Maxa sababay in wakhtigan uu raali galin bixiyo madaxweyne Farmaajo? (WQ: Barkhad Maxamed Cumar)

Si aynu u fahanno sababta imika ka keentay raaligalinta aynu iswaydiino su’aalahan:

Markii uu madaxweynaha noqday ee uu cusbaa maxa uu u bixin waayey raaligalinta ??

Saddex sanno ka dib markii ay kulmeen madaxweyne Biixi laba cisho ka dib muxuu raaligalinta u bixiyey ?

Markii uu xilka qabtay hadii uu raaligalintan bixin lahaa mid la soo dhoweeyo oo uu taariikhda ku gallo ayey noqon lahayd, laakiin saddex sanno ka dib gabogabadii muddo xileedkiisa way adag tahay in laga aqballo.

Sida muuqata raaligalintan wax Farmaajo ka yimid maaha ee waa mid ka timid Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaanay ku dhallay ka dib markii uu kulansiiyey madaxweyne Biixi iyo madxweyne Farmaajo.

Inay labadoodu kulmaan waxa muddo iskaga dab qaadayey Abiy Axmed, markii ay magaaladda iskugu yimaadeen ee uu Biixi usoo jeediyey inay kulmaan, Biixi wuu ka gaws qaniinay, isagoo ku sababeeyey in madaxda Koonfurta garowsiyo ka bixin dhibtii ka dhacday Somaliland ee magaca dawlada lagu gaystay.

Markii ay isku yimaadeen dooda uu Biixi kaga gar helay waxay ahayd garowshiiyo la’aanta iyo in aanay wali madaxweyne soomaaliya ahi arintaasi raaligalin ka bixin, taas oo Abiy Ahmedna garwaaqsaday in wixii dhib dhacday ay qaado dawlada Soomaaliyo oo raaligalin ka bixiso si hore loogu socdo wada hadaladda, inta aan wixii dhacay raaligalin laga bixin ay adag tahay in la sii wada hadlo.

Marka Raaligalintan Madaxweyne Farmaajo waxa ku dhaliyey Saaxiibkii Abiy Axmed maadaama oo uu khabiir ku yahay heshiishiinta khilaafyada Afrika, taas oo uu bilad ku qaatay, waxaanu yiqiinsaday in kulamada kale iman karaan marka khaladkii dhacay qirato dawladda Soomaaliya.

Waana sababta wax natiijo ah ka soo bixin kulankii labadda madaxweyne, maadaama oo uu Biixi ku dooday in aanu wada hadal iyo is hor fadhiisi la yeelan Karin masuul dafariya wixii dhacay.

Abiy Axmed waxa ku adkaatay inuu is hor fadhiisiiyo labadda madaxweyne, iskada inay wax ka soo baxaanne, si hawluhu u fududaato waxay tallo noqotay inuu Farmaajo raaligalin bixiyo oo khaladkii dawladii hore gashay qirto si hore loogu sii socda wada hadaladda.