Maxaa sal u ah ku-dhaqan-la’aanta Soomaalida ee shuruucda? (WQ: Ibraahim Khadar)

Hordhac

Xeer marka aan idhaahdo waxa maskaxdaada ku soo dhacaya qodobo amma xayndaab qofka ka gudba qabanaaya amma ciqaab maaliyadeed amma xadhig uu ku mutaysanaayo amma ay ka dhalanayso in qofku wax ku waayo.  Soomaalidu waata ku maah maahda ‘Xeer wax ma dhaafo, lamana dhaafo’ mar kale waxay yidhaahdaan ‘Xeer waa dayr iyo dallad’ amma ‘Gardiid waa Alle diid.”

Koomkan Alle abuuray waxa ku dul nool quruumo kala gedisan oo mid kastaba hab nololeed iyo dhaqanno u gaar ah leedahay. Dhaqannada iyo hab nololeedka bulshooyinka caalamka waxa ka dhasha xeer ay isku maamulaan.

Sidoo kale, xeerarka hab-nololeedka bulshada ka dhasha ka sakow, waxa jira diimo samaawi ah (Tawraad, Injiil amma Sabuur) oo leh xeer ka dhasha, tusaale ahaan Diinta islaamku waxay isugu qoofalan tahay  Sunnada iyo Kitaabka. Waxa kale oo ay isku fuuqsataa waxyaabo badan oo nolosha ah, halka sharciyada dad sameega ah ay mabda’ ahaan ka duulaan dabeecada guud (Public Behavior), balse ah shareecada waxa  lagu dabakhaa Dabeecada guud (Public Behavior), hab-dhaqanka gaar ahaaneed (Private behavior) iyo caqiidada (Believe).

Hadda ila soco oo ha iga hadhin aan hoos kula daadagee;waxa kale oo jira xeer dhaqameed bulsho kasta oo adduunku guudkiisa ku nool ka dhaxlaan awoowayaashood. Dadka qaarna waxa ay u yaqanaan ‘Caddaaladda Reer-guuraaga’ (Pastoral Justice). Inta badan waa hab ku yimaada heshiis bulsho meel ku dhaqan isla gaadhay oo ka dhasha xaalad dhex marta laba qoys amma qabiil, sida in xoolo la iska dhaco, in gabdho la kala kufsado amma in qudh-gooyo dhex marto, wixii markaas lagu xukumo waxa ka dhasha xeer dhaqameed si joogto ah loogu dhaqmo oo haddii ay xaaladaas oo kale timaado dib loogu mareeyo (Prociding case/Case law).

Xeerarkaas marka laga yimaado, dunida waxa jira xeerar dad samee ah oo ay bud-dhigooda lahaayeen amma ka soo unkamay boqoro doonaayey in ay dadka u samaystaa xayndaab aanay ka gudbi karin si ay ugu ilaashadaan kursigooda amma madaxtinimadooda. Xeerarkaas habka kaligii talisnimada ah ku yimi waa kuwa hooyada u noqday Xeerarka dunida in badan oo ka mid ah lagaga dhaqmo waqtigan (Statuary law, manmade law and Secular law) magac kasta ha loogu yeedhee.

Tusaale ahaa xeerka la yidhaa “Hammurabi Code” amma Babylonian Law code waa xeer ay ku dhaqmi jireen boqortooyadii Mesobatamiya (Mesopotamia).  Taariikh ahaan waxa uu dib ugu noqonayaa amma lagu tilmaamo in la sameeyey ku dhawaad 1754 BC. Waa mid ka mid ah xeerarka qoran ee ugu baaxada weyn. Boqorkii Babylonian-ka oo la odhan jiray Hammurabi ayaa hirgeliyey. Xeerkan intiisa badan waxa uu u qornaa dhagax toddoba iyo badh fuudh ah iyo dhagaxaan kale oo dhooqo ka samaysan oo dunida yaala ilaa hadda. Xeerkan waxa uu ka kooban yahay 285 sharci oo isugu jira ciqaab, ganaax. Hammurabi  waxa asal u ah hal-ku-dhig ah ‘An Eye for an Eye, a tooth for a tooth” oo macnaheedu yahay “Il waxa loo ridaya il, iligna ilig.”

Waxaanad mooda in Aayada Qisaasta (Surah Al-Ma’idah 5:45) is waafaqsan yihiin. Boqorka Xeerkan sameeyey waxa uu boqortooyada Mesobotamiya (Mesopotamia) xukumaayey 42 sannadood oo ka bilaabmaysay 1792-kii ilaa 1750 Bc, waxaannu xeerkan ahaa mid aad u adag oo badan oo cabudhin loogu talagalay ( The Human Record, Andrea & Overfield 2005)

Geesta kale, waxa jira  taariikhyahannadu ku doodaan in xeerka ibnu aadam sameeyo uu ugu da’ weynaa sharci lagu sameeyey magaalo qadiimi ah oo la odhan jiray Ebla oo Suuriya ku taalay. Xeerkan waxa la odhan jiray Xeerka caddaymaha (Evidence of Law code), taariikh ahaana wuxuu sooyaalkiisu ku noqonayaa 2400 B.C.E, ku dhawaad wuxuu 600 amma lix qarni ka horreeyey xeerka Hammurabi.

Wixii intaa ka dambeeyey waxa dunidu samaysatay xeerarka dad sameega ah oo waxa aad moodaa in boqorto kastaba madaxda amma boqorada iska dhaxasha xeer iskood u samaysanaayeen, intii ka dambaysay ee dawladaha dimuqraadiga ah yimaadeena xeerarku waxaabay noqdeen kuwo aan tirsi lahayn oo inta dawlad kaliyi leedahay ee Barlamaankoodu amma Hay’adeeda sharci-dejintu u sameeyeen baan tiro lahayn.

Soomaalidu waxa ay ku soo dhaqantay saddex qannuun (Shareecada, xeer-dhaqameedka iyo sharciga dad sameega ah), ilaa hadda saddexduba way is barbar socdaan, tusaale ahaan Xeer-dhaqameedku waxa uu ka turjumaya xeer boqortooyo, shareecada waqtigii islaamku so gaadhay ee ka horreeyey qarnigii 7aad bay si fiican u qaateen (Inkastoo ay jiraan qorayaal iyo taariikhyahano ku dooda in Soomaalidu Islaamnimada Carabta kala Timi), halka xeerka dad sameega ahna Ingiriisku 1889-kii Somaliland ku soo rogay, Talyaaniguna xeerka u gaarka ah uu ku soo rogay Soomaaliya.

Haddaba, qormadeenan waxa aynu ku lafa guri doona Soomaalidu sababta ay sharciga dad sameega ah ugu dhaqmi wayday, maadaama ay dawlad dimuqraadiya ah ku dhawaaqeen? Xeerarka kala duwan ee Soomaalidu ku dhaqanta sabab ma u yihiin dhibaatadan? Maxa xal ah ee la gudboon si sharcigu u shaqeeyo?

 

Sababta Soomaalidu Sharciga ugu dhaqmi Wayday

Guumaysiga ka Hor

Soomaalida taariikhdeeda rasmiga ah iyo asal ahaan halka ay ka timi taariikhyahannadu iskuma waafaqsana. Qoraayada Soomaalida qaar badan oo ka mid ah waxa ay ku doodaan in qayb Soomaalida ka mid ah, gaar ahaan Somaliland qabiilka u badan ay ka soo jeedaan Carab, khaas ahaan tafiirtii Nebi Muxamed (NNKHA), waxaana ka mid ah aqoonyahannada aragtidan qaba  Maxamed Cabdi Daa’uud iyo Cabdirisaaq Caqli, halka taariikhyahanno uu ka mid yahay H.S Lewis & Dr. Afra Hersi ay halkaas ka geliyaan Kushiitiga, kadibna Afro-eeshiyaatik (Afro-asiatic), iyagoo luuqada Kushiitiga (Cushitic) ee  Bariga Afrika lagaga hadlo ugu abtirinaaya (H.S.Lewis 1966 & Hersi 1977).

Laakiin, hubaashu waxa ay tahay in Soomaalidu tahay dad isu yimi oo kala tafiir duwan oo magac guud qaatay sida ay kuu caddaynayso in qabiil bam eel ku abtirsado oo ku doodo inuu ka yimi, taariihyahannada iyo qoraayaashunu isugu raaci waayeen haybtooda guud in ay meel ka wada timi iyo asal ahaan halkay ka soo jeedaan. Tusaale, ahaan magaca Soomaali waxa uu markii ugu horraysay intii u dhaxaysay 1414-1429 ka soo muuqday hees uu qaaday nin Itoobiyaana oo la odhan jiray Negus Yeshaq oo uu ugu dabbaaldegaayey guul Abbasiiniya ka soo hoysay dagaal ay la galeen Saldannadii Islaamka ahayd ee Ifat (Dr. Mohamed-Rashiid, 2015, P.29).

Marka aynu ka nimaadno dooda ka taagan asalka Soomaalidu halka ay dabada ku hayso oo jawaab laga gaadhi waayey, maxsuulna ay ka soo saari waayeen qorayaal qarniyo badan baadhaayey, haddana Soomaalidu waa dad dhaqan ahaan, diin iyo af ahaanba isku mid ah.

Soomaalidu wixii ka horreeyey amma ku beegna qarnigii 8aad waxa ay ahayd xoola raacato, ganacsigoodu ku xidhan yahay dhoofinta xoolaha amma haraga iyo dhirta ka baxda dalka ee beenyada iyo fooxa ka mid yihiin. Noloshoodu waxay u qaabaysnayd xoolo raacato iyo kayn jog. Tusaale, ahaan Soomaalidu waxa ay u qaybsantaa afar qabiil oo waaweyn sida Dir, Darood, Isaaq iyo Hawiye oo 70% ka ah Somalida, halka Raxan-weyn iyo Digil ay degaan Shabeelle iyo Jubba oo ah dhulka beeralayda ugu badan ku nooshahay. Qaybahaas oo degaanno kala duwan ku nool, waxa  mid kastaaba leeyahay xeer-dhaqameed u gaar ah oo bulshadeedu ku dhaqanto, gartooda iyo caddaaladooduna ku salaysan tahay.

Xeer-dhaqameedka waxa jaan gooya oday-dhaqameed sida suldaan amma caaqil, waxa kale oo jira guddi xeer-beegti ah oo dhegaysata garta (Gar-cadaawi iyo Gar-sokeeye), waxa jirta in cid gaar ah oo qaadi amma garyaqaan lagu tilmaamo caadil oo garta uu gooyo aan laga furin. Inta badan Guurtida dhaqanyaqaanka ah go’aanka dacwada ay dhegaystaan waxa  lagu saleeyo caddaymaha iyo dooda mudiiciga iyo mudaacalayga iyo waxa uu xeerku ka yidhi amma haddii ay jirtay dhacdo hore u dhacday, haddii ay ugub tahayna markaasaa maaro loo doona, wixii ka soo baxaana uu noqdo xeer reerahaas ku dhaqmaan. Tusaale ahaan Deegaan ahaan Soomaalidu waxay isu qaybsaa amma qaybsantaa Qabiil oo ka guud ah, jilib oo qabiilka ka yar oo 300 qof ka kooban amma Juffo oo ah meel aad u hoosaysa, sidaasna waxa u sii samaysma xeer –dhaqameedkooda oo kala noqda mid heer qabiil ah, mid jilib ah amma mid juffo ah.

Dawladnimo ma ay jirin, waxa meel kasta amma degaan kasta ka talinaayey oday-dhaqameed dadka nabadooda, caddaaladooda iyo maamulkoodaba hayey, nidaamkooda nololeedna waxa uu ahaa mid ku dhisan is-maamul qabiil, xeerkuna wuxuu ahaa xeer la jaanqaadaya qabiilada meel wada degaa heshiisyada ay wada dhigtaan ee ay afka ka gadhaan, wax qoraal ahna ma uu jirin, balse xeer-beegtida u talisa reeraha ayaa xafisanayd. Mararka qaar xeer-dhaqameedku wuxuu fasaxaayey in xoolaha, haweenka, biyaha amma dhul cawseed la dhaco oo laga qaado reer utun amma colaad ka dhaxayso oo xeerku u jideeyey in aargoosiga iyo is duudsigu qannuun u dhaxeeya yahay.

Xeer-dhaqameedku waxa uu isaga soo gudbaa abtirsiin 30 oday ku dhaw (Patrilineal Line), waana xeer aan gaboobin jiil kastana odayada isaga dambeeya isku ababiyaan, reer kastaana leeyahay, isla markaana uu jiro qodobo xeer dhaqameed ah oo uu qabiil kale amma reer kale la wadaago (Leonard, 2009).

Marka laga hadlayo gar xeer-beegti ereyada la isticmaalo waxa ka mid ah gar-muslax, gar-cadaawe, jid, xeer, dacwe, igmasho, gudoon, samatalis, hadimo talis, maah maah, murti, jillaad, booli, didiif (dedafayn), jid-bixin, jid-bixiye iyo erayo kale oo badan oo mid kastabaaba macnahiisa iyo goortiisa la isticmaalo leeyahay.

Murti-Garnaqis ah

Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen caaqilnimo, ka dibna waxay isu tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii, iyadoo ay goortu ahayd goor barqo ah, markii uu halkaa geeyeyna wuxuu ku yidhi “Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya”, ka dibna hadhkii ayaa wareegay markii ay qorraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aanu ka kicin, halkaas oo uu bacadkiisii fadhiyey, isaga oo ku dhididay, kuna harraaday, ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey , dabadeedna galabtii ayaa odaygii Guurtida ahaa u yimi , ka dibna wuxuu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, ka dibna odaygii Guurtida ahaa ayey ku yidhaahdeen na kala saar, dabadeedna odaygii ayaa yidhi “Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isu garnaqaye, waayo ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo”, sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.”

Isagoo xeer-dhaqameedku yaal ayaa Soomaalida diinta islaamku soo gaadhay, inkastoo waqtiga ay soo gaadhay aan la isku raacsanayn oo dadka qaar aaminsan yihiin in Islaamnimada ay ku dhasheen, gaar ahaan kuwa rumaysan in Soomaalidu Carab tahay, halka kuwa aaminsan in ay Afro-Eshiyaatic, Kushiitic ah yihiina ay aaminsan yihiin in ganacsatadii carabtu wixii qarnigii 8aad ka horreeyey soo gaadhsiiyeen oo Maydh amma Saylac ka soo degay. Shareecada islaamku waxa bartay wadaado bulshada ka daboolay kaalin sharci, inkastoo ay markii hore ku eekaayeen arrimaha qoyska sida guurka iyo dhaxalka amma xaqitaanka nabadarada yar.

Haddaba, qarniyadii dambe way sii xoogaysatay, walaw xeer-dhaqameedku ka awood badnaa oo bulshadu aad ugu dheganayd Xeer-beegtida garta ay goyso,ay x balse waxay qayb ka noqotay oo ay ku milantay xeer-dhaqameedkii oo ay barbarkeeda ka gashay in iyada laf ahaanteeda waa shareecadee laga dhigto xeer.

Waqtiyadii Guumaygsiga, Dawladnimada iyo kala Erdhawgii (Kala go’ii)

In kastoo Soomaalida guumaytayaal kala duwan qabsadeen oo si kala duwan loo guumaystay. Tusaale, ahaan 1884-kii Ingiriisku waxa uu Somaliland ka kaxeeyey Masaarida oo calankooda ka taagtay dhulka Somaliland, kuwaasoo doonaysayna in ay haysato oo ka dhigtaan dhul ay leeyihiin, waxaannu heshiis dhaqameed la galay oday –dhaqameedkii dhulka Somaliland ka talinaayey, kadib wuxuu u ballanqaaday in aanu dhaqankooda iyo diintooda faragelin ku samaynayn, saldhigyada uu ciidammadiisu dejiyana aanay soo dhaafay oo ay ku eekanayaan.

Heshiiskaan muu ahayn mid caalamiya (International law), balse wuxuu ahaa xeer-dhaqameed (Customary law), haddana guumaysi buu ahaa oo qodobadaas inta badan muu jebin, laakiin kumuu eekaan halkii oo wuxuu ku soo rogay xeerar ii watay (Secular law) ee guumaysiga la jaanqaadaayey, isagoo si fiican u yaqaanay, una darsay hab-nololeedka Soomaalida ee ku dhisan qabka qabiilka (Clan System).

Ingiriisku waxa uu Somaliland dadka ku dhaqan ee dambiyada ciqaabta gala ee horgeynaayey maxkamadihii uu dalka keenay oo uu  ku maamulaayey Xeer la odhan jiray Xeer-ciqaabeedka Hindiya (Indian Penal Code(1860)-kii oo si toos ah uu Hindiya ugu dhaqaayey, muddo dheerna ma uu hadhin oo wuxuu baaqi sii ahaa, siina shaqaynaayey ilaa 1964-kii, ilaa ay ka baddalaysay dawladii ugu horraysay ee midawgii kadib dhalatay.

Sidoo kale, Maxmiyada Somaliland waxa lagu xukumaayey Xeerka Madaniga (1872 Indian Contract Act) oo ilaa hadda qayb ka mid ah ka sii hirgashan tahay Somaliland, balse Madawgii kadib waxa la qaaday Xeerka Madaniga oo Masar laga soo qaatay, kaasoo 1948-kii uu Masar samaysatay, aakhirkiina waddamo badan oo Carabta ah ka sii qaateen.

Dhinaca Soomaaliya waxa xeerar isla waqtiyadaas la sameeyey ku soo rogay Talyaaniga, ahaana faashiisti amma kaligii taliye dunidu ka qaylisay, xeerarkiisuna way ka adkaayeen kuwa Ingiriiska, halka Jabuuti laf ahaanteeda xeerar Faransiis ah lagu dhaqaayey.

Hadhaagii Xeerarka Talyaaniga waxa ka mid ah Xeerka Ciqaabta Guud oo 1930-1931 Faashistihii Talyaanigu samaystay, waqtigaas oo waliba sansaantii dagaalka 2aad ee adduunku soo uraysay si uu dadkiisa ugu caddaadiyo, dalalka uu guumaystana ugu bajiyo, ilaa haddana Somaliland iyo Soomaaliya maxkamadaheeda waa lagaga dhaqmaa, sababtoo ah midawgii kadib ayaa xeerkan si rasmi ah loo hirgeliyey. Dhanka Somaliland dastuurkeeda qodobka 10aad ayaa dhigaya in Xeerarkii Soomaaliya ee muhiimka ah la qaato, sidaasna wali wuu ku shaqeeyaa.

Soomaalida oon dawladnimada aqoon boqortooyooyin islaami ah iyo nidaam saldalad iyo oday-dhaqameed ah ku soo jahwareeray, xeer-dhaqameedka iyo Shareecadu is galeen, ayaa guumaystihii qabsatay, xeerar dad samee ahna goga u geliyey.

Waxa farxad u noqotay xornimadii 1960kii ay qateen, dawlad ay leeyihiina way dhisteen oo ay ku midaysan yihiin, waxaana lagu soo rogay nidaam doorasho iyo dimuqraadi ah oo aanay aqoon, ilayn oday dhaqameed dhaxal wareeg lagu helaa caado u ahayde, sharci iyo dastuur aanay aqoon baa afka laga geliyey.

Dawladahan waxa markiiba ka soo if baxay in sharciyadii guumaysigu uga tegay iyo kuwii ay qaateenba ay ku adeegteen madaxdii, dadkiina ay siiba naceen nidaamkan cusub.

Allaha u naxariistee Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc waxa uu ku dhawaad hellaadii 1967-kii gabaygiisa “Wax na Dilay” ku muujiyey sida sharciga dadka loo nacsiiyey, waxaana ka mid ahaa;

Afkaa laga maqlaa maaddadiyo erayga qaanuune

Faqii guriga lagu soo abyey ka akhriyaan koodhe

Aqoon-laawe laaluush cuniyo aafo daba-gaaba

Iyo oday ergo ah baa sharciga dila abidkoode

Dawladii markii ugu horraysayba way naceen, iyagoo dawladihii khaati ka taagan baa kacaankii aan dhiiggu ku daadan ee 29 October, 1969kii Siyaad Barre iyo saraakiishiisu hoggaaminaayeen qabsaday, muddo toban sanno ah sharciga inuu ku soo dabaallo oo uu xoog iyo xeelad ba u adeegsado isku dayey, cabudhun buu ku liqsiiyey in ay xeerarka u hoggaansamaan. Jahwareerkii hore waxa ugu darsamay cabudhin iyo nacayb ay sharciga dad sameega ah ka qataan, walina may baabi’in xeer-dhaqameedkii iyo shareecadii ee ila soco, inkastoo waqtigan magaalooyinka xeerka (Manmade law) dad ah ku awoodaysay, balse dadku khaati ka istaageen, maadaama aanay la qabsan nidaamka shuuciga, hantigoosadka amma kaligii taliska ah, iyagoo dawlad dimuqraadiga loogu sheegay ka yaaban baaba ka daro oo dib dhal ku sii noqotay.

Hellaadii 1981aadkii waxa bilaabmay unkankii jabhadayn iyo colaado hor leh oo dagaallo sokeeye weheliyaan, sharcigii waa laga tegay, xeer-dhaqameedkii meesha wuu ka baxay, shareecana mabay haleelayn qolyaha dawladda iyo kuwa jabhadeeyey, shacabkuna naf la carar bay ahaayeen, inta dhimatayna Alle ha u naxariisto.

Muddo tobboan sanno ku dhawaad ah oo dagaallo sokeeye oo SNM iyo SFF duurka ugu jireen waxa ay keentay in dadku su’aal saaraan sharciga dad sameega ah iyo nidaamka dawladnimada ah, iyagoon carbiyeyntii sharciga ee  rubuc qarniga ku dhaw la barayna ka lunto oo ay xooreen, waxa saddexdii sharci (shareeca, xeer-dhaqameed iyo sharciga dad sameega ah) ugu darsamay sharci kale oo ah sharciga kaynta (Law of Jungle) oo ku salaysan sida loo kala xoog weyn yahaa sharcigana loogu kala awood badan yahay amma loo kala adag yahay.

Dhinac kale, Somaliland markii ay dib ula soo noqotay xornimadeeda 18 May 1991-kii, waxa caawiyey nidaamkii xeer-beegtida (Guurtida), sababtoo ah oday-dhaqameedkii beelaha ayaa ku dhiiraday in ay nabadeeyaan, madaxweyna dalka u doortaan, balse taas macnaheedu maaha in dadku sharcigii si fiican u barteen wali halkii waxa taagan Xeer-dhaqameed, Shareeco iyo Xeerka Dad-sameega ah oo keenay jah-weerer sharci, balse aad moodo in Shareecada iyo Xeerarka Dad-sameega ah magaalooyinka xoogga ka shaqeeyaan.

Geesta Soomaaliya, waxa saddexdaass ku darsamay xeerka kaynta (Law of Jungle), maadaama ay xasiloonni darro ka socotay oo kursi, lacag iyo aragtiyo diimeed dagaalkeed ka socdaan wali sharciga laguma dhaqmin hadday tahay xeer-dhaqameed, shareeco iyo mid dad samee ah. Dunida isugu yeedha “Beesha Caalamka” (International Community) waxa ay Soomaaliya ku qasbaa in ay nidaam dimuqraadi ah, federaalna u dheer yahay ku qasbaan, iyagoo tahli kari la’ dhibaatooyinkii xerarkan kala gedisan ka soo gaadhay iyo nidaamkii dawliga ahaa ee kala jaad jaadka ahaa.

Ku adkaanta amma ku dheganaanta xeerka reeraha (Xeer-dhaqameedka), kala aragti duwanaanta shareecada, la qabsi la’aanta sharciga dad sameega ah, xeer-guumaysi yagleelay, nidaam kaligii taliye ah, dawlad dimuqraadi ah, federal iyo faragelin shisheeye waxay keentay in Soomaalidu ka fogadaan ku dhaqanka sharciyada ay haystaan mid uun, mid kastana in ka qataan, halkaasna khilaaf sharci ka dhasho, meeshana ah ka baxdo kala dambaynta iyo u sinaanta caddaaladda (Law and Order & Equal Justice Under the law).

Soomaalidu waxay sharciga ugu dhaqmi wayday:

  • Waxa iska galay oo jahwareer ku riday xeer-dhaqameed, qannuunka shareecada, xeerka dad sameega ah, dawlad dimuqraadi ah oo aanay asal u lahayn.
  • Ma ay helin hoggaamiyayaal amma hal-door bulsheed (Elate or statesmen) si sax ah ugu dejiya sharciyo ku habboon dadkooda oo lagu dhaqi karo, lana jaan qaadi kara xaalada Soomaalidu ku jiro.
  • Waxa indhaha ku hayo waddamada reer galbeedka oo ku qasbaya in sharciyo ay iyagu ku dhaqmaan lagu dhaqo Soomaalida, kuwaasoo aan xaalada Soomaalidu ku jirto ku habboonayn.
  • Inta aan dadka sharci la samayn waxa ay u baahan yihiin wacyigelin iyo baris (Awareness and legal education), kaasna ma helaan oo sharciga oo aanay aqoon baa korka lagaga soo tuuraa, sharciga dad sameega ahna waxa qaaciido u ah “Jahli baan ka ahayn cudur daar uma aha sharciga” (Ignorance of Law has no excuse).
  • Sharci faafin iyo sharci baahin aan ka jirin Soomaalida dawladaheeda.
  • Eexda oo ku badan ku dhaqan la’aanta sharciga aawadeed, taasina ay ka leexiso qof sharciga ku dhaqmi lahaa amma dabakhi lahaa.

Maxa Xal ah?

Xalku wuxuu ku sidkan yahay amma imaanaya marka Soomaalidu fahanto habka sharci ee ku habboon oo noqon kara;

  • In ay samaystaan sharci ku habboon oo noqon kara Xeer-dhaqameedka oo la qoro sida Xeerka Ciisa, laguna asteeyo diinta islaamka.
  • In shareecada la qodobeeyo oo laga dhigto sharci lagu dhaqmo oo dalku ka guuro hannaanka dimuqraadiga ah oo islaami rasmi ah noqdo;
  • In sharciga dad sameega ah lagu dhaqmo oo si dhab ah loogu guuro nidaamka cilmaaniga ah (secular system) oo aanan ku taliyeen anigu, laakiin baadhitaannada iyo haddii dadku isku racaan oo loo arko in la qaato ay u taalo bulshadeena ku habboonaanteeda iyo ku habboonaan la’aanteedu.
  • Bulshada oo sharciga la baro ka hor inta aan loo samayn, dushana lagaga keenin.
  • Sharciga oo fulin loo sameeyo oo dadka la tuso inuu shaqaynaayo.

Tix-raaca

  1. http://www.ushistory.org/civ/4c.asp-Retrieved 18/05/2016
  2. Andrea, A. J., & Overfield, J. H. (2005). The Human Record. Massachusetts: Houghton Mifflin Company.
  3. Pettinato, G. (1981). The archives of Ebla: an empire inscribed in clay. Doubleday Books.
  4. A, (). Taariikhda Sheekh Isaxaaq. Asal Printin,Hargeisa, Somaliland
  5. Lewis, H. S. (1966). The origins of the Galla and Somali. The Journal of African History, 7(01), 27-46.
  1. Hersi, A. A. (1977). The Arab factor in Somali history. Unpublished Ph. D. Thesis, Los Angeles: University of California at Los Angeles.
  1. http://motherearthtravel.com/somalia/history.htm-Retrivied 16/05/2016
  2. Leonard, D. K. (2009). Recreating political order: the Somali systems today. IDS Working Papers, 2009(316), 01-23.
  1. Hassan, Sh.M-Rashid (2015). Somali History: 1960-1966: Islam, The clan and the State in the Somali Contex. Sagaljet, Hargeisa , Somaliland
  1. X.B.M. (2008). Hal aan Tebayey (First Edition). Ink2design, London.
  1. C. X.O (2010), Xeer-dhaqameed: Xeer-Ciise. Djibouti
  1. Caare-dhuub.C. Garta Xeer-beegti iyo xeerarka Soomaalida. http://www.hoygasuugaanta.com/Garta-Dhaqanka1-2.htm Retrieved, 15 May, 2016