganacsato iyo dhammaan qaybaha bulshada inteeda badan. Munaasibadba ta ay ka masuuliyiin iyo wasiiro badan tahay ayay ka culays iyo xajmi weyn tahay sida dadka badankoodu aaminsan yihiin.
Haddaba qiimaynta la qiimeeyay masuuliyiintaa iyo maxsuulka hadallada ay ka jeediyaan waa laba aan is waafaq-sanayn oo aan isku jaan-go’neyn. Masuul baa wuxuu ka soo qeyb-galayaa oo lagu soo marti qaadayaa munaasibad dhallinyaro isaga oo laga filayo in uu la yimaaddo oo uu la jaan-qaado filashada iyo rajada ay ka filayaan hadalkiisa dhallintaas dhagaysanaysaa. Waxaa looga baahnaa in uu inta aanu iman isa sii waydiiyo su’aalo ay ka mid yihiin munaasibaddu maxay ku saabsan tahay? Masuul ahaan se maxaa lagaa filayaa? Wax qorshe ah ma u haysaa? Haddii aad ballan-qaadyo samayso ma hirgelin kartaa?
Sidaasi se ma dhacdo oo marka hore wakhtigii marti-qaadka ee ku xusnaa kaadhka masuulku inta badan ma ilaaliyo oo muddo saacad ama ka badan ayuu dib u soo dhacaa. Marka uu yimaaddo ee cod-baahiyaha lagu wareejiyo ee uu salaamo marti-sharafta ku sugan madasha, qodobbo u diyaarsan lama soo baxo ee wuxuu isticmaalaa “hadal oo ha daalin” ama u-jawaabid mucaarid. Kolba mawduuc ayuu isku qaadaa. Isaga oo aan mowduucii hore dhammaystirinna wuxu u boodaa mid kale. Isma dhagaysto oo waxan uu ku hadlayo haddii hadhaw la waydiiyo waxaa laga yaabaa in aanu si fiican u wada xasuusan karin. Xafladdii qorshaha ku socotayna wakhtigii ugu badnaa isaga ayaa ka qaata. Marka xidhiidhiyaha xafladdu soo koob yidhaahdana “waxa aan ku soo gabogabaynayaa” ayuu yidhaahdaa si uu isaga kaxeeyo xidhiidhiyaha, hadalkiisuna dib uun buu u sii karaar-qaataa ilaa uu daalayo.
Waxaa laga yaabaa in uu laba daqiiqo gudahood hadallo is-burinaya ku hadlo oo iska hor iyo daba imanaya. Way yar yihiin masuuliyiinta in yar oo nuxur xambaarsan ku hadashaa. Haddii uu yahay masuul dawladda ka socda sida xisbiyada mucaaridka ah loogu jawaabo ayuu ku dheeraadaa, masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah badankooduna waxay ku mashquulaan dhaliilaha iyo gal-daloolooyinka dawladda oo waxay ka baxaan ba mawduucii iyo ujeeddadii loo soo marti-qaaday.
Bal u fiirso xafladba ta ay ka masuuliyiin badan tahay bay ka wakhti-dilis badan tahay oo ka mashquul badan tahay, ka daal badan tahay. Masuul kasta oo aad kaadhka u gaysaana shuruudda uu kugu xidhayaa waxa weeye hadal ma ku leeyahay, haddii aad tidhaahdo ‘haa’ inuu yimaaddo ayaa suurta-gal ah, haddii aa tidhaahdo ‘maya’ kaadhkaba kaa qaadi maayo ee xoghaynta u dhiib buu kugu qancinayaa. Xogta ay ka bixiyaan xafiisyadooduna maaha mid ku dhisan xaqiiq waayo war badan ba kama hayo. Masuuliyiintu hal shaqo ayay ka siman yihiin oo ay wada hayaan taas oo ah ammaanta madaxweynaha iyo wax-qabad ka-bad-badis ah oo ay u nisbeeyaan, halkii ay shaqaalaha ugu mahadcelin lahaayeen dedaalka ay sameeyeen.
Taas waxa kadaran, wuxuu sameeyaa ballan-qaadyo loo wada riyaaqo oo aan ku iman ajande iyo ujeeddo balse ay ka keeneen qiirada iyo sacabku, kuwaas oo aanu awoodin fulintooda. Haddii uu ku dedaalo waxa laga yaabaa in uu fulin kari lahaa, balse wuu fududeysanayaa.
Masuuliyiinta sharafta leh waxaan ka codsan lahayn in ay naga daayaan ballan-qaad ma-dhalays ah oo wuxuu awoodo ama dawladdiisu awoodo uun ha noo sheego, ha na ka dhabeeyo. Yididiillada, kalsoonida iyo rajada ha ka dilina dhallinyarada aad hadh iyo habeen ballan-qaadka xaqiiqda ka fog ee qiiraysan ka buuxinaysaan
Hoos ka akhriso maqaal hore oo uu qoray Maxamed Jaamac Meygaag “Maxamed-Action”
Hargeysa