Nolasha dhamaanteed, waa imtixaan, ibtilo iyo tijaabooyin taxan oo teedsan. Sida loo kala tayo badan yahay, ayaa loo kala tijaabo adagyahay. Tijaabooyinka nolosha aad marayso, waa qaar lagu hubinayo in uu hadalkaaga ama hawraarta aad rabbi ku rumaysay iyo hab-dhaqankaagu is ku hal noqdaan iyo in ay is hareer marsan yihiin. Imtixaanku waxa uu noqon karaa nimco iyo nitaaqoba. Waxa la tijaabinayaa sida aad gallada eebe u garwaaqsato ama aad u garan weydo, ugu mahadiso guulle weynaha ama uga gabood fasho iyo sida aad Nitaaqooyinka nolosha aad ugu samirto oo dulqaadato ama aad karkaarka weydaarato oo kadeedka noloshu kaa karti iyo awood badiyo.
قال الله تعالى( أَحَسِبَ النَّاسُ أَنْ يُتْرَكُوا أَنْ يَقُولُوا آمَنَّا وَهُمْ لا يُفْتَنُونَ )(وَلَقَدْ فَتَنَّا الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۖ فَلَيَعْلَمَنَّ اللَّهُ الَّذِينَ صَدَقُوا وَلَيَعْلَمَنَّ الْكَاذِبِين)
“Dadku ma waxa ay u malaynayaan in lagu dhaafayo, in ay dhaheen waanu rumaynay, iyaga oo aan la tijaabin. Kuwii ka horreeyay waa la imtixaamay, si alle u ogaado(waa ogyahaye) kuwa runta sheegaya iyo beenaalayaasha”
Sida dugsiyada tayada badni, ay uga tijaabo iyo imtaxaan badanyihiin, ugana adagyihiin kuwa tayada liita, sidoo kale ardaydooda uga jecelyihiin, ayaa dadkuna ugu kala tijaabooyin adagyihiin, hadba inta tayadooda qofeed ay tahay. Haddii ay tijaabada kugu tiro badatado, ogow waxaad tahay qof tayadiisa iyo miisanka uu alle agtiisa ku leeyahay ay sarrayso, sidoo kale adoomaha kalena laga jecelyahay.
قال رسول الله صلى الله عليه و سلم”إن الله إذا أحب عبدًا ابتلاه والنبي ﷺ يقول: أشد الناس بلاء الأنبياء ثم الصالحون ثم الأمثل فالأمثل”
Waxa uu suubanaheennu(NNKH) yidhi “Haddii alle adoon jeclaado waa tijaabiyaa; waxa kale oo uu yidhi ” Dadka ugu tijaabada Nolasha dhamaanteed, waa imtixaan, ibtilo iyo tijaabooyin taxan oo teedsan. Sida loo kala tayo badan yahay, ayaa loo kala tijaabo adagyahay. Tijaabooyinka nolosha aad marayso, waa qaar lagu hubinayo in uu hadalkaaga ama hawraarta aad rabbi ku rumaysay iyo hab-dhaqankaagu is ku hal noqdaan iyo in ay is hareer marsan yihiin. Imtixaanku waxa uu noqon karaa nimco iyo nitaaqoba. Waxa la tijaabinayaa sida aad gallada eebe u garwaaqsato ama aad u garan weydo, ugu mahadiso guulle weynaha ama uga gabood fasho iyo sida aad Nitaaqooyinka nolosha aad ugu samirto oo dulqaadato ama aad karkaarka weydaarato oo kadeedka noloshu kaa karti iyo awood badiyo.
قال الله تعالى( أَحَسِبَ النَّاسُ أَنْ يُتْرَكُوا أَنْ يَقُولُوا آمَنَّا وَهُمْ لا يُفْتَنُونَ )(وَلَقَدْ فَتَنَّا الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۖ فَلَيَعْلَمَنَّ اللَّهُ الَّذِينَ صَدَقُوا وَلَيَعْلَمَنَّ الْكَاذِبِين)
“Dadku ma waxa ay u malaynayaan in lagu dhaafayo, in ay dhaheen waanu rumaynay, iyaga oo aan la tijaabin. Kuwii ka horreeyay waa la imtixaamay, si alle u ogaado(waa ogyahaye) kuwa runta sheegaya iyo beenaalayaasha”
Sida dugsiyada tayada badni, ay uga tijaabo iyo imtaxaan badanyihiin, ugana adagyihiin kuwa tayada liita, sidoo kale ardaydooda uga jecelyihiin, ayaa dadkuna ugu kala tijaabooyin adagyihiin, hadba inta tayadooda qofeed ay tahay. Haddii ay tijaabada kugu tiro badatado, ogow waxaad tahay qof tayadiisa iyo miisanka uu alle agtiisa ku leeyahay ay sarrayso, sidoo kale adoomaha kalena laga jecelyahay.
قال رسول الله صلى الله عليه و سلم”إن الله إذا أحب عبدًا ابتلاه والنبي ﷺ يقول: أشد الناس بلاء الأنبياء ثم الصالحون ثم الأمثل فالأمثل”
Waxa uu suubanaheennu(NNKH) yidhi “Haddii alle adoon jeclaado waa tijaabiyaa; waxa kale oo uu yidhi ” Dadka ugu tijaabada adag waa Anbiyada, ka gadaal dadka wanaagsan, sida loo kala wanaagsanyahay ayaa loo teedsanyahay”
Hadaba, qof walba waa dhibane, ha yaraato ama ha badnaato’e, arrin ayaa umal iyo arami ku haya, aadame kastana, waxa uu la dayaysanyahay oo dalambaabi iyo daalaadhac la dekaynayaa, duruufaha adag ee nolosha la soo dersa. Sidoo kale qof walba tiisa ayaa la tusay oo kuwa dadka kale kala taag iyo tamar weyn. Dhibaatooyinka haysta, ayaa uu dhab u xaqiiqsan yahay, in ay yihiin kuwa ugu dhumucda weyn, dhibaatooyinka dhiggii haystana kala mug iyo miisaan weyn.
وقال عز وجل : ( الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ) [الملك/ 2
” Allihii geerida iyo Nolasha abuuray, si loo tijaabiyo kiinna camalka san”
Haddii ay shaqo la’aani jirto, in badanna aad isku hawshay helitaankeeda, balse aad hanan kari la’dahay, waxa suure gal ah in aanay taasi dheef kuu lahayn ama alle ogyahay xilliga dhabta ah ee ay nafciga kuu leedahay, in aanay hadda ahayn. Ganacsi yar oo aad yab-yabtay, hadana taabo geli waayay, ogaalka alle ayaa leh, waxa suure ah in uu goor kale tisqaadi doono oo munaasib ah, hadana dhibi kaaga soo food yeelan karto. Gabadha/wiil kula cudoonaa aya aad guurkiisa seegtay oo kaa galbaday/galbatay, waxa laga yaabaa in aanu qofkaasi kuu qalmayn oo uu jiro qof kale oo kaaga wacan, allena kuu qorsheeyay in aad nolosha la qaybsato. Guulle weyne ayaa wax walba garan og, waxa kuu san iyo waxa kuu xunba isaga ayaa og. Waxa laga yaaba, in ay sida ugu fiican uguna haboon wax u sodaan, balse inta kuu muuqata mugdi ay tahay, muqaal cuddoonna ka shisheeyo.
Waa hore waxa la soo weriyay” nin dhoof u qorshaysnaa, duulimaadkana ku qornaa berrida dhow, damac iyo doonitaan xoogganna u hayay, in mar uun diyaaradu la duusho, cagahana dhigo cariga uu u baqooli rabay, ayaa habeenkii ku seexday rajo iyo farxad tan dhaaf ah. Berrito waxa uu u jarmaadayaa cariga maraykanka oo uu janada aduunka u aqoonsanyahay. Seexay, waagi dilaac sidii alle looga bartay, lakiin nasiib darro, hurdadii ayaa la durugtay oo la dheeraatay. Markii uu baraarugay, waxa uu bayaan u bogtay, in uu baaqday! Ba’ iyo hoog ayaa uu ku beriistay! Balan-bal iyo bayhoof ayaa u idlaaday! Ilmada ka soo butaacday bu’da indhihiisa, ayaa u burqatay dhabanadiisa, sidii webi buur ka soo shalwaday oo kale. Saacado kooban kadib, dhambaal dhiillo sida ayaa soo dhacay! Burburkii diyaaradii uu ka baaqday! ayaa loo dacaal saaray! Dareen naxdin iyo farxad iskugu dhafan ayaa mar qudha la daf-siiyay! Mar keli ah ayaa ay xaaladu xaga kale isu rogtay! Illintii murugtu farxad ayaa ay il-bidhiqsiyo kooban is kugu bedashay! Badbaado alle ayaa meesha ka socatay, balse isaga dhib iyo dhakafaar la ahayd.
قال الله تعالى (…… ۖ وَعَسَىٰ أَن تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ ۖ وَعَسَىٰ أَن تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَّكُمْ ۗ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ)
“Laga yaabee, in wax aad necbaysanaysaan, nasiimo iyo naruuro idiin leeyahay. Waxa laga yaabaa, in wax aad jeclaysanaysaan, dhibi idiinku jirto. Alle ayaa wax og ee idinku ma ogidin”
Guntii iyo gunaanadkii waxaan hadal ku soo gaabshay, dhib iyo kadeed tiro beel ah ayaa nolosha ku gedaaman, kuna xeeran xayndaabka aadmiga ee dunidan dugsiga weyn ah. Hadaba, si aad nolosha badhaadhe iyo barwaaqo ugu joogto, is dareensii nimcooyinka tiro-beelka ah ee alle kugu galladay. Uguna cudud weynyihiin caqliga, caafimaadka, cimriga, cilmiga, cimilada cuddoon iyo camalka suuban.
Neef ayaa aad si bilaa xisaab ah ku heshaa, waxa jira dad la itaal daran in ay neefsadaan, waad socotaa adigu maalin walba, dadbaa in ay socdaan luul ku raadinaya. Waraysi lala yeeshay nin indhool ah, ayaa waxa lagu su’aalay maxaad jeclaan lahayd? War-celintiisu waxay noqotay ” in aan mar uun cirka arko! Immisa goor ayaa aad adigu cirka aragtaa? Se gallad eebe ma u ogsoontahay? Haddii aad dareento, nimcooyinka xadka ka baxay ee alle kugu gadaamay, marka aad barbar dhigto nitaaqooyinka yar-yar ee nolosha, weliba aad garwaaqsato, intaasina in ay tahay kalgacal iyo jacayl alle kuu qabo, mar kasta oo aad tijaabo nololeed gashana, maanka ku hayso in alle ku jecelyahay, haba yaraato’e murugo iyo isqoonsi midna dareemi maysid.
قال تعالى: وَأَمَّا بِنِعْمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثْ [الضحى:11
” Nimcooyin alle ka warran”
W/Q: Mohamoud Saleban(Zubairi)