Maxa sababay in sidii dal la aqoonsan yahay loo qaabilo weftiga madaxweynaha Somaliland? (WQ: Barkhad Maxamed Cumar)

Siyaasadu waa danno hadii danno laga dhex arkana sidii aad rabta lagu yeellaya.

Baryahan dambe dalalka quwadaha is biday ayaa danayanyey Somaliland, iyadoo qiimaynaya amniga ka jira iyo istaatijiyada ay ku taallo, waad ogaydeen oo baryahan dambe Ruushku wuu danaynayey inuu saldhig ka samaysto biyaha Somaliland, Maraykanka oo is hayaanna waxa uu garabka soo taabtay Itoobiya si isna ruushka uga badiyo.
Maraykanka iyo Itoobiya oo wada socdaa waxay la socdeen sida dalkan aan ictiraafka lahayni u saamaynayo dalalkii la jaarka ahaa ee ka waaweynaa, waxa jira khataro badan oo ay Somaliland ka badbaadisay Itoobiya, maadama oo itoobiyadan cusubi ahayn itoobiyadii hore oo dusha mooye aanay imika hoosta ka dhisnayn,maadama oo qoomiyadaha ku nool Itoobiya sidii hore isku ahayn, taasi waxay keentay in Itoobiya iyo Maraykankuba doonaan inay xidhiidh sidii hore uga dhow la sameeyaan.

Sidoo kale, Itoobiya waxay isku qancisay in Somaliland wax badan ka tari karto Soomaaliya amnigana ka caawin karto, sidaas darteed uu Somaliland xaga amniga ka caawiso Soomaaliya si loo xasilayo.
Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa beesha caalamku saluug ka muuujiyeen siduu wax u maamulayo, ka dib markii maamul goboleedyadii Soomaaliya ee awooda lahaa ay caloobeen, isla markaana deegaanka ii uu ka soo jeeday madaxweyne Farmaajo is haystaan ciidamo isaga taageersan iyo kuwo wasiirkii arrimaha Gudaha ee Jubbaland ee Janan taageersan, taasina waxay sababtay in uu Farmaajo dhinac walba dab aanu wali xal u helin iskaga kiciyo, taasina waxay fursad siisay Biixi oo caalamku u arkeen in lala shaqayn karo.
Waxa kale oo xusid mudan in doorkii hore ee uu Itoobiya tagay Madaxweyne Biixi sidii loo soo dhoweeyey ay ka biyo diiday dawlada Soomaaliya, taas oo cabasho ka gudbiyeen, iyadoo taasi jirto in mar labaad si ka sarayso loo soo dhoweeyo oo protocol sareeya lagu qaabilo waxay tilmaam u tahay inuu jiro danno ka weyn ka soomaaliya ka leeyihiin inuu jiro.
Sidoo kale, dalal badan oo afrikada galbeed ku yaalla iyo madax kale ayey kulamo aan la shaacin ku yeesheen magaaladda Adis, taas oo la filayo inuu dhowaan safaro ku tago ka dib markii uu casuumado ka helay.
Madaxweyne Biixi ayaa isna dalalka danaynaya shuruudo ku xidhay si isna danaha uu wato loo tixgaliyo.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: one or more people, people sitting, living room, table and indoor