MAXAA AAN JIGJIGA KU SOO ARKAY…W/Q:(Hussien Mohamed)

Muddo hal bil ah oo aan fasax u joogay waxa aan soo arkay oo kooban ayaan halkan idin kula wadaagayaa:

1. Horumar dhanka Wadooyinka iyo Ganacsiga ah: Magaalada Jigjiga waxa ka muuqda isbedel xoog leh oo dhinaca Horumarka Suuqyada Ganacsiga ah ee cusub , taas oo ay sabab u tahay Wadooyin Laami ah oo laga dhisay magaalada oo dhiiri galiyey in ay wadooyinkaa cusub ee la dhisay dadku uga faa’iidaysteen Ganacsiyo badan oo magaaladana wax badan ku soo kordhiyey. Waxa aan Tuusale u soo qwadanayaa wadada tagta Jaamacada Jigjiga oo hormumarta Xafiiska Cilmibaadhista oo ah meel wan ka shaqeeyey in badan taas oo marka aan xasuusto dhawr iyo toban sano ka hor ahayd meel banaan, hadda waxa ay ka mid tahay meelaha ugu cammiran magaalada Jigjiga oo waxaa is qabaaday meherado nooc walba leh. Intaas waxa u dheer wado labo haad ah oo dhir badana lagu beeray taas oo bilicda jidkaa wax badan ku soo kordhiyey. Nin aan Saaxiibo nahay ayaaban kula kaftamay in ninkaa Mustafe Cagjar magaca loogu bedelo Mustafe Cagdhis😁 marka aan arkay ninkaasi intii uu joogay sida ay magaalada Jigjiga wadooyinka uga horumartay.

2. Shirkadaha xawilaadaha lacagaha:

Aniga waxay ii ahayd markii iigu horaysay ee Jigjiga aan Isticmaalo adeegaas oo aan aad ula dhacay. Waxayna ahayd markii iigu horaysay ee Jigjiga aanan wax lacag cadaan ah aanan jeebka ku qaadan( Adeeg kasta oo aan u baahdo waxa aan ka bixinanayey Mobile kayga. Waxa ii muuqatay in tartan aad u xoogani ka dhex jiro shirkadahaa lacagaha sida Ebirr, Sahay iyo Hello Cash. Dad aan la sheekaystay oo xog ogaal ahi waxa ay ii sheegeen in ay jecelyihiin isticmaalka shirkada Ebirr oo ay sabab uga dhigeen in aanay wax khidmad ah ka goosan marka ay lacagaha dirayaan iyo marka ay la baxayaanba. Ma aqaano cidda shirkadaa Ebirr iska leh laakiin lacagtu waxa ay dhexmartaa Cooperative Bank of Oromia (ama Kaafi Micro Finance). Waxa kale oo inta aan joogay aan arkay tartan aad u xoogan oo ka dhexeeya shirkadahaa xawilaadaha lacagta. Mar marka qaar waxaan arkayey dacaayado Baraha Bulshada la isu marinayo oo ku salayasan kala jiidashada macaamiisha. Waxa aan arkayey in dadka caqliga u saaxiibka ahi kaga fal celinayeen dacaayadahaa in aanay sax ahayn ee suuqa xorta kolba shirkada adeegoodu shacabka u danyahay ay isticmaalaan.

3. Dhalinyaro aad u firfircoon oo sameeyey madalo fikrad wadaag ah: Waxa aan la kulmay dhalinyar intii aan Jigjiga ka maqnaa hana qaaday oo jaamacadaha ka soo baxay oo ku hawlan in ay la yimaadaan hal abuur iyo dood wadaag wacyiga bulshada kor loogu qaadayo. Dhalinyaradaa badankooda waxa aan kala socon jiray baraha bulshada oo aniga oo la dhacsan fikradahooda ayaan is idhi bal si fool ka fool ahna ula sheekayso. Waxa ii soo baxday in ay Jigjiga tahay Magaalada labaad, marka laga yimaado Xamar, ee inta aan arkay dhalinyaradu ay saaxiib iyo jaal u yihiin sida ay isu fahmaan ee aanay saaxiib u ahayn degaanka ama degmada ay ka soo jeedaan. Degaanada kale ee Soomaalida waxa aan ku arkaa( Inta badan) in ay dhalinyaradu saaxiib ama jaal u yihiin inta ay isu deegaanka iyo reerka yihiin( waa aragtidayda iyo inta aan ka arkay). Reer Jigjigaadna arintaa waan ku bogaadinayaa. Waxa kali ah ee iga yaabiyey waxa ay ahayd jiilkaa inta noo dhaxaysa oo rag badan oo aan u haystay in aan isu wakhti dhawnahay ayaa ay iiga soo baxday in aan in badan kala horayno taasina aniga iyo teemkayga waxa ay u tahay in aan hore u guurnay oo aan hadda “jiilkii hore“ isu tirino.

4. U Jihaysiga dhinaca Ganacsiga ee Jiilkaygii hore :Jigjiga markii aan tagay waxa aan ku arkay in akhyaar badan oo aan hay’ adaha iyo dawladaba u wada shaqayn jiray ay hadda u jihaysteen dhankaa iyo ganacsiga oo dhawr asxaabta ah oo aan la kulmay waxa ay igu dhiiri galiyeen in aan isaga imaado shaqooyinkan hay’adaha oo aan ganacsiga bilawga ah ee socda qayb ka noqdo. Waxa aan u sheegay in aanan wali u bislaan in aan ka soo wada baxo shaqooyinkii inta badan ka shaqaynayey ee aan u baahanahay in aan bal ka soo fakaro. Lacag yaraan iyo busaaradna in ay jirto akhyaarta waa aan ka maqlay oo waxa aan xasuustay hadalkii Madaxweyne Mustafe ee “ Shilin bixin mayno😁” oo waxaan u gartay uun in lacagtii shaxaadka loo bixin jiray ay yaraatay. Guntii iyo gabo gabadii waxa aan iyadna ku soo xidhay maalintii aan Jigjiga ka soo baxayey oo aad loo hadal hayey arinta badda ee Itoobiya ka heshay Somaliland ay dadka si xoog ah uga fal celinayeen.Waxa aad ii soo jiidatay qof dumar ah oo da’ ah oo khudaarta muuska/mooska iyo liinta iibisa meel ka mid ah magaalada ayaan si kaftan ah ugu idhi “Hooyo dee waa qaali khudaarta ee maanad ogayn in Itoobiya hadda badna heshay maad naga jabisid qiimaha”

Islaantii si xanaaq leh ayey iigu jawaabtay “Muuse ma isagaa badda leh, baddu Soomali ayey ka dhaxaysaan cid bixin kartaana ma jirto ee eedo sawdiga nin weyn ah maxaa hadalkaa kaa keenay”.Waa aan ka raali galiyey oo waxa aan ku idhi raali ahaw haddii aad dhibsatay hadalkaa.

 

Waxaa qoray Aqoonyahan Hussien Mohamed. Waxaan ana ku yara darsaday tifatir yar.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=pfbid023DVp9eBmiVyh8CJRCMqksTbEckzy6LnbQNGibHs7MmqvDNKBTvYuU2Pp2bquDXeVl&id=573069110&mibextid=Nif5oz

Bandhige@gmail.com